Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa laga soo magacaaba gudoomiyaha gobolka Banadir, waxaana gudoomiyeyaasha la magacaabo loo igmadaa iney qabtaan shaqooyin aysan jecleyn oo lacagta ka soo baxaysa canshuurta laga qaado magaalada loo adeegsado waxyaabo aan loo baahneyn oo lagu qancinayo dad aysan jecleyn maalgelintooda, balse dantu kaliftay iney qasab ku noqoto iney hantida dadweynaha ku raali geliyaan marxabeyntooda.
Waxey gudoomiyeyaashaas inta badan ay ku eedeysan yihiin fashil ka dhashay waxqabad la’aan iyo niyad jab baahsan oo xambaarsan dareen xooggan oo wata cabashooyin dadweyne, waxeyna sumcadoodu ku wada dhamaataa guuldaro ay ka wada raacdo taariikh madow oo xusuustooda ku reebta kartixumo maamul, kadib marka uu ra’yiga dadweynuhu ay si arxandaro ah ay ugu harqiyaan mowjado xamaasadeysan oo muujinaya waxtar xumadooda.
Wakhtiga guga iyo deyrta waxaa Muqdisho ku dhaca roobab badan oo waxyeelo baahsan u geysta caafimaadka iyo isku socodka dadweynaha, waxeyna taas magaalada u keentaa masiibo ka dhalatay wasaqda oo magacxumo u soo jiida maamulka Gobolka Banadir oo ah xaruunta ay degen tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxyeeladaasna waxey magaalada ku dhacdaa iyadoo waayoaragnimadii hore aan waxba laga faa’iidin.
Masuuliyