Qaybta baarista ee BBC Afrika ayaa daaha ka rogtay dhacdooyin naxdin leh oo dad da’ ah lagu eedeeyay sixir, markii dambese loo dilay dhul dartii, xeebta Kilifi ee dalka Kenya. BBC ayaa ogaatay sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilalkaas.
Tambala Jefwa oo ah afar iyo todobaatan jir ayaa isha kaliya ee u hartay ku eegaya meel bannaan ah, xilli xaaskiisa Sidi ay si xushmad leh uga siibayso shaarkiisa.
Waxay ku dhufteen mindi sidan oo kale ah weyna soo jiideen’’ ayay tiri iyadoo tilmaamaysa lafta dheer ee ka soo baxsan garabkiisa.
Waxay kaloo soo qabatay madaxiisa, iyadoo gacanta ka saaraysa, waxay muujinaysaa weerar kale oo loo gaystay.
Mr Jefwa ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa saaxir, labo jeer ayaana lagu weeraray gurigiisa oo 80 km u jira magaalada xeebta ah ee Malindi, kii hore il la’aan buu kaga tagay. Kii labaadna waaba uu dili gaaray.
Laamanahan waxay leeyihiin dhul beereed ka badan 30 hiktar oo ay ku beertaan galey, kuna dhaqdaan digaag. Waxa jiray muran dhinaca dhulka ah oo reeraha halkaa dagan u dhaxeeyay, taas ayaana loo badinayaa in ay keentay in uu ku sigto in la dilo Jefwa, maaha in dadku rumeysnaayeen in uu ahaa saaxir.
‘’Waxa la iiga tagay meyd ahaan, aad ayaan u dhiig baxay, ma garanayo sababta ay ii soo weerareen, laakin waxay noqon kartaa oo kaliya dhulka,’’ ayuu yiri Mr Jefwa.
Rumeynta sixirka iyo khuraafaadka kale ayaa ku badan waddamo badan oo Afrika ah laakiin Kenya, Malawi, Tanzania iyo South Africa waxa loo adeegsan karaa in lagu baneysto dhiiga dadka da’da ah si loo boobo dhulkooda.
Warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadamaha ee Kenya ayaa lagu sheegay in hal qof oo da’ ah, sixir dartii loo dilo todobaad kasta xeebta Kilifi. Sarkaal ka tirsan hay’adda oo la yiraahdo Julius Wanyama ayaa sheegay in qoysas badan rumeysan yihiin in kuwa amra dilka ay iyaga ka tirsan yihiin.
‘’Waxay u adeegsadaan erayga sixir sabab ahaan, maxaa yeelay waxay jiidan doonaan dareenka dadweynaha, dadkuna waxay oran doonaan ‘’ haddii uu saaxir ahaa way wanaagsaneyd inaad disho’’.
Dad yar oo ku nool dhulkan ayaa haysta waraaqaha lahaanshaha dhulkooda. Waxay rumeysan yihii muran la’aan in qoysku dhaxli doono dhulkooda.
Mr Wanyama waxa uu leeyahay tobankii qof ee la dilo, todobo kamida ayaa ah dad waaweyn, sababtuna waa in ay dhul leeyihiin.
‘’Taariikh ahaan dadka halkan Kalifi ku nool ma haystaan waraaqaha lahaanshaha dhulka, kaliya waxa ay haystaan waa sheekooyinka dadka da’da ah. Taasina waa sababta badanaa loo dilo raggan, maxaa yeelay marka la dilo waa la iska hor wareejiyay,’’ ayuu yiri Mr Wanyama,
Qiyaastii meel saacad lagu tagi karo gaari dhulka qoyska Jefwa ayaa laga hirgaliyay xarun lagu hayo dadka da’da ah, waxaana sameeyay urur samafal oo la yiraahdo ururka degmada Malindi.
