Wadne xanuun, wadnaha oo laba qaybood u qaybsamaa, maxaad u maleyneysaa halbeeg kasta oo aan dul dhigno si aan isugu dayno inaan ku qeexno xanuunka na soo gaara, ka dib markii qof aad la socotay ku diido balse wali aad jeceshahay.
Qoraaga Susan Sontag waxa ay ku qortay Reborn, “Jacaylku wuu dhibaa qofka, waxa ay la mid tahay in la is-dhiibo in la maqaar saaro oo la ogaado wakhti kasta in qofkaasi uu maqaarkaaga la bixi karo.
Taasi waxay Florence Williams xaqiiqsatay, ka dib xiriir 13 sano ah oo ay ku jiraan guurka iyo labo carruur ah oo ay la socoto jacaylkeeda carruurnimada, balse waxay aragtay emailka ninkeeda.
Waxay ahayd farriin jacayl ah oo ku socota haweeney kale. Horay uma niyad jabin laakiin si lama filaan ah ayay u ogaatay in ay run tahay.
“Waxaan dareemay in wadnaheyga la iga saaray, sidii xubin luntay, waxaan ku qaraqmay badda dhexdeeda, dhexda kaynta aad u xun, waxaan dareemay khatar,” ayay tiri.
“Waxaan dareemay walwal, waan seexan waayay, waxaan dhumiyey miisaan ilaa 20 kiilo dhowr maalmood gudahood.”
Markii la baaray, “waxay ogaadeen in heerka sonkorta uu aad u hooseeyo, xameetidu waxay joojisay inay si sax ah u shaqeyso 5 ama 6 bilood ka dib markii ay kala tageen, waxaaan ogaaday inaan qabo nooca 1aad ee sonkorowga.”
Maadaama Florence ay tahay qoraa, waayo-aragnimadu waxay ku riixday inay raadiso jawaabo. Waxay tiri, “maxaa yeelay waxaan qabay su’aalo badan oo ku saabsan sababta aan u dareemay sida aan dareemay.”
“Waxaan doonayay inaan baaro sababta habka difaacaygu uu si uun uga jawaabayo xaaladeyda bulsho ama shucuureed.”
In kasta oo ay jireen daraasado badan oo lagu sameeyay sida aynu isu jecelnahay, haddana cilmigu wakhti badan kuma bixin in uu gaaro gunta sheekada.
Laakiin waxaa jira dhowr qaybood oo cilmi-baaris ah oo bilaabay in la isku daro halxiraalaha.
Steve Cole, oo ah borofisar ku takhasusay caafimaadka, cilmu-nafsiga, hab-dhaqanka iyo hiddaha ee qaybta caafimaadka ee Jaamacadda UCLA, USA, kaas oo cilmi-baaris ku sameynayay genetics muddo tobanaan sano ah.
Sannadkii 2007, Cole, oo uu weheliyo John Cacioppo, oo ah borofisar cilmi-nafsiga iyo sayniska dabeecadda ah oo ka socda Jaamacadda Chicago, iyo kuwo kale, ayaa ogaaday xidhiidhka ka dhexeeya kelinimada iyo hiddaha.
Cole wuxuu yidhi, “Kalinnimadu waa mid ka mid ah waxyaalaha ugu xun. Marka ay dhacdo waxay dhaawici kartaa caafimaadka jirkeena iyo maskaxdeena.”
Baaritaanka, Florence waxaa tijaabiyay Cole, iyadoo la adeegsanayo muunad dhiiggeeda ah. Waxay tijaabiyeen unugyo gaar ah oo ku jira habka difaaca iyada waqtiyo kala duwan furiinkeedii ka dib.
Cilmi-baadhista Cole ayaa muujisay in kalinimadu ay kordhiso khatarta ah in fayraska la qaado oo ay soo saarto unugyo badan oo keena caabuqa.
“Waxay u muuqataa in marka la naga tago jirkeena uu fasiro xaaladda in aan keligeen ku harno garoonka, waxaana soo baxaya unugyo badan oo la dagaallama xaaladdaas.
Sidaas awgeed difaaca jidhku wuxuu kordhiyaa difaacyada uu kula dagaalamo dhaawacyada jidhka, wuxuuna yareeyaa dhaawacyada kale.
Markaan dareemo kalinimo, waxaan dareemeynaa nugeyl. Markaa waxaan soo saareynaa qaar ka mid ah hiddaha. Taasi waa sababta dadka keligood ahi ay halis ugu jiraan inay ku dhacaan cudurrada dhimirka, cudurrada wadnaha iyo cudurrada kale ee joogtada ah.