Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxaad ka taqaanaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Itoobiya?

    Maxaad ka taqaanaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Itoobiya?

    By radiohalgan.comFebruary 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Bishii August 2021, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa safar ku teggay dalka Turkiga xilli uu xulufo cusub ka samaysanaayay adduunka, xilligaas waxay Itoobiya la daaladhacaysa dagaalkii ka socday gobolka Tigray.

    Tagitaankiisii Ankara waxuu noqday mid midho dhal ah waxuuna la kulmay madaxweynaha dalka Turkiga Raccep Dayip Erdugan, halka labada Wasiir ee Gaashaandhig ee dalalkanina ay kala sixiixdeen Iskaashi ciidan iyo mid dhaqaale.

    Heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Turkiga qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa: Tababarka iyo waxbarashada ciidamada, warshadaha ka shaqeeya agabka difaaca, isdhaafsiga xogaha sirdoon, xidhiidhka danabaysan, hababka macluumaadka iyo difaaca internetka iyo isweydaarsiga aqoonta ciidamada.

    Heshiiskan waxaa Itoobiya u saxiixay Wasiirka Difaaca Itoobiya Dr. Kenea Yadeta dhanka, Turkigana waxaa u saxiixay Wasiirka Difaaca Qaran, Hulusi Akar oo ahaa Taliyahii hore ee ciidamada Turkiga, intuu xilkaan taliyaha hayayna ahaa kii xadhigga ka jaray saldhigii ugu weynaa ee Turkigu ku yeeshay meel ka baxsan dalkiisa oo ah caasimadda Soomaaliya, Muqdisho. Saldhigaas ayaa waxaa ku baxay lacag dhan $50 Milyan oo Doolar.

    Baarlamaanka Itoobiya ayaa cod aqlabiyad leh meel mariyay heshiiskaas bishii May 17 keedii, sanadkii 2022 kii.

    Dhanka kale, sannadkii 2023 kii bishii April 13keedii barlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay heshiiska.

    Booqashadii Abiye ee kuu teggay Ankara waxay noqotay mid uu mahadiyo oo uu kusoo helay saanad ciidan oo ay ugu muhiimsanyahiin diyaaraddaha Bayraktar oo saamayn laxaadleh ka qaatay dagaalkii gobolka Tigray caana ka noqotay furimaha dagaalada, sida ay qortay wakaaladda Reuters.

    Erdogan and Hassan Sheikh

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Xidhiidhka Itoobiya iyo Turkiga

    Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Itoobiya waa mid kasoo bilowda sanadkii 1896 dii xilligaas oo ah xukunkii Cabdixamiid kii Labaad ee Turkiga iyo Boqor Mililikhii labaad ee Itoobiya.

    Safaaradii Afrikada saxaraha ka hooseysa ee ugu horreysay uu Turkigu ka dhistay ayaa laga furay magaalada Addis Ababa sanadkii 1926 kii, Itoobiyana waxay safaaradeeda ka furatay Turkiga 1933 dii taas oo uu taliskii Shuuciga ah ee Dergi xidhay 1986 dii balse dib loo furay 2006-dii.Sidoo kale madaxweynaha Turkiga ayaa tegay Itoobiya 2015 kii

    Qiyaastii 200 oo shirkadood oo Turki ah ayaa gudaha Itoobiya ka shaqeeya, iyaga oo shaqo abuur u sameeyay in ka badan 30,000 oo Itoobiyaan ah, sida ay sheegayso warbixin laga qoray. Maalgelinta Turkigu gudaha Itoobiya ku sameeyaynso waxay kor u dhaafaysaa 2.5 Bilyan oo Doolar siday sheegtay Wasaaradda Dhaqaalaha Turkiga. Waana maalgashadaha labaad ee waddanka.

    Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

    Bilowgii sanadkaan ayaa waxaa ay dawladda Itoobiya heshiis la gashalay Somaliland oo aan wadamada caalamka ka haysan aqoonsi madax banaanideeda ah.

    Heshiiska oo digayay in 20 kiili mitir oo dhul xeebeed ah laga kireeyo Itoobiya sida ay sheegeen labada dhinac ayaa waxa si wayn uga carooday Soomaaliya oo sheegtay β€œin aysan sax ahayn in Itoobiya ay heshiis la gasho Somaliland”.

    Iyada oo murankaas jiro ayaa todobaadkaan waxaa heshiis milatari iyo dhaqaale uu dhexmaray dawladda Soomaaliya iyo dawladda Turkiga.

    Erdogan iyo Hassan Sheekh

    XIGASHADA SAWIRKA,AA

    Turkiga iyo heshiiska difaac ee uu la galay Soomaaliya

    Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

    Heshiiskaan ayaa dhigaya in toban sanno u Turkigu biyaha Soomaaliya ilaalin doono, sidoo kalena dhisi doono Ciidamadda Badda ee Soomaaliya. Turkigu waa awoodda labaad ee NATO marka laga yimaado Maraykanka waxuuna Soomaaliya ka caawinaayay dhismaha ciidamada.

    Soomaaliya iyo Itoobiya oo labada uu Turkigu la galay heshiis iskaashi ciidan iyo mid dhaqaale waxaa dhexdooda ka taagan xiisad siyaasadeed oo halka ay ku dami doonto aan la saadaalin karin.

    Hadaba su’aasha la isweydiin karo ayaa ah sideebaa Turkigu isugu wadi karaa in labadaan xiriir ee mid waliba salka ku hayo difaaca iyo ciidamada.

    β€˜β€˜Taageerada uu Turkigu taageeraayo Soomaaliya waa mid uu kasoo baaraan degay oo masaaliixdiisa uu ku salaynaayo, umana malaynaayo labo diyaaradood oo turkigu leeyahay dagaal in ay isku qaadi doonaan’’ ayuu qabaa Mursal Saneey oo ah Agaasimaha Machadda Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.