Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaa dheeraad ah oo aan ka ognahay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Iiraan

    Maxaa dheeraad ah oo aan ka ognahay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Iiraan

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 19, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay baahisey wakaaladda wararka Fars ee dalka Iraan, qarax ayaa laga maqlay waqooyi-galbeed ee magaalada Isfahan subaxnimadii hore ee Jimcaha. Qaraxa ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha ee bartamaha magaalada Isfahan, balse ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay.

    Gantaal ay Israa’iil leedahay ayaa ku dhacay Iran, sida ay laba sarkaal oo Maraykan ah u sheegeen TV-ga CBS. Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warramaysa in la hakiyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray magaalooyin dhowr ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Iran ayaa heegan sare gashay ka dib markii Israa’iil ay sheegtay in ay ka jawaabi doonto weerarkii Iran ay ku qaaday Israa’iil habeenkii Sabtida.

     

    Duulimaadyada diyaaradaha ee magaalooyinka Isfahan Shiraz iyo Tehran, ayaa hakad kooban galay waloow cabaar kadib dowladda Iiraan ay sheegtay in wax walba sidoodii yahiin duulimaadyaduna bilowdeen.

    Gobolka Isfahan waxaa ku yaal saldhig weyn oo dhanka cirka ah, xarun weyn oo lagu sameeyo gantaalada iyo goobo badan oo xarumo Nukliyeer ah.

    TV-ga qaranka Iran ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah lagu arkay hawada Isfahan abaaro 12:30 GMT, waxaana la burburiyay ka dib markii la hawlgeliyay nidaamka difaaca hawada ee dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Dhanka kaleTelefishinka qaranka Iran ee IRIB ayaa sheegay in xafiiska warfaafinta ee golaha sare ee amniga qaranka uu “dafiray wararka ay baahiyeen warbaahinta shisheeye ee sheegaya in shir degdeg ah uu goluhu isugu yeedhay”

    Weerar ay Isra'iil ku qaaday Iiraan iyo magaalada Isfahan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Weerar ay Isra’iil ku qaaday Iiraan iyo magaalada Isfahan

    Siidhiga digniinta ah oo ka dhawaajiyay waqooyiga Israa’iil subaxnimadii Jimcahan ayaa ahaa qaylo-dhaan been ah, Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Kadib duqeyntii Iraan ee Isra’iil waxay Israa’iil samaynaysay hanjabaaddo ku aadan in ay ka jawaabi doonto weerarkii Iraan. Iraana waxay sheegtay in haddii taasi dhacdo ay jawaab adag kala kulmi doonto. TV-ga dalka Iraan ayaana hoos u dhigay mugga weerarka la sheegay saaka.

    Wariyaha dhanka Amniga uga warrama BBC-da Frank Gardner ayaa sheegay in haddii tani tahay jawaabta ay Israa’iil ka bixisay weerarkii habeenkii sabtida ay noqonayso mid aan u kooban cabir iyo xad ahaan. Magaalada Isfahan ayaana u muuqata xaaladeedu haddeer in ay tahay mid caadi ah.

    Haddii wararku sii kordhaan ayuu sheegay in ay noqon doonto labo waxyaabood uun: In halkaas ku dhammayso Israa’iil weerarkii ay sheegaysay in ay ku qaadi doonto Iraan iyo in Iiraan ay dib uga falcelin doonto dhacdadaan.

    Warbaahinta dowladda Iraan ayaana sheegtay in wax waxyeelo ah ayna ka jirin magaalada Isfahan dhawaqa la maqlayna uu yahay difaaca cirka oo beegsanaayay wax laga shakiyay.

    Saamaynta

    Qiimaha Shidaalka iyo Dahabka Adduunka ayaa kor u kacay, waxaana hoos u dhac ku yimid saamigiisii, kaddib markii saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in gantaal ay Israa’iil ku garaacday Iran.

    Dowladda Australia ayaa muwaadiniinteeda u sheegtay in ay ka baxaan Israa’iil kadib markuu weerar dhacay,

    “Waxaa jirta khatar sare oo aargoosi militari ah iyo weeraro argagixiso oo ka dhan ah Israa’iil iyo danaha Israa’iil ee gobolka oo dhan. Xaaladda amnigu si dhakhso ah ayey u xumaan kartaa,” waaxda arrimaha dibadda iyo ganacsiga ee Australia ayaa ku tiri barteeda Smartraveller ee X.

    Ka bood Twitter boggan

    Oggolow Twitter macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.