Tiro Dhallinyaro Soomaali ah ayaa sannadkan ka qayb galay cayaaraya olombikada ee Paris. Dhallinyaradaas waxay intooda badan u ordayeen dalal aan Soomaaliya ahayn oo ay dhalashadooda haystaan.
Qaarkood waa markii ugu horreysay ee ay tagaan cayaaraha olombikada, halka qaar kalena ay hore magac uga sameeyeen taratamadan.
Qormadan waxaan ku eegeynaa qaar dhallinyaradaas ka mid ah iyo noloshooda isboortiga oo kooban.
Maxamed Axmed – Canada
Maxamed Axmed waa Soomaali haysta dhalashada Canada, wuxuuna dhashay 5 Janaayo 1991. Taariikhda ugu horreysay ee uu ka sameeyey dhanka cayaaraha waxay ahayd olombikada xagaagii 2021 isagoo ku guulaystay billadda qalinka ee kaalinta labaad ee orordka 5000 mitir. Waxaa kaloo ka horreeyey horyaallada cayaaraha fudud ee adduunka oo 2019 uu biladda maarta ku guulaystay.
Wuxuu ku dhashay Muqdisho, laakinse wuxuu ku soo koray degmada Ceel Afweyne ee Somaliland, ka hor intii aysan qoyskiisu u guurin Kenya, halkaasoo uu 10 sano oo noloshiisa ka mid ah ku soo qaatay. Waxaa Canada la keenay isagopo 11 jir ah, wuxuuna orodka bilaabay markii uu 13 jir ahaa.
Cayaaraha olombikada ee Paris wuxuu orday 10,000, wuxuuna galay kaalinta 4aad tartankii kama dambaysta. Wuxuu sidoo kale orday isreeb-reebka 5000 mitir, wuxuuna ku haray wareegga 1aad.
Cabdi Nageeye – Netherlands
Nageeye wuxuu ku dhashay bishii Maarso 1989 magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga oo 6 jir ah, waxaa dib u -dejin loogu sameeyay dalka Netherlands. Ka dib markii uu afar sano ku qaatay Netherlands, waxa uu muddo kula soo noolaa qoyskiisa Suuriya iyo Soomaaliya. Ka dib, Nageeye wuxuu ku soo noqday Netherlands isagoo sii maraya Itoobiya waxaana soo korsaday qoys Oldebroek ah.
Nageeye wuxuu ku dhameystay kaalinta 8aad ee Marathon -ka Boston ee 2016.
Dabayaaqadii sannadkaas wuxuu ku dhammeystay kaalinta 11aad orodka maaratoonka ee Rio. 2018.
Cabdi Nageeye, sidoo oo kale waxa uu tartammo kaga qaybgalay dalka Kenya isaga oo galay kaalimaha hore. Waxaana ay soo wada tababarteen Eluid Kipchoge, oo ah orodyahanka ugu caansan Kenya. Dalka ee u ordana wuxuu haystaa rikoorro badan.
Cayaaraha Paris, wuxuu u saftay Nageeye orodka Maaratoonka, laakinse wuu ka haray.
Bashiir Cabdi – Belgium
Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Febraayo. Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m.
Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000 ee mitir, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah.
Sannadkii 2017 -kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000 mitir ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qaybgalay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah.
Isaga oo sida oo kale isla sannadkaad isla London Marathon oo uu ku guulaystay Eluid Kipchoge galay kaalinta lixaad. Sida oo kale waxa uu kaalinta labaad galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabuuti.
Tartanka olombikada ee Tokyo ayuu bashiir ku guulaystay biladda qalinka ee kaalinta labaad ee orodka maaratoonka.
Cali Iidow – Soomaaliya
Cali Iidow Xasan, wuxuu orodkiisa soo bilaabay isagoo dhigta fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe sanadkii 2014-kii.
Markii uu dugsiga sare dhiganayey ayuu sheegay Cali, inuu fursad u helay inuu ka qayb galo tartanka iskoolada Muqdisho.
