Dowladda Soomaaliya ayaa labo sano ka hor ku dhawaaqday guluf dagaal oo ka dhana kooxda al-shabaab, dagaalkaas ayaa ku bilowday markiisii hore dadka deegaanka oo is abaabulay ay fooda is-dareen kooxda.
Dagaalka ayey xooggaga hubaysan ee qabaa’illadu ku qaadeen fariisimo kooxdu ku lahayd gobolka Hiiraan ayey dowladu markii danbe ku biirisay ciidamadeeda.
Howlgalkaas ayaa la kulmay dhibaatooyin uu qiray Madaxweynaha Soomaaliya, wallow wali ciidamadu ay dagaal kula jirana kooxda.
Inkasto oo ay dowladu dagaal ku dhawaaqday haddana waxaa taas barbar socday aragtiyo aqoonyaho iyo khubaro ammaanka ah ay jeediyeen oo ahayd in wadahadallo lala galo al-shabaab.
Iyadoo doodaasi ay wali taagan tahay ayaa dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, shirka Oslo Forum ka sheegay hadal ahaa.
“Dhammaadka ciyaartu waxay ku dhammaan doontaa wadahadal”
Arrintaas ayaa dhalisay falcelino ka yimi siyaasiyiin iyo dadka ammaanka ka faalooda.
Maxaa ka jira in dowladda Soomaliya doonayso inay Wadahadallo la gasho al-shabaab
Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in xogta uu hayo ay sheegayso in dowladda Soomaaliya doonayso inay wadahadallo la gasho kooxda.
“Anniga xogta aan hayno waxaa weeye dowlada Soomaaliya markii hore way diidanayd ee ay caaboonayd ee ay al-shabaab la dagaalaysay laakiin hadda waa ogolaatay” ayuu yiri
Wuxuu intaa ku daray in haddi wadahadallo dowladdu la galayso al-shabaab laga dhigo arrin qaran, oo laga qayb galiyaa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.
“Waxaan ka baqaynaa in laysku hoosaasiyo, wadahadallo argagixiso lala galay oo laysu hoosaasiyey ayaa jiray, taas ayaan ka baqaynaa sidii ku dhacday dowladdii Afqaanistaan.”
“Dowladaha Qadar iyo Norwey, waa dowladdo si caadiya u wada in lala hadlo al-shabaab, welligoodna waa wadeen xitaa dowladdii anigu an ka tirsanaa ee madaxweyne Sheekh Shariif, waa noola yimaadeen, waxayna ka shaqeeyaanba in kooxdaas lala hadlo.”ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
Isagoo ka jawaabayey su’aal BBC-du waydisay oo ahayd inay u muuqato in al-shabaab ay leeyihiin xal aan ahayn wadahadal ayuu yiri,“ Annigu waxaan raacsanaa istaraatiijiyadii hore ee madaxweynaha ee ahayd in al-shabaab wadahadal lala galo markii awooddooda la wiiqo” ayuu Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur.
Xildhibaaan Cabdirixmaan oo mar kale aan waydiinay in dagaalo dowladdu la gashay al-shabaab ay dhaceen basle in lagu dayo wada hadal iyo waxa diidaya ayaa yiri.
“Haa, ha noo sheegeen in laga awood badin waaayey kooxda, annaga waxaan jecel nahay in marka kooxda la wiiqo ka dibna lala hadlo.”
Cabdirixmaan Cabdishakuur ayaa xusay in al-shabaab aysan ahayn dad metelaya tabasho deegaan iyo mid dadba basle ay yihiin dad fikir ku socda.
“Marka an dhahayo waa in la wiiqaa waxaa weeye in dadkii iyaga u galay inay wax tabteen iyo kuwa dano kale u galay ee an fikir ahaan la socon waa in la kala miiro” ayuu yiri Warsame.
Dowladdda Soomaaliya oo ka hadashay wadahadallo ay la gasho al-shabaab
La-taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ee hore loo oran jiray Twiter ku sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax wadahadallo ah la galaynin al-shabaab.
“Madaxweynaha ayaa shuruudo cad ku xiray arrintan. Waa inay gooyaan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah, ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.” ayuu qoralkiisa ku yiri Macallin.
Hadaba maxaaa lagu fasiri karaa qoraalka La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin Maxamuud.
Axmed Cabdilaahi Kaboole, waa falanqeeye arrimaha ammaanka waxaa uu xusay in hadalka dowladda uu u muuqdo inay meel cad ka istaageen wadahadal ay la galaan al-shabaab iyadoo kooxdu aysan aqoonsan jiritaanka dhuleed ee Soomaaliya.
“Arrintan waa mabda’a caalamigaa ee lagu xiro marka kooxo xagjir ah ay dowladnimadda ku soo biirayaan, tan ayaa ah waxaa dowladdu sheegtay” ayuu yiri Kaboole.
Kooxda al-shababa ayaa dowladda Soomaaliya dagaal kula jiray dhowr iyo tobban sano iyadoo dagaalo qaraarna ay dhexmareen.