Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

    February 16, 2026

    Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

    February 16, 2026

    DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

    February 16, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

      February 16, 2026

      Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

      February 16, 2026

      DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

      February 16, 2026

      WAR DEG DEG AH Hasan xirsi muxumad Ayaa Hadda Lagu Dilay kala Beeyr ee Gobalka Hiiran

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

      February 16, 2026

      Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

      February 16, 2026

      DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

      February 16, 2026

      WAR DEG DEG AH Hasan xirsi muxumad Ayaa Hadda Lagu Dilay kala Beeyr ee Gobalka Hiiran

      February 16, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxaa laga yiri kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee wax ka beddelka dastuurka?

    Maxaa laga yiri kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee wax ka beddelka dastuurka?

    By radiohalgan.comJanuary 23, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah qorsheynaya inay ka fadhiistaan Akhrinta 3aad ee Habraaca Ansixinta Wax- Ka Badalka Dastuurka.

    Arrintan ayaa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan oo ka imaanaya siyaasiyiinta Soomaaliya, oo qaarkood ay aaminsan yihiin in hadda aan loo baahneyn in laga doodo wax kala qeybsanaan abuuraya.

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf al-Cadaala ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in dhammeystrika dastuurka ay ahayd arrin hore la isugu waafaqay oo wax cusub aysan jirin.

    “Dhamaystirka Dastuurku wuxuu ku caddaa aragtidii siyaasadeed ee lagu doortay madaxwaynaha iyo barnaamijkii lagu ansixiyay Xukuumadda Dan-Qaran, toosin iyo turxaanbixinna baarlamaan ayaan u leennahay, wax kale oo cusub ma jiraan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

    Maxaa arrintan laga yiri?

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inay jiraan “khatarro ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in meel la iska dhigo arrimaha khilaafka gudaha”.

    “Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

    Sidoo kale raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid, ayaa isna qoraal uu soo dhigay barta X ku raacay aragtida Farmaajo.

    “Maxay tahay ujeeddada isbeddellada dastuurka ee kala qeybsanaanta leh annaga oo wajaheyna caqabado gudaha iyo dibadda ah,” ayuu

    yiri.

    What is the objective of tabling divisive constitutional changes when we are facing major internal & external challenges. The hon MPs must understand that such changes could not be carried out unless adopting this unconditional procedure before you. Protect the process & Vote NO pic.twitter.com/HmsZVUuYr8

    — Omar Sharmarke (@OmarSharmarke) January 23, 2024

    Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyrre, ayaa isagana qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri: “Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

    Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa siyaasadda Soomaaliya hareeyay khilaafka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

    Doodaha siyaasadda iyo wax ka badalka dastuurka

    Bishii May ee sanadkii hore Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobo waaweyn oo ku jira dastuurka kumeerl-gaarka ah oo taabanaya qaab dhismeedka dawladda iyo nidaamka xisbiyada.

    Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ka maqan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani ayaa sheegay in ay isku afgarteen in meesha laga saaro jagada ra’isul wasaaraha, loona guuro nidaam madaxtooyo oo ah in dalka uu yeesho madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la saxiixay heshiiska wax ka badalka dastuurka u ol’oleynayay sidii qodobadan uu Baralmaanku wax uga badali lahaa ayaa yiri β€œdalku madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen ayuu yeelanayaa, dalku labo xisbi ayaa siyaasaddiisa loogu tartamayaa, dalku waxa uu yeelanayaa doorashada matalaad dhamaystiran, dalka oo dhana waa hal deegaan doorasho”.

    Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay sidaas u sameeyeen labo ujeedo; waa midda koowaade in dadka laga ilaaliyo wax kasta oo ay ku kala qaybsami karaan iyo in lagu dhiirado wax kasta oo horey uga dhaqaajin kara wadanka halka uu maanta taagan yahay.

    Guddiga Dib u Eegista iyo La-Socodka Hirgalinta Dastuurka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kalfadhiga 4-aad ee maanta furmay uu horkeeno Qaraarka Habraaca Ansixinta Wax-ka-badalka Dastuurka, oo hoggaanka dawladda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda dawlad goboleedyada ay ol’ole ugu jiraan in la ansixiyo.

    Arrintan waxa si adag uga hor yimid hoggaamiyayaal hore oo xilal sare ka soo qabtay dawladda federaalka iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku tilmaamay nidaamka wax ka badalka dastuurka mid baal marsan sharciga waddanka.

    Shirar aan loo kala kicin oo ka dhacay gudaha waddanka iyo dibaddiisa ayaa lagu gorfeeyay natiijada ka imaan karta arrintan.

    Bishii August ee sanadkii hore xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dood aan loo kala kicin labo maalmood oo xiriirra ka yeeshay habraaca loo marayo wax ka badalka qodobada qaar ee ku jira Dastuurka kumeel-gaarka ah, waxaana argatidooda dhiibtay xildhibaano kor u dhaafay 50, waxayna muujiyeen aragtiyo iska soo horjeeda oo qaarbaa doonayay in sidooda lagu qaato qodobada wax ka badalka dastuurka ee ka yimid Golaha Wadatashiga Qaranka, halka kuwa kale ay gabi ahaanba diideen in qodobadaas hadda la taabto.

    Lama oga kalfadhiga berri waxa kasoo bixi doona, hase yeeshee kulamadii hore ayaa waxaa jiray is gaashaanbuureysi, oo mid walba uu ku doonayay inay aragtidiisa meel marto.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

    February 16, 2026

    Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

    February 16, 2026

    DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

    February 16, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

    February 16, 2026

    Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

    February 16, 2026

    DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

    February 16, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.