Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      NISA oo sheegtay in la beegsaday guri ay ku shirayeen Al-shabaab oo ku yaala Jubbada Dhexe

      January 15, 2026

      Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

      January 14, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026

      Muxuu daaran yahay Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Isutagga Imaaraatka Carabta?

      January 14, 2026

      Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

      January 13, 2026

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa hakiyay weerarradii isdaba-joogga ahaa ee Saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq lagu qaadayay?

    Maxaa hakiyay weerarradii isdaba-joogga ahaa ee Saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq lagu qaadayay?

    By radiohalgan.comFebruary 20, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Booqasho uu Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uu ku tagay madaxa Ciidamada Gaarka ah ee Iran ee Quds, ayaa la sheegay inay hakad gelisay weeraradii ay kooxo ay Iran taageerto oo Ciraq ka howlgala ku hayaan ciidamada Mareykanka.

    Hadalkan ayaa wakaalada wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay ilo Ciraaq iyo Iran ah oo sheegay in arrintan ay muujineyso in xukumadda Tehran ay dooneyso inay ka hor tagto colaad gobolka oo dhan ku fidda.

    Madaxa Ciidamada Quds ee Iran , Ismaciil Qaani ayaa la kulmay wakiillo ka kala socday dhowr ka mid ah kooxha hubeysan, kullankaas oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad 29-kii bihii January, wax ka yar 48 saacadood, markii xukumadda Washiington ay ku eedeysay kooxahaas inay ka dambeeyeen dilka sadex askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa saldhig uu Mareykanka ku leeyahay Urdun.

    Mareykanka ayaa afar sano ka hor khaarijiyay ninka jagadan uga horreeyay Qaani, kaddib marki uu la beegsaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago ee Drone-ka, meel ku dhow isla garoonka Baqdad.

    Kooxihi uu Qaani la kulmay ayuu u sheegay in daadinta dhiiga ciidamada Mareykanka ay ka dhalan karto jawaab culus oo ka timaada Mareykanka. Sidaas waxaa xaqiijiyay ilaa iyo toban il wareed oo ay Reuters soo xigatay.

    Waxa uu u sheegay madaxdii maleeshiyada uu la kulmay inay isgaabiyaan, si ey uga fogaadaan duqeyn mareykanka uu la beegsado madaxdooda.

    Ila wareedyada ayaa sheegay in mid ka mid ah kooxahaasi ay diiday codsiga Qaani, in kastoo kuwii kale ay ogolaadeen.

    Maalin ka dib kullankaas ayaa kooxda ay Iran taageerto ee Kataib Hezbollah waxay ku dhawaaqday inay joojineyso weeraradii ay Mareykanka ku heysay.

    Tan iyo bishii Feb. 4teedii, ma jirin weeraro lagu qaaday ciidamada Marykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya, marka la bar bar dhigo 20 weerar oo muddo laba todobaad ah lagu qaaday, ka hor inta uu Qaani kooxahaas la kulmin.

    Kooxahan ayaa weeraradooda uga soo horjeeday dagaalka ay Israel ku heyso Gaza.

    Isha: VOA SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.