Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

    May 10, 2025

    DEG DEG Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo

    May 10, 2025

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      DEG DEG Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo

      May 10, 2025

      Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

      May 10, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      DEG DEG Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo

      May 10, 2025

      Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

      May 10, 2025

      Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa mar kale calanka Puntland looga hadal hayaa dalka Mareykanka?

    Maxaa mar kale calanka Puntland looga hadal hayaa dalka Mareykanka?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 9, 20248 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kamala Harris, madaxweyne ku xigeenka haatan ee Mareykanka, oo sidoo kale u sharraxan madaxtinnimada dalkaas ayaa dhowaan Tim Walz u soo xulatay ku xigeenkeeda doorashada oo lagu wado in dalka Mareykanka ay ka dhacdo bisha November ee sanadkan.

    Timothy James Walz waxaa uu sanadkii 2018 noqday barasaabkii 41-aad ee gobolka Minnesota.

    Gobolkan ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku sugan dalka Mareykanka.

    Muddadii uu xilka hayay Mr Walz waxaa uu si wayn u dhexgalay bulshada Soomaalida, waxaa uuna kala qeyb gali jiray xafladaha kala duwan.

    Waxaa uu Soomaalida kala qeyb gali jiray xafladaha muhiimka ah, sida xafladaha maalinta xorriyadda Soomaaliya.

    Tan iyo markii la shaaciyay in Kamala Harris ay u xulatay inuu noqdo ku xigeenkeeda, ayaa waxaa gudaha Mareykanka la isla dhex marayay inuu ninkan ku lug lahaa beddelidda calanka astaanta u ah gobolka Minnesota, kaasoo dadka qaar ay sheegeen inuu shabbaho calanka mid ka mid ah maamu-goboleedyada Soomaaliya.

    Balse arrintaas maxaa ka jira?

    Kadib bilooyin dood ah iyo kumannaan codsiyo soo jeedin ah, ayaa bishii December ee sanadkii hore gobolka Minnesota wuxuu daaha ka qaaday calan cusub oo lagu beddelayo naqshad ay dad badan oo Ameerikaan ah u arkayeen inay tahay meel ka dhac.

    Calankan, oo ay ku sawiran yihiin siddeed xiddig oo caddaan ah midabka salka u ahna uu yahay buluug mugdi ah ayaa la sheegay inuu noqonayo astaanta cusub ee Minnesota.

    Guddiga gaarka ah ee ansixiyay ayaa sheegay in naqshaddaas ay astaan u tahay hal ku dhigga Minnesota ee ah Xiddigga Waqooyiga.

    Wuxuu guddigu intaa raaciyay in calanka buluugga khafiifka ah uu matalayo biyaha gobolka.

    Guddoomiyaha guddiga dib u qaabeynta calanka, ayaa si kastaba, garwaaqsaday in dad badan laga yaabo inay siyaabo kala duwan u arkaan calanka.

    Andrew Prekker, oo ah 25 jir Minnesota kasoo jeeda oo naqshaddiisa sal looga dhigay calankan cusub, ayaa xilligaasi sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay arrintaas.

    Calankan ayaa waxaa ansixiyay guddiga dib u qaabeynta astaanta gobolka Minnesota kadib markii loogu codeeyay codad 11-1 ah.

    Calankan ayaa noqday mid rasmi ah 11-kii May – Maalinta Gobolnimada ee Minnesota.

    Tim

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Dib u qaabeynta calanka ee Mr Prekker, ayaa si kastaba, waxay keentay in la barbar dhigo calanka maamul-goboleedka Puntland.

    Minnesota waxay hoy u tahay bulshada ugu badan ee Soomaalida dalkaasi, waxaana Kongareeska ku matasha Ilhaan Cumar oo kasoo jeedda Soomaaliya.

    Iyadoo ay sidaa tahay, ayaa saraakiisha gobolku sheegeen in isu ekaansho walboo jira ay tahay mid ku timid si aan ku talo-gal ahayn.

