Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka oo ay Wasaaradda Amniga Guduha soo gudbisay.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu dhageystay warbixninno ku aadan Xaaladda guud ee dalka.
Waxaa warbixin looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.
Wasaaradda Amniga ayaa ka hadashay howlaha sugida amniga, gaar ahaan deegaannada ka tirsan caasimadda iyo deegaannada hoos yimaada.
Sidoo kale, waxaa warbixin looga dhageystay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya, iyada oo ka warbixisay howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka.
Golaha ayaa warbixin la xiriirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed, waxa uu ka dhagaystay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.