Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Finland, Ville Tavio, ayaa ku dhawaaqay in Finland joojisay dhaqaalihii horumarinta ahaa ee ay ka taageeri jirtay dowladda Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka ayuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan fulin heshiis hore loo gaarey oo la xiriira soo celinta muwadiniinteeda ku sugan Finland ee sharci darrada ku jooga.
“Iskaashigeena wuxuu ahaa in Soomaaliya ay ka shaqeyso dib u celinta muwaadiniinteeda ee Finland aan heysan deganaashiyaha sharciga ah, iyo in labada dal ay wadajir u taageeraan nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan xeerarka iyo shuruucda” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Finland.
Wasiirka faahfaahin ku bixinin tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la doonayo in laga soo celiyo dalkaasi.
Weli Dowladda Soomaaliya kama hadlin go’aanka ay Finland ku joojisay dhaqaalaha iyo heshiiska dhinaca soo celinta dadka ee fuli waayay.