Waa xarun lagu hayo dad gaaraya illaa 30 qof oo da’ ah, kuwaas oo horey loo weeraray, isla markaana aan ku laaban karin dhulkoodii.
Katana Jara oo ah lixdan iyo sedex jir muuqaalkiisu uu ka weyn yahay da’diisa ayaa xaruntan ku jiray 12 bilood. Xaruntan ayuu u soo guuray ka dib markii lagu weeraray gurigiisa bishii April sanad kii hore ee 2023. Hal gacan ayaa laga jaray curcurka, midda kalena waxay ka sareysaa xusulka. Ma sii shaqeyn karo, wuxuuna u baahan yahay in laga caawiyo waxyaabaha aasaasiga ah sida cunista cuntada iyo dhar dhaqashada.
‘’Waa garanayaa qofka gacmaha iga jaray, laakiin wali waji ka waji uma aynaan kulmin tan iyo waqtigaas,’’ ayuu yiri.
Mr Chara ayaa lagu eedeeyay in ahaa saaxir ka dambeeyay dilka ilmo yar oo uu dhalay nin kale, balse waxa u rumeysan yahay sababta dhabta ah ee loo weeraray in ay ahayd dhulkiisa lixda hektar ah.
‘’Sixir shaqo kuma lihi, waxaan leeyahay hal taako oo dhul ah oo ku yaala xeebta badda. Waa dhul weyn’’.
Xubno badan oo kamid ah qoyska Chara ayaa wax laga weydiiyay weerarka, laakiin midkoodna waligii dacwad laguma soo oogin.
Mr Wanyama ayaa doonaya in uu caddaalad u raadiyo Chara.
‘’Dad aad u yar ayaa lagu soo oogay eedeymaha ah in la dilay dad waayeel ah. Taasina waa sababta aan u maleynayo in dadka ku lugta leh dilalkan ay u dareemayaan in ay xor yihiin.’’
Ka dib bilooyin ay ku dabo jirtay qaybta baarista BBC Afrika, waxa u suurtagashay in ay raadiso nin sheegay in uu horey u dilay 20 qof. Waxa uu sheegayaa in qof kasta oo uu diilay laga siiyay lacag dhan 50,000 oo Kenya shilin ah oo u dhiganta qiyaastii $400.
‘’Haddii uu qof dilo nin da’ ah, waxaad ogaataa in qoysku lacagta bixiyay. Waa in qofkaasi yahay qoyskooda,’’ ayuu u sheegay BBC Africa eye.
Isagoo ka jawaabaya sida iyo sababta uu qof u dili karo in ay xaq tahay ayuu yiri ‘’waxaa laga yaabaa in aan sameeyay wax xun, sababtoo ah qofka wax dilay waa aniga ee shaqada loo diray, laakin sida sharcigu dhigayo, sida Ilaahay leeyahay, qofka i soo diray ayaa dambiga leh.’’
Guddiga qaran ee xuquuqda aadamaha Kenya oo warbixin u diray Qaramada Midoobay bishii February 2023 ayaa yiri ‘’gubidda sixirka, dilalka iyo weerarada jireed ayaa ku badan gobolka galbeedka ee Kisii iyo gobol xeebeedka Kilifi”.
Waxay sheegtay in damaca da’ yarta qoyska ee dhulka ay ka mid tahay waxyaabaha dhiirigaliya dilka, waxay intaa ku dartay in dilalku kordhaan xilliyada abaarta iyo macluusha oo ay gabaabsi noqdaan ilaha dakhliga.
Mr Wanyama ayaa sheegay in dilalka loo adeegsado eedeymaha sixirka si loogu marmarsiyoodo dhul boobka.
‘’Waxay ku bilaabatay heer gobol laakiin hadda way ka sii dartay, haddii aynaan waxba ka qaban, waxaan lumin doonnaa kaydka waayeelkeena. Kaliya waxaan rumeysan karnaa kuwa nool kaydkooda”.
Isha: BBC SOMALI