Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa lagu heystaa gabadha Ilhaan Cumar oo laga joojiyay jaamacaddii ay dhiganeysay?

    Maxaa lagu heystaa gabadha Ilhaan Cumar oo laga joojiyay jaamacaddii ay dhiganeysay?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 21, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    In ka badan 100 arday ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii booliiska ay ku daateen gudaha jaamacadda Columbia ee ay dhigayeen dibadbaxayaal taageersan Falastiiniyiinta oo ku taal magaalada New York.

    Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen kadib digniinno isdaba joog ah, waxayna noqotay lagama maarmaan si loo xaqiijiyo xasiloonida jaamacadda.

    Mid ka mid ah dadka caanka ah ee ka soo qeyb galay mudaaharaadka ayaa aheyd gabar ay dhashay xildhibaanadda reer Minnesota ee Ilhaan Cumar, taasi oo hadda laga joojiyay waxbarashada jaamacadda.

     

    Mudaaharaadyada ka socda xarumaha jamaacadaha Maraykanka ayaa socday tan iyo markii dagaalka Israa’iil iyo Gaza uu billowday sannadkii hore.

    Dibad-baxayaashu waxay jaamacadda ka dhisteen ilaa 50 teendho, habeennimadiina, boqollaal arday iyo dad kale ayaa ku soo biiray banaanbaxayaasha si ay ugala qeybqaataan.

    In ka badan 100 qof ayaa teendhooyinkaas ku dhex noolaa in ka badan 30 saacadood, iyaga oo ku xad-gudubay xeerarka iyo qaanuunka jaamacadda, sida uu sheegay duqa magaalada New York Eric Adams.

    Dibad-baxayaasha ayaa waxaa dibadbaxa kala qeybqaadanayay musharaxa madaxweyne ee madax-banaan ee Cornel West.

    Guddoomiyaha Jaamacadda Columbia Dr. Nemat Shafik ayaa muujisay sida ay uga xun tahay inay u oggolaato waaxda Booliska New York inay soo galaan jaamacadda oo ay qaar kamid ah ardayda jaamacadda halkaas ka xirxiraan, iyadoo sheegtay in shakhsiyaadka teendhooyinka gudaha jaamacadda ka dhexdhistay ay iska indhatireen sharciyada iyo siyaasado badan oo u degsanaa jaamacadda iyo digniinno badan oo loo jeediyay.

    Isku soo wada duuboo, 108 qof ayaa lagu xiray goobtii uu dibadbaxa ka socday. Xitaa kadib markii goobta la nadiifiyey, mudaharaadyadu waxay socdeen maalintii oo dhan ilaa habeenkii, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

    Mudaaharaadyadu waxay ku soo beegmeen iyadoo Dr. Shafik ay aqalka Congress-ka Mareykanka ka hor caddeysay in falal muujinaya Yahuud nacayb ay jaamacadda ka dhexjiran.

    The Columbia Spectator, oo ah wargeys ardayda leeyihiin, ayaa sheegay in dhacdadan xarig-wadareedku ay ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ka dhacda jaamacadda tan iyo markii uu dhacay mudaaharaadyadii Dagaalkii Vietnam 1968-kii.

    Gabadha ay Ilhaan Cumar dhashay oo hadashay

    sawir

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Isra Xirsi oo ay dhashay Ilhaan Cumar, oo qoraal soo dhigtay X ayaa daaha ka qaadday in laga joojiyay kulliyadda Barnard oo aheyd halkii ay waxkabaraneysay, kaddib markii ay “garab istaagtay falastiiniyiinta oo wajahaya xasuuq”.

    Ururka mudaaharaadka ka dambeeyay oo lagu magacaabo, Columbia University Apartheid Divest, ayaa walaac ka muujiyay in waxbarashada laga joojiyay Isra Xirsi iyo laba arday oo kale. Kooxda ayaa sidookale sheegtay in ardaydaas ay waayeen waxyaabihii muhiimka ahaa sida cuntada, guryahooda guadaha jaamacadda iyo adeegyada caafimaadka.

    Kulliyadda Barnard si faafaahsan ugama ay hadlin macluumaadka ku saabsan hab-dhaqanka anshaxa ardayda, laakiin waxay uga digtay ardayda inay la kulmi doonaan cunaqabatayn haddii ay u hoggaansami waayaan shruucda Kulliyadda.

    Ururka Dawladda Ardayda ee Kulliyadda Barnard ayaa dhaleeceeyay falkaas la gula kacay ardaydaas ay ku irto Isra Xirsi iyagoo ku tilmaamay sharci darro.

    Ugu yaraan hal barafasoor oo lagu magacaabo Joseph Howley, ayaa si cad u muujiyay taageerada uu hayo mudaaharaadyada, isaga oo su’aal ka keenay jawaabta jaamacadda ay ka bixisay dibadbaxyada.

    Dibad-baxa ka dhacay Jaamacadda Columbia ayaa dhacay wax yar ka dib markii mudaaharaadayaal taageersan Falastiin ay xireen waddooyinka waaweyn oo dhan, iyagoo carqaladeeyay gelitaanka garoommada diyaaradaha iyo goobaha caanka ah sida Garoonka Caalamiga ah ee Chicago O’Hare iyo Buundada Golden Gate ee San Francisco.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.