#XOG: Maxaa ka jira in Booliska Soomaaliya lacag kaash ah ku qabteen Axmed Hurre?
Booliska Soomaaliya ayaa aroortii hore ee saaka Muqdisho ku xiray Axmed Cabdi Hurre oo ah La-taliyaha Arrimaha Bulshada Madaxweynaha PL.
G/sare Bashiir Bicir oo ah Taliyaha Istaafka Gen. Asad Diyaano ayaa Axmed Hurre ka qabtay Hoteel ay degen yihiin xubno ka tirsan BFS oo laga soo doorto PL kuwaasi oo dhawaan laga celiyay Garoowe.
Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya waxay warbaahinta u dusiyeen in Axmed Hurre lagu qabtay lacag dhan $500,000 Dollar ka hor inta uusan u qeybin xubnihii BFS.
Balse, Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in aysan jirin lacag lagu qabtay Hurre.

