Waxaa markale ka dilaacday gudaha Somaliland jabhad cusub, taasi oo saldhigatay goob aan masaafo ahaan kasii fogeyn magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Jabhaddan ayaa hadda saldhig ku leh degmada Balligubadle ee gobolka Hawd ee Somaliland oo qiyaastii magaalada Hargaysa 65KM koofurta kaga beegan, una dhow xuduudda Itoobiya.
Haddaba maxay tahay jabhaddan iyo ujeedka ka dambeeya?
Jabhaddan ayaa ka dhalatay cadaalad darro ay Somaliland ka tirsanayaan shacabka deegaanka Balligubadle, gaar ahaan saami-qeybsiga maamulka, sida uu sheegay Iid Jiciir Aw-Axmed oo deegaanka ka soo jeeda, kana mid ahaa xubnihii SNM
Qiyaasta tirada raggaas ayuu sheegay inuusan ogeyn, balse ay u badan yihiin rag ka soo jeeda beesha degta Balligubadle, isagoo markaa iska ilaalinayey in uu tiro khaldan bixiyo, wuxuuse intaa ku daray in jabhaddu ay samaysantay muddo qiyaastii aan bil iyo bar ka badnayn.
Iid oo ka mid ah dadka deegaan ahaan loo tiriyo jabhadaas laakiinse aan xubin ka ahayn wuxuu BBC u xaqiijiyey xog markii horeba soo gaartay oo ah in jabhadaas ay diiddan tahay doorashooyinka isku sidkan ee lagu wado inay dhacaan bisha Nofembar.
“Tabasho iyo cadaalad darro weli halkeedii taagan oo aan la xallin ayey jabhaddu ka aasaasantay, taasoo ah mid ay qabaan reerka reer Balligubadle. Somaliland waxay ku aasaantay saami qaybsiga beelaha, markii loo gudbay dimoqaraadiyadda waxaa yimid xeerar wada qabyo ah oo kan baarlamaanku ka mid yahay oo dadku aysan kuraasta isku si ugu soo baxayn,” ayuu yiri.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Bil matal, waxaa jira laba xildhibaan oo midna uu ku dhacayo 5,500 oo cod, midna uu ku soo baxayo 800 oo cod, waana wax qof u fiirsaday mooyee uusan qof kale garan karin, waxayna arrimahaas ka mid yihiin arrimaha tabashada ee beeshan ay qabto.”