Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxaa keenay ismaandhaafka soo kala dhex galay Israa’iil iyo Maraykanka

    Maxaa keenay ismaandhaafka soo kala dhex galay Israa’iil iyo Maraykanka

    By radiohalgan.comMarch 26, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Israa’iil ayaa meesha ka saartay kulamo ay ku yeelan lahayd Washington ka dib markii Maraykanku uu ka gaabsaday inuu codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsado baaqii u golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku baaqay xabbad joojin ka dhaqan gasha Qasa.

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu “isaga dhaqaaqay” siyaasadiisii hore.

    Ismaandhaafkan ayaa yimid ayadoo ay jiraan baaqyo la xiriira in si degdeg ah looga baaqsado macaluul ka dhacda Qasa.

    Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Maraykanku wuxuu awoodda Veto u adeegsaday seddex qaraar oo uu golaha amaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray, kuwaasoo ku baaqayey in dagaalka la hakiyo ama xabbad joojin. Laba qaraar oo kale ayaa waxaa Veto ku hor istaagay Ruushka iyo Shiinaha.

    Isniintii ayaa Maraykanku wuxuu ka aamusay qaraar ku baaqayey in si “degdeg ah” xabbad joojin loo hirgaliyo inta ka dhiman bisha Ramadaan, “ si degdeg ah oo aan shuruud lahaynna loo sii daayo dhamaanba la haystayaasha”.

    Cod bixinta markii ay dhacday ka dib, Mr Netanyahu wuxuu diiday in qaraarka uusan ku baaqin xabbad joojin ku xiran shuruud ah in la sii daayo la haystayaasha, ayadoo Maraykanka iyo Israa’iil ay ku doodeen in sidaa ay noqoto.

     

     afhayeenka golaha amniga qaranka Maraykanka John Kirby

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Afhayeenka golaha amniga qaranka Maraykanka John Kirby

    Israa’iil waxay rumaysan tahay in Xamaas iyo saaxiibadood ay weli Qasa ku haystaan 130 qof oo ay ku jiraan 33 hore loo aaminsanaa in ay dhinteen.

    “Qaraarka maanta la ansixiyey wuxuu Xamaas siinayaa rajo ah in cadaadiska caalamiga ah uu ku khasbayo Israa’iil inay ogolaato xabbad joojin ayadoo aan la sii deyn la haystayaasheenna, taasoo dhibaato u gaysanaysa dagaalka iyo dadaalka lagu sii deynayo la haystayaasha” ayaa lagu xusay qoraal laga soo saaray xafiiska Mr Netanyahu.

    Wuxuu qoraalku intaa ku daray “Ayadoo laga amba qaadayo mowqifka Maraykanka, booqashadii qorshaysnayd ee wafdi Israa’iil ka socda ay ku tagi lahaayeen Maraykanka todobaadkan ma sii soconayso”.

    Saraakiil ka kala socda Israa’iil iyo Maraykanka ayaa lagu waday inay ka wada hadlaan qorshaha weerarka Israa’iil ee magaalada Rafax ee ku taalla koofurta Qasa, halkaasoo dad lagu qiyaasay 1.5 Malyan oo qof ay gabaad ka raadsadeen, ayagoo ka soo cararay meelo kale oo ku yaalla Qasa.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa si aan qarsoodi ahayn u sheegay in hawlgalka dhulka ee Rafax uu keeni doono khatar ah in la dilo dad kale oo rayid ah oo dheeraad ah “Mana aha sida looga guulaysan karo Xamaas” ayuu sii raaciyey.

    Qaxooti ku sugan Rafax

    XIGASHADA SAWIRKA,EPA

    Qoraalka sawirka,Qaxooti ku sugan Rafax

    Isagoo ka jawaabayey go’aanka Israa’iil ayaa afhayeenka golaha amniga qaranka Maraykanka John Kirby wuxuu sheegay in uu aad “uga xunyahay”, laakinse wuxuu ku celiyey aragtida Maraykanka ee ah in “weerar weyn oo dhulka ah oo lagu qaado Rafax uu noqonayo khalad weyn”.

    Wuxuu intaa ku daray in kulamada qorshaysnaa ee dhex mari lahaa wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Yoan Gallant iyo la taliyaha amniga Qaranka ee Maraykanka Jake Sullivan ay sidoodii loo qorsheeyey u sii socon doonaan.

    Yair Lapid, hogaamiyaha mucaaradka ee Israa’iil , horena u soo noqday wasiir, ayaa dhaliilay go’aanka Mr Netanyahu, wuxuuna ku tilmaamay mid aan “baahi loo qabin”, wuxuuna sheegay in Mr Natenyahu uu yahay “Qayrul mas’uul”.

    “Israa’iil way u xun tahay, amniga way u xun tahay, dhaqaalaha way u xun tahay” ayuu ku soo qoray barta X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

    Qaraarkii soo baxay Isniintii ayaa yimid ayadoo walaac weyn uu ka jiro xaaladda bani’aadminimada ee aadka u ba’an ee ka taagan Qasa.

    Todobaadkii hore ayaa Mr Blinken wuxuu ka digay in gabi ahaanba dadka ku nool Qasa ay soo food saarto “heer aad u liita oo ah hubaal ba’an oo xagga cuntada ah”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.