Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.
Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maalul-Wanaagga Maaliyadda ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Kulankaan ay yeesheen Guddiga Maamul wanaagga ayaa imaanaya, xilli Todobaakii hore uu wasiirku Maaliyadda DFS sheegay in Casuurta dalka lagu qaadi doono nidaam dhijitaal ah.