Kooxaha ku badda Cagta ee Tottenham Hotspur F.C. & Manchester City ayaa caawa 10:00 PM waqtiga geeska Afrika is wajahaya iyada oo labada dhinac ay kala beegsanayaan qabashada hoggaanka horyaalka iyo raadinta Booska Horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions League 2024/25.
Tottenham ayaa qasaarisay dhibcihii muhiimka u ahaa iyada oo ay mar isugu xigsadeen guuldarooyin balse kulankoodii ugu dambeeyay todobaadkaan gacmaha ka meertay waxaana ay kahortagayaan naadiga ku diimay guuldarrada ee Manchester City ee rabta in markii 4aad oo xiriir ah koobkaan gacanta ku dhigto.
Hotspur ayaa damacsan in ay ka faaiidaysato barbaraha ay xalay gashay naadiga dhibcaha kooban ka sare maray ee Aston Villa si booska 4aad ay ugu goostaan tikidhka Ka qaybgalka Horyaalka Qaaradda Yurub ee Eufa Champions League si ay u noqoto naadiga wehlinaya Manchester City, Arsenal iyo Liverpool.
Dhinaca Manchester City waxa uu kulankaan u yahay mid muhiimad gaar ah u leh maadaama horyaalka uu gabagabo marayo waxa ay rabtaa in ay saddexda dhibcood ka qaadato kooxdaan London ka dhisan ee Tottenham si kulanka ugu dambeeya todobaadka soo socda ay horyaalkaan u qaaddo waa haddii ay badiso kulanka caawa iyo kulankaas kale.
Macallimiinta labada Naadi ayaa mid weliba sheegay in uusan dab yar shidi doonin oo isku muujin doonno si uu u gaaro muhiimadda dhibcaha dhexda ka yaalla oo naadigii guusha hanta uu farxi doonno halka kan guuldaraystana uu dhumin doonno fursad wayn oo meel fiican ku gaari karo.
Kooxaha Arsenal iyo Aston Villa ayaa kala eeganaya labada dhinac, Arteta waxa uu aad u danayanayaa in kooxdiisii hore ee Manchester City ay kufto ama ugu yaraan laga badiyo halka Emri uu jeclaan lahaa in Tottenham la garaaco oo Sky Blue qaadato saddexda dhibcood si ay usoo aadaan Horyaalka Qaaradda Yurub UCL.