Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

    June 18, 2025

    Mareeykanka maku Biiri Doonaa Dagaalka iiraan iyo israa’iil.?

    June 18, 2025

    DEG-DEG: Firxadkii Isra’iiliyiinta ayaa gaaray

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025

      Mareeykanka maku Biiri Doonaa Dagaalka iiraan iyo israa’iil.?

      June 18, 2025

      DEG-DEG: Firxadkii Isra’iiliyiinta ayaa gaaray

      June 18, 2025

      DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay la wareegtay hawada Israa’iil kadib weerarradii cuslaa

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025

      Mareeykanka maku Biiri Doonaa Dagaalka iiraan iyo israa’iil.?

      June 18, 2025

      DEG-DEG: Firxadkii Isra’iiliyiinta ayaa gaaray

      June 18, 2025

      DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay la wareegtay hawada Israa’iil kadib weerarradii cuslaa

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ee ‘dhawaan la beegsaday’?

    Maxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ee ‘dhawaan la beegsaday’?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 17, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida laga soo xigtay taliska ciidamada Maraykanka ee Africom, duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May ayaa lala beegsaday hogaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka Daacish.

    Ma cadda in lagu dilay duqeynta iyo in kale, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo u warramay warbaahinta.

    War qoraal ah oo 31-kii bishii May soo sareen howlgalka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayey ku sheegeen in duqayn ay ku bartilmameedsadeen Daacishta ku sugan buuraha Cal-Bari.

    Warkaas ayaa lagu yiri: “Innagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Daacish,”

    Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan fog oo ku dhow aagga Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya.

    Qiimaynta hordhaca ah ee duqeynta ayaa lagu sheegay in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay bayaankooda ku sheegeen AFRICOM.

     

    KOOXDA DAACISH EE PUNTLAND

    XIGASHADA SAWIRKA,U.S. AIR FORCE

    BBC da ayaan si madaxbanaan u xaqiijin karin in waxyeelo soo gaartay Mumin iyo in kale.

    Ka hor duqayntaan ayaa waxaa jirayay warar horay u shaac baxay oo ku saabsanaa fayo-qabka hugaamiyaha daacish.

    Sarkaal hore ugu tirsanaa Sirdoonka Puntland oo shaqadiisu ay qayb ka aheed la dagaalanka kooxaha argagixisida oo ay Daacish ka mid , diidayna in aan magaciisa baahino ayaa BBCda u sheegay in waayadii danbe Muumin uu xanuunsanaa uuna ogyahay in safar caafimaad uu ugu baxay dalalka ku yaalla galbeedka Afroka.

    Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in Daacishta Soomaaliya ay aad u yar tahay, ayna ku sugan yihiin 100 ilaa 200 oo dagaalyahanno ah.

    Balse sida uu BBCda u shegay sarkaalkan sirdoon ee Puntland, dagaalyahannada kooxda ayaa boqolkiiba lixdan ka kooban ajaanib sida ay tibaaxayso xogta ay horay u aruurisay hay’adda uu ka tirsanaa.

    Sanadkii 2016-kii bishii Agoosto, dhammaadkeedii waxaa waaxda arrimaha dibada Maraykanka u aqoonsadeen Cabdiqaadir Muumin, inuu yahay ‘Argagixiso caalami ah’.

    Waa kuma Cabdiqaar Muumin?

    kooxda daacish

    XIGASHADA SAWIRKA,DAACISH

    Inta laga ogyahay, Cabdiqaadir Muumin, wuxuu dhashay sanadihii kontomeeyadii, isagoo ku dhashay degmada Qandala ee gobolka bari ee Soomaaliya.

    Muumin, ayaa dhammaadkii sagaashameeyadii galay Yurub, xilligii dagaalada culusi ka socdeen Soomaaliya, isagoo ku horreeyey dalka Sweden oo uu daganaa in door ah, balse markii danbe wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska halkaas oo uu waayo kale ku qaatay.

    Waxaa uu ka mid ahaa culimadii Masaajidka Quba oo ku yaala magaalada Leicester iyo Xarunta Islaamiga ah ee Greenwich ee London.

    Cabdiqaadir Muumin, ayaa ku biiray Maxkamadihii Islaamiga ahayd ee ka dhismay koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

    Wuxuu sarkaalka la hadlay BBCda sheegay in xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamigaa uu tagay Muumin, magalada Bosaaso ee gobolka Bari.

    “Wuxuu Bosaaso ka qaban jiray waqtigaas uu maxaakiimta ka mid ahaa muxaadarooyin masaajidada balse markasta waa uu qabay fikirkaas hadda uu wado,” ayuu yiri sarkaalku.

    Sarkaalkaan ayaa sidoo kale u sheegay in BBC da in markii Maxaakiimta iyo al-Shabab ay kala baxeen uu Cabdiqaadir Muumin ku biiray kooxda al-Shabaab, isaga oo joogi jiray xilligaas Xamar iyo shabeellada hoose, “Basle wuxuu sanadkii 2007-dii markii kooxda al-shabaab xubnahadooda ka asaasmayeen Puntland uu yimid deegaanada Puntland. Wuu dhuumaalaysan jiray, markii danbana wuxuu galay buuraha isagoo ka tirsan al-shabaab,”

    Waxaa la aaminsan yahay Muumin, inuu ka soo baxsaday Ingiriiska, ka dib markii ay baaritaan ku samaysay haya’adda sirdoonka gudaha dalkaas ee MI5, ka dibna waxa uu ku biiray kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

    Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay.

    Cabdulqaadir ayaa waxaa u dhaxda xaas ay iska soo guursadeen dalka Ingiriiska, waxa uuna sheegay sarkaalka la hadlay BBC da in ay mar gacanta u gashay hay’adooda xilli ay ka soo laabaneysay buuraha Galgala.

    Dhammaadkii sanadkii 2015-kii ayaa la rumaysanyhay in Cabdiqaadir Muumin, uu xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu ubuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya.

    Muuqaal ay kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu ka soo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si lamida sanadihii ka danbeeyey gaar ahaan 2022-kii ayay kooxdu sii dayeen tiro ka tirsan ciidamadooda oo tabbabar ku qaadanaya buuraha bari ee Puntland.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

    June 18, 2025

    Mareeykanka maku Biiri Doonaa Dagaalka iiraan iyo israa’iil.?

    June 18, 2025

    DEG-DEG: Firxadkii Isra’iiliyiinta ayaa gaaray

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

    June 18, 2025

    Mareeykanka maku Biiri Doonaa Dagaalka iiraan iyo israa’iil.?

    June 18, 2025

    DEG-DEG: Firxadkii Isra’iiliyiinta ayaa gaaray

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.