Close Menu
    What's Hot

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxaa ka jira in xubno lagala baxay meydadka tahriibayaal laga helay Turkiga, lagana iibiyay mukhallasiin ka ganacsada xubnaha bani’aadamka?

    Maxaa ka jira in xubno lagala baxay meydadka tahriibayaal laga helay Turkiga, lagana iibiyay mukhallasiin ka ganacsada xubnaha bani’aadamka?

    By radiohalgan.comJanuary 28, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Muddo 45 maalmood ayaa laga joogaa markii la waayay dooni ka baxay dalka Lubnaan, kuna sii jeeday jasiirada Qubrus, iyadoo aan la helin wax rakaab ah.

    Doontan oo ay la socdeen 85 rakaab ayaa la waayay 11-kii bishii December, dhacdadan oo noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ka dhacda shilalka doonyaha socdaalka sharci darrada ah ee ku sii jeeday qaaradda Yurub.

    Waxaa wararku sheegayaan in rakaabka ay haysteen dhalashooyinka dalalka Suuriyaan, Falastiiniyiin iyo Lubnaaniyiin ah, waxaana tirada haweenka iyo carruurta ku jira ay ahaayeen ilaa 50.

    Arrinta ku cusub kiiskan ayaa ah in maamulka Turkiga ay maalmo ka hor ka heleen meel u dhow xeebta Antalya ee Koonfur Galbeed ee dalkaasi sagaal meyd oo aan la aqoonsan.

    Inkastoo warkani uu rajo galiyay qoysaska dadka la la’yahay ee sugaya inay ogaadaan halka ay ku danbeeyeen dadkoodii, ayaa haddana waxaa jira dhowr arrimood oo diidaya in la aqoonsado haybta maydadkan oo ay ka mid yihiin xaaladda maydadka oo dhaawac culus soo gaaray.

    Dhanka Turkiga muxuu leeyahay?

    Ehlada dadka la waayay ayaa laga qaaday  tijaabada DNA-da laba toddobaad ka hor
    Qoraalka sawirka,Ehelada dadka la waayay ayaa laga qaaday tijaabada DNA-da laba toddobaad ka hor

    Ilaa iyo hadda waxaa la aqoonsaday mid ka mid ah meydadka laga helay inta u dhaxeysa xeebaha Antalya iyo gobolka Muğla ee Turkiga.

    Meydka la aqoonsaday ayaa ah arday 18 sano jir ah oo wax ka dhigan jiray jaamacada Turkiga Merv Sheval Elmas, iyadoo ilaa iyo hadda aan la garanayn 8 ruux ee kale.

    Agaasimaha Xarunta Cilmiga Sharciga ee Lubnaan, Garyaqaan Maxamed Sablouh, ayaa wareysi uu siiyay BBC laanta Carabiga ku sheegay in qoysaska dadka la la’yahay ay isku dayeen inay u diraan sambal DNA ah oo la mid ah meydadka, laakiin inuusan jirin xafiiska hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ee Turkiga ayaa hadda ka dhigaya hawsha mid adag waa sida uu sheegay.

    Dadkan ayaa soo gudbiyay tijaabada DNA-da laba toddobaad ka hor si loogu baaro maydka.

    Natiijada tijaabada ayaa lagu wadaa inay soo baxdo horraanta toddobaadka soo socda.

    Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa waxay soo jeediyeen in siddeedda mayd laga yaabo inay ka tirsan yihiin doonta la la’yahay oo ka soo shiraacday dalka Lubnaan.

    Khabiir ku takhasusay dambi baarista Dr Nader Arican oo la hadlay BBC-da laanteeda Turkiga, ayaa xaqiijiyay in ay adag tahay in baaritaan lagu sameeyo meydadka laga soo saaray badda.

    Shakiga ku saabsan ka ganacsiga xubnaha jirka

    Suurtagalnimadan arrintaan waxaa sii xoojinaya xaaladda meydadka laga helay Turkiga, k
    Qoraalka sawirka,Suurtagalnimadan arrintaan waxaa sii xoojinaya xaaladda meydadka laga helay Turkiga

    Iyadoo ilaa iyo hadda la la’yahay doonidaasi, ayaa waxaa isa soo tarayay hadal haynta iyo su’aalaha la iska weydiinayo halka ay ku danbeyn doonan dadkii la socday doonidaasi.