    Waxay intaa raaciyeen inay jiraan calamo badan oo gobollada dalkaas astaan u ah kuwaasoo shabbaha kuwa dalal kale.

    Prekker ayaa sheegay in Walz iyo Soomaaliya aysan wax shaqo ah ku lahayn sameynta calanka.

    “Dhiirrigelinta ka dambeysa calankeyga waa saddex arrimood oo laga soo dheegtay taariikhda iyo dhaqanka Minnesota: Xiddigga Waqooyiga, qaabka Minnesota, iyo saddex astaamood oo matala Minnesota.” Ayuu yiri.

    Waa kuma Tim Walz?

    Tim

    Timothy James Walz waxa uu dhashay 6 April sanadii 1964, waana siyaasi muddo dheer siyaasadda ku soo jiray.

    Walz ayaa waxaa uu horey u ahaan jiray macalin iskuul ka hor inta uusan howlgab ka noqon.

    Waxaa uu sanaddii 2018 noqday barasaabkii 41-aad ee gobolka Minnesota.

    Waxa uu sidoo kale mar ahaa xubin ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka 2007 ilaa 2019, isagoo matalayey degmada 1aad ee congress-ka Minnesota.

    Muddadii 12ka sano ahayd oo uu ku jiray Congress-ka, way adkeyd in lagu calaamadiyo fikradiisa uu ka qabo arrimihii markaas caalamka ka taagnaa.

    Waxa uu u codeeyay sharciga daryeelka dadwaynaha, oo ahaa tallaabooyinka uu ugu hiilinayo shaqada iyo shaqaalaha iyo sare u qaadidda mushaaraadka.

    Waxaa sidoo kale uu marar badan la saftay xisbiga Jamhuuriga iyo siyaasadihii ay dalka ku xukumayeen intii ay xilka hayeen.

    Waxa uu u codeeyay in la sii wado maalgelinta dagaaladda Ciraaq iyo Afgaanistaan, waxa uu taageeray in si adag loo baaro qaxootiga soo galaya Maraykanka, waxa uuna isku dayay in uu joojiyo dammaanad qaadistii Obama ee bangiyada iyo shirkadaha baabuurta ka dib dhaqaale burburkii caalamka ku dhuftay 2008-dii.

    Waxaa uu sidoo kale mar uu taageero ka helay ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha ka ganacsada hubka ee (NRA), kuwaasi oo lacag ugu deeqay xilligii uu ku jiray ololihiisa doorashada, balse waxa uu ka hadlay mamnuucidda hubka ka dib toogashadii ka dhacday dugsiga Parkland markaasi oo uu taageeradooda lumiyay.

    Mr Walz ayaa ku guuleystey tartankii barasaabka gobolka Minnesota 2018 in ka badan 11 dhibcood, balse markiisii ​​ugu horeysay waxaa uu xukunkiisa la kowsaday cudurka safmarka ah ee Covid iyo dilkii uu askari boolis ah u geystay George Floyd oo ka dhacay Minneapolis.

    Ma aha nin si wayn looga yaqaano masraxa siyaasadda heer qaran ee dalka Mareykanka.

    Balse ololihii ugu dambeeyay ee xisbiga Dimuqraadiga ay sameynayeen ayaa waxaa soo shaac baxday hadaladiisa kulul ee ka dhan ah xisbiga Jamhuriga.

    Mr Walz aya waxaa hadal hayn badan uu ka dhex dhaliyay bulshada toddobaadyadii u dambeeyay ka dib markii uu Jamhuuriyiinta ku sifeeyay erayo la yaab leh.

    “Kuwani waa dad la yaab leh oo dhinaca kale ah,” ayuu dhawaan u sheegay MSNBC, “Waxay rabaan inay mamnuucaan buugaagta”.

     BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

    May 10, 2025

    DEG DEG Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo

    May 10, 2025

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

    May 10, 2025

    DEG DEG Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo

    May 10, 2025

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.