Qaramada Midoobey ayaa sannadkan 2024 u aqoonsatay Sannadka Bahda Geelasha Adduunka, kaas oo looga golleeyahay in sare loogu qaado ogaalka dadweynaha iyo dadka siyaasadda dajiya ee la xiriira kaalinta xayawaankani kaga jiro nolosha aadanaha.
Malaayiin dad ah oo reer guuraa u badan kuna kala nool duinda dacalladeeda ayaa geela iyo duunyada kale ee ay bah-wadaagta yihiin sida, Ilama, alpaca,vicuna iyo guanaco ugu tiirsan cunto iyo gaadiid.
Soomaalida oo dhaqan ahaan ku tirsan dunida xoolo dhaqatada ah ayaa safka hore uga jira bulshooyinka geelleyda ah ee aan weli ka guurin noloshii reer guuraanimada. Taas oo micnaheedu yahay in geelu weli door shariif ah ku leeyahay nolasha dadka Soomaaliyeed miyi iyo magaalo mid uu joogaba.
Haddaba si loo muujiyo kaalinta geelu kaga jiro nolosha dhaqan-dhaqaale ee ummaadda Soomaaliyeed, waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ka socda qabanqaabada Xuska Geela Soomaalida, kaas oo lagu wado in ay ka soo qaybgalaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Sida uu BBC u sheegay Xoosh Docol Curdan oo ah aasaasaha xarunta dhaqanka Biciid oo qabaneysa xuskan oo sida qorshuhu yahay dhacaya bisha July 2024, ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay barnaamijkan laga leeyahay waa in loo qareemo geela Soomaalida, sidoo kalena la isku baraarujiyo daryeelka uu mudan yahay.
”Waxaa si gaar ah loogu kuurgalayaa dhanka aqoonta loo leeyahay geela Soomaalida iyo macluumaadka laga qoray, saameynta uu geelu ku leeyahay dhaqanka Soomaalida iyo kaalinta uu kaga jiro dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri Xoosh oo faahfaahinaya waxyaabaha diiradda loogu saarayo barnaamijka.
“Kullu Fitna Cinda Geel”
Geela ayaa muddo dheer wuxuu lafdhabar u ahaa nolasha bulshada Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah, waxaana la sheegayaa in xayawaanka uu xudun u yahay ,colaadaha daba-dheeraadfay ee Soomaalida halkeeyey. Marka dib loo qooraansado sooyaalka dagaallada lagu hoobtay ee dhex maray beelaha Soomaaliyeed, ku waas oo raadadkoodi weli sii muuqdaan, waxaa ka si cad looga dheehan karaa in ay badidood ka billowdeen ismaandhaaf ka dhashay dar iyo daaqsin geel.
Haddaba iyadoo maanka lagu hayo daruufaha ka dhashay isbeddelka cimilada ee saameynta qallafsan ku yeeshay baadkii iyo biyihii xoolaha, geeluba ha ugu darraadee, Xoosh wuxuu sheegay in kulanka lagu gorfeyn doono sidii loola qabsan lahaa isbeddelka jira, iyadoo laga billaabayo golaha geela iyo geyiga uu ku soofo.
Munaasibadda Xuska Geela Soomalida oo sida Xoosh sheegay qorshuhu yahay in ay ka soo qaybgalaan cilmi-baareyaal, khuburo iyo dadka jaangooya siyaasadda bulshada ee heer dowlad goboleed iyo mid federaal, waxaa si cilmiyeysan loogu falanqeyn doonaa habka soo jireenka ah ee xoolo dhaqashada, iyadoo dhanka kale lagu soo bandhigayo sida ugu habboon ee looga faa’ideysan karo tacabka geela.
”Barnaamijkan waxaa lagu soo bandhigi doonaa tacabka geela Soomaalida, gaar ahaan cadka, caanaha, hargaha iyo waxyaabaha la warshadeeyo sida caano booraha, kareemada laga sameeyey dhuuxa geela, saliidaha iyo saabuunaha laga farsameeyo duxda geela, waxyaabaha lagu xarragoodo ee laga sameeyo lafaha geela ee la qoro sida kuulaha kiyo jijimaha IWM”, ayuu yiri Xoosh.
Ururka Geelleyda Soomaaliyeed
Ugu dambeyntii Xoosh Docol Curdan oo ah Aasaasaha Xarunta Dhaqanka Biciid ee sannadkan qabanqaabineysa Xuska Geela Soomaalida wuxuu rejo wanaagsan ka muujiyey in barnaamijkan ay ka soo bixi doonaan guulo dhaxalgal ah oo wax ka tara noolasha geela iyo geelleyda Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in qorshu yahay in halkaas lagu dhiso dallad ay ku mideysan yihiin geelleyda Soomaaliyeed, kaas oo ujeedkiisu yahay in loo qareemo sidii loo hirgelin lahaa siyaasado lagu tabantaabayo nolosha bulshada geelleyda ah.
Walow aan la hayn tiro-koob sugan oo ku saabsan geela Soomaalida, haddana waxaa la aaminsan yahay in Soomaalidu leedahay geela ugu badan ee dunida ku nool. Waxaana la qiyaasaa in 7 illaa 8 milyan oo neef oo geel ah ay ku nool yihiin Soomaaliya.
BBC SOMALI