Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiis 14-aad.
Kulanka ayaa waxa uu ajandahiisu ahaa, Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Sanatarrada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka,
Sidoo kale, Wasiir Bashiir Maxmed Jaamac ayaa waxa uu waxa uu faahfaahiyay muhiimadda uu leeyahay Hindise Sharciyeedkan iyo sida uu u ilaalinayo Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa Guddiga Garsoorka, Cadaalada, Arimaha diinta, Awqafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare, wuxuu faray inay la wareegaan Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana fadhiga guud ee Golaha ay dib ugu soo celiyaan.