xusan ayaa sheegaya, in aan la tabin hadallada keeni kara kicin dad weyne ama abuuri kara khalalaaso; sidoo kale in aan la baaahin wax lid ku ah ammaanka.
Xeerka Warbaahinta qodobkiisa 3-aad oo ka hadlaya Xorriyadda Warbaahinta, faqraddiisa koowaad waxa uu dhigaya in, “Warbaahintu ay u madaxbannaan tahay fulinta hawlaheeda warbaahineed ee noocyada kala duwan, ayadoo dhawreysa shuruucda iyo anshaxa warbaahineed (code of conduct).”
Sida ku xusan qodobka 4-aad ee xeerka warbaahinta, kaas oo lagu xusay waxyaabaha ka reeban warbaahinta, waxa uu dhigayaa in warbaahinta ay ka reeban tahay; baahin warar been abuur ah, hurinta colaadda, dhiirigalinta qabyaaladda, dacaayad aan sal lahayn oo loola jeedo shakhsi ama hay’ad, baahin warar nacayb iyo xagjirnimo ku salaysan.
Sidaas oo ay jirta ayaa xilligaan waxaa aad u soo badanaya isticmaalka Baraha Bulshada, dowladda ayaana wali sheegin in sharciga warbaahinta loo adeegsan doona isticmaalayaasha warbaahinta casriga, maadaama xilligaan laga guurayo warbaahintii hore sida TV iyo Raadiyaha.
Isku soo wada duub dhacdooyinkaan ayaa ku soo badanaya guud ahaan dalka, waxaana badi la arkaa dhallinyaro isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo adeegsada warbaahinta casriga, iyaga oo ku soo gudbiya muuqaalo abuuri kara hurin colaadeed.