    Qareen Sablouh Maxamed Sablouh ayaa sheegay in ay jirto cabsi dhab ah oo laga qabo in rakaabkii doonta la socday ay dhibane u noqdeen kooxo ku takhasusay ka ganacsiga xubnaha jirka bin’aamka.

    Sida uu qabo, suurtagalnimadan arrintaan waxaa sii xoojinaya xaaladda meydadka laga helay Turkiga, kuwaas oo, sida ay wararku sheegayaan xubno ay ka maqan yihiin.

    “Meydadka qaar waa dooxay, tusaale ahaan, waxaa jira in jirka dumarka iyo carrurta aysan lahyeen madax” ayuu yiri.

    Ilo xog-ogaal u ah kiiskan ayaa sheegaysa in Qaramada Midoobay “ay ka cabsi qabto in mukhalasiinta iyo kooxaha dadka tahriibiya ay mar horeba iibiyaan dadka doonta saarana ayaga oo xubnaha jifran laga iibiyay maafiyada ka ganacsiga xubnaha jirka.”

    Diidmada Qubrus iyo aamusnaanta dowladda Lubnaan

    inkasta oo doonidu ay ka soo kicitintay xeebaha waqooyi ee dalka Lubnaan, haddana dowladda Lubnaan ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arrintan.

    Maalmo ka hor ayay ahayd markii wafdi ka socday Xarunta Cilmiga Sharciga ee Cedar ay booqasho ku tageen Safaaradda Qubrus ee dalka Lubnaan, waxayna la kulmeen Safiirka, isagoo gebi ahaanba beeniyay in wax magac ah oo ka mid ah Rakaabkii la socday doonta ay ku sugnaayeen Qubrus.

    Waxaa jiray wararka qaar oo sheegayaan in rakaabkii doonta la socaday ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Qubrus ama lagu hayo saldhig milatari oo ay Ingiriisku maamulaan oo ku yaalla koonfurta Qubrus, ayaa waxaa gebi ahaanba arrintaas beenisay dowladda jasiiradda.

    Xarunta CEDAR oo kiiskan baaraysa ayaa si rasmi ah magacyada dadka la la’yahay ugu gudbisay qeybta la’aanta dadka la waayo ee Qaramada Midoobay ee Geneva.

    Qareen Sablouh ayaa xaqiijiyay in hadda ay bilaabatay xiriirka Qubrus iyo Turkiga, taasoo qeyb ka ah dadaallada harsan ee lagu doonayo in wax looga ogaado masiirka rakaabka.

    Waxaa xusid mudan in inkasta oo doonidu ay ka soo kicitintay xeebaha waqooyi ee dalka Lubnaan, haddana dowladda Lubnaan ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arrintan.

    Kororka socdaalka sharci darrada ah

    Mid ka mid ah masiibooyinka ugu xumaa ee badda Mediterranean-ka
    Qoraalka sawirka,Mid ka mid ah masiibooyinka ugu xumaa ee badda Mediterranean-ka

    Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa xaqiijinaya in dhawaanahan ay kordheen tirada dadka sida sharci darrada ah uga soo gudba Suuriya ee taga Lubnaan ilaa Qubrus.

    Bishii Disembar ee sanadkii hore “tiro aad u badan ” oo muhaajiriin sharci darro ah ayaa gaaray Qubrus, halkaas oo ay ka codsadeen gargaar Midowga Yurub.

    Todobaadkan, maamulka Qubrus ayaa badbaadiyay 60 muhaajiriin ah oo la socday doon muddo lix maalmood ah badda ku jirtay.

    Mid ka mid ah shanta carruur ah oo saarna doonta la badbaadiyay ayaa dhintay ka dib markii lagu daweeyay isbitaal halkaasi ku yaal.

    Musiibadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday xeebaha Mediterranean-ka iyo badda Aegean ayaa ahyed sanadkii hore markii doon ay saarnaayeen ilaa 700 oo qof ay ku degtay xeebaha Giriiga.

    Ku dhawaad 100 qof ayaa laga soo badbaadiyay doonida degtay 14-kii June, halka boqolaal kalena lagu waayay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.