“Markaan dugsiga sare dhammeeyey waxaan diiradda saaray orodka, halkaas ayaan dadaal badan galiyey, bilowgaygii waxaa i gacan qabtay maamulkaygii Iskoolka, markaas guddiga Olombikada ay ciyaarayahaas soo qaban qaabiyeen iyadoo la doonayey cidda matalaysa dalka Olombikadii Brazil” ayuu BBC-da u sheegay Cali Iidow.
Intaa ka dib Cali, waxaa u furmay tartamadiisa orodada ee ka baxsan dalka isagoo ka qayb galay tartamo ka dhacay Qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo hadda uu Yurub joogo.
Sanadkii 2015-kii waxaa ka qayb galay tartankii All African Games, oo ka dhacay dalka Kongo Barasafil, kaas oo uu orday 1500 mitir. Tartankaas waxaa ka galay kaalinta 6-aad.
Sanadkii 2017-kii, Tartankii Islamic Games ee ka dhacay dalka Azerbijan ayuu ka qayb galay kaas oo uu orday 1500 mitir. Tartankaas wuxuu galay kaalinta afaraaad.
Sanadkii 2018-kii african Champion ship, wuxuuna orday 800 miter kaas oo ka dhacay dalka Nigeria.
Sanadkii 2021-kii, Cali wuxuu ka qayb galay ciyaarihii Olombikada ee Tokiyo, kaas oo uu orday 1500 mitir. Tartankaasna wuxuu galay kaalinto 10-aad.
Sanadkii 2022-kii, tartamo ka dhacay Jabuuti, ayuu ku orday 800 iyo 1500 mitir kuwaas oo galay kaalinta 2-aad.
Sanadkii 2023-kii ayuu kaalinta labaad ka galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabuuti kaas oo uu orday 1500 mitir.
Isla sanadkaas ayuu tartanka orodka ee Arab Championship ugu qayb galay dalak Morooko.
Cayaaraha olombikada ee Paris ayuu Cali Iidow orday is-reebreebka 800 mitir, wuxuuna galay kaalinta sideedaad, waxaa ka dambeeyey oo kaliya cayaartoy matalayey Falastiin.
Suldaan Xasan – Sweden
Suldaan wuxuu ku dhashay Soomaaliya 1 Abriil 1988, waxaase la keenay Sweden isagoo 11 jir ah. Wuxuu ordaa oroddada dhaadheer. Wuxuu gullo ka gaaray tartamo lagu qabtay gudaha Sweden. Isagoo 2019 iyo 2020 ku guulaystay biladda dahabka ee 5000 mitir.
Orodkii maaratoonka ee Seville ee Febraayo 2024, Suldaan wuxuu dhigay rikoor cusub oo dalka Sweden ah, wuxuuna ku orday 2:07:35.
cayaaraha Olombikada ee Paris wuxuu Suldaan orday orodka dheer ee Maaratoonka, wuxuuna galay kaalinta 28aad, isagoo ku sameeyey 2:11:21.
Cabdixamiid Nuur – Maraykanka
Cabdixamiid Cabdi Nuur wuxuu ku dhashay Muqdisho Oktoobar 14, 1998. Intii aysan qoyskiisu Maraykanka tegin waxay muddo ku noolaayeen dalalka Kenya iyo Masar.
Wuxuu bilaabay inuu ordo oroddada dhaadheer wixii ka dambeeyey 2016, wuxuuna billado wax ku ool ah ka soo hooyey orodka 3000 mitir iyo 5000mitir ee 2020 oo uu labadaba kaalinta 1aad galay isagoo matalayey Northern Arizona Lumberjacks.
Orodka 5ta KM ee New York ayuu sidoo kale kaalinta 1aad ka galay 2022.
Cayaaraha olombikada ee Paris ayuu orday 5000 mitir, isagoo galay kaalinta 19aad, wuxuuna ku sameeyey 14:15:00.
BBC