Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa Kuuriyada Koonfureed looga hadal hayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed?

    Maxaa Kuuriyada Koonfureed looga hadal hayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 11, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kuuriyada Koonfureed ayaa u ogolaanaysa dhakhaatiirta ajnabiga ah in ay ka shaqeeyaan isbitaaladeeda kaddib marka lagu sameeyo baaris qoto dheer, sida maanta oo Jimce ah uu sheegay Ra’isul Wasaaraha wadankaasi, tan ayaa dabo joogta bilo ay shaqo joojin ku jireen dhakhaatiirta da’da yar, isla markaana aanay muuqan calaamado muujinaya in xal laga gaaro.

    Kumannaan ayaa shaqada joojiyay 20 Febraayo si ay uga ashtakoodaan qorshayaasha dawladda ee ay ku tababarayso dhakhaatiir badan, taasoo oo sababtay buuq ka abuurmay isbitaalada.

    Dawladda oo horeyba u bixisay dhimista, si loo soo gabagabeeyo shaqo joojinta ayaa sheegtay in todobaadkan dhakhaatiirta ajnabiga ah ee haysta laysimada loo ogolaan doono in ay wadanka ka shaqeeyaan, si loo yareeyo culeyska ka jira adeega caafimaadka.

     

    Sidee ku timid hadalheynta dhakhaatiirta Soomaalida?

    South Korea

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Shaqaale caafimaad oo dhex socda jaamacadda Pusan

    Markii talaabadan lagu dhawaaqay, madaxa ururka dhakhaatiirta Kuuriyada Koonfureed lim Hyun-taek ayaa la wadaagay dadka qoraal uu la socdo sawir muujinaya dhakhaatiir cusub oo Soomaali ah oo dhawaan qalin jabiyay, isgoo faaladan ku dul qoray ‘’Filo Dhawaan.’’

    Qoraalkan, oo markii dambe laga saaray barraha bulshada ayaa dhaliyay dheleeceyn balaaran oo dhinaca internet-ka, waxana uu ku tilmaamay mid aan habooneyn iyo in uu ‘’si cad u muujinayo isir sooc,’’ xoghayaha guud ee ururka u dooda caafimaadka xorta ah ee dalka Kuuriyada Koonfureed Kim Jae heon ayaa sidaa u sheegay wakaaladda warrarka AFP.

    Qoraalkan ‘’wuxuu abuurayaa islaam naceyb iyo muuqaal ka dhan ah dalalka soo koroya,’’ ayuu yiri.

    Ra’isul Wasaare Han Duck-soo ayaa isna maanta oo Jimce ah yiri dawladdu way hubineysaa ‘’hannaanka looga hortagayo dhakhaatiirta aan xirfadlayaasha ahayn ee wata 9ogolaanshaha wadamada shisheeye) si ay u daweeyaan dadkeena.’’

    Muddaba dawladda ayaa la daaladhaceysay loolan kaga imaanayay dhakhaatiirta da’da yar oo diiday in ay isbitaaladooda dib ugu laabtaan, inkastoo wasaaradda caafimaadku u bandhigtay bishii la soo dhaafay in ay dib uga laabatay tababarrada caafimaad ee dib u qaabeynta ee 2025.

    Dhakhaatiirta qorshahan loo soo bandhigay ayaa ka biyo diiday, iyagoo dalbaday badalka qorshahaas in la abuuro dhakhaatiir badan – taa soo dawladdu leedahay waxa uu lagama maarmaan u yahay yaraanta iyo ilaalinta dadka sii gaboobaya – gabi ahaanba.

    Dagaalka qorshaha caafimaad ee dawladda ayaa hadda horyaalla maxkamadda sare ee Seoul, wasaaradda caafimaadka ayaa dooneysa dhaqangalka qorshahan, halka dhakhaatiirta iyo ardeyda caafimaadka barata ay doonayaan in ay cadeetyaan in aan loo baahneyn qorshahan.

    Maxkamad maamul ayaa horeyba u ansixisay qorshaha dawladda, waxana la filayaa maxkamadda sare ee Seol in go’aankeeda ay soo bandhigto todobaadka soo socda, sida laga soo xigtay wakaalada warrarka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.

    Tirada dhakhaatiirta Kuuriyada Koonfureed

    Kuuriyada Koonfureed waxa ay leedahay nidaam caafimaad guud oo ay maalgaliso hay’adda caymiska qaranka, inkastoo inta badan dhakhaatiirtu si gaara u shaqeystaan, iyagoo ka hawlgala isbitaalo gaar loo leeyahay.

    1000 qofba wadanka Kuuriyada Koonfureed waxa ku soo hagaagaya 2.6 dakhtar, waana mid kamid ah meelaha ugu yar dalalka hormaray, sida ay muujinayso xogta ururka wadamada iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarka (OECD). Austria oo kaalinta koowaad kaga jiraya ayaa 1000 qof waxa ku soo aadaya 5.5 dhakhtar.

    Dawladda ayaa qorsheyneysa in ay ku kordhiso ardeyda galeysa iskuulada caafimaad illaa 2000 laga bilaabo 2025, halka ay hadda ka yihiin 3000 si loo buuxiyo dhakhaatiir yarida dhici doonta 2035.

    Qaar kamid ah xirfadlayaasha caafimaadka ayaa sheegaya in qorshaha dawladda uu wax yar uun ka qaban doono xaaladda mustaqbalka dhaw. Waxay kaloo qaadan kartaa 10 sano in si buuxdo loo tababaro dhakhaatiirta.

    Tan iyo markii ay bilaabatay shaqo joojinta dhakhaatiirta Febraayo 20 qiyaastii 70% ama 9000 oo dhakhtar ayaa shaqooyinkoodii ka tagay, sida ay sheegeyso wasaaradda caafimaadka.

    Laakiin in kastoo kaliya murankan saameeyay 7% dhakhaatiirta ogolaanshaha shaqo haysta ee gaaraya 135,000, sida ay muujinayso xogta wasaaradda, haddana dadka la tababarray waxay kor u kacday qiyaastii 40% shaqaalaha isbitaalada waaweyn.

    Dhakhaatiirta takhasusiga ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu tiriyaa kuwa kamid ah kuwa ugu mushaarka sareeya dalalka horumaray, waxana dakhligooda sanadlaha ah uu gaarayay 2020-kii $192,749 sida ay muujisay xogta OECD.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.