Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025

    Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

      May 10, 2025

      DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

      May 10, 2025

      Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

      May 10, 2025

      Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      DEG DEG Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo

      May 10, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

      May 10, 2025

      DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

      May 10, 2025

      Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa ka jira in ay kulmeen Laftagareen iyo ninkaan hadal haynta dhaliyay?

    Maxaa ka jira in ay kulmeen Laftagareen iyo ninkaan hadal haynta dhaliyay?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 19, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Masawir muujinaya in ay wada joogaan madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo nin kamid ah wafdi ka socday Itoobiya oo socdaal ku tagay qaar kamid ah deegaanada Soomalaida ayaa hadal hayn ka dhaliyay baraha bulshada.

    Masawirka ayaynaan xaqiijin karin dhabnimadiisa.

    Ninkaan hadalhaynta dhaliyay ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Oromia, kuwaas oo horay u sheegay in ay u yimaadeen dhulka Soomaalida si ay qayb uga qaataan nabadeynta gobolka Geeska Afrika.

    (Lafti Nagaa) – Naaneys caan baxday oo ka timid duco ay wafdigaan Itoobiyaan ka ah horay u mariyeen ayay dad badan ugu yeerayaan ninkaan ay hadal hayntiisu ka socoto baraha bulshada.

    Maxaa ka jira in ay wada kulmeen Laftagareen iyo ninkaan ka yimid Itoobiya?

    Waxa aan xiriir la sameynay madaxtooyada dawlad goboleedka Koofur Galbeed si aan u xaqiijino waxa kajira in uu kulan uu dhexmaray madaxweyne laftagareen iyo mid kamid ah odayaasha dhaqanka qoomiyadda Oromada.

    Afhayeenka Maamulka Koofur-Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa beeniyay warka sheegaya kulan dhexmaray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo ninkaan la socday wafdiga odayaasha ah ee ka yimid dalka Itoobiya.

    Isaga oo la hadlay BBC da ayuu sawirka baahay ee la isku weydaarsanayay baraha bulshada ku tilmaamay in uu yahay mid been abuur ah.

    Isha uu ka yimid sawirkaan ayaan sidoo kale ahayn mid la xqiijin karo ilaa iyo haatan.

    Halkee ku sugnaa madaxweyne Laftagareen maalmihii la soo dhaafay?

    Sida ay BBC da u sheegtay madaxtooyada dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa mudooyinkaan danbe ka maqnaa deeganada uu ka arimiyo maamulkiisa, iyo guud ahaan Soomaaliya.

    madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Laftagareen uu aaday dalka Sacuudi carabiya, gaar ahaan magaalada Makka, si uu ugu cumraysto dhulka barakaysan.

    Intuu halkaas ku sugnaa ayay sidoo kale sheegtay madaxtooyadu in uu ka qayb galay shirkii golha wadatasiga qaran ee degdega u dhacay, kaas oo looga arrinsanayay heshiiskii ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

    Intaas kadib ayay sheegeen in uu u safray waddanka Turkiga, halkaas oo uu waqti kula qaatay qoyskiisa iyo dad kale oo uu kulamo la yeeshay.

    Madaxtooyada faahfaahin kama aysan bixin cidda uu la kulmay iyo waqtiga uu ku sugnaa halkaas intaba.

    Madaxweynaha Lafatgareen ayaa haatan ku sugan Caasimadda dalka Kenya ee nairobi. Madaxtooyada ayaa sheegtay in uu kulamo la qaatay dad kale, balse wax ay ku adkaystay in uusan ka mid ahayn ninkaan hadal haynta dhaliyay.

    Muxuu ahaa ujeedka wafdigii ka socday Itoobiya?

    Dhamaadkii sanadkii tagay ee 2023 ayay ahayd markii wafdi ka socday ka socday dalka Itoobiya, gaarka ahaan gobolka Oromia oo sheegay in ay ahaayeen odayaal dhaqan ay gaareen qaar kamid ah deeganada Somaliland oo ay kamid tahay magaalada Hargeysa.

    Wafdiga ayaa waxaa gudaha Somaliland ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin.

    Hugaamiyaha odayaashaas oo mar la hadlay BBC da ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay nabad ku soo dabaalista deeganada ay wada dagaan Soomalaida iyo Itoobiyaanka, iyo sidoo kale in uu nooleeyo xiriir wada dhalasho oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha Soomaalida iyo kuw aItoobiyaanka, balse nalama uusan wadaagin wax cadeyn ah oo dhaafsiisan sheegashadiis.

    Balse Imaanshiyahooda ayaa hadal hayn ka dhex abuurtay Somaliland iyo sidoo kjale deegaanada kale ee Soomaalida.

    Dadka qaar ayaa u arkay sheegashada wada dhalashada ee wafdigaasi in ay ahayd mid siyaasadeysan, kuwa kalana waa ay soo dhaweeyeen.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025

    Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

    May 10, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025

    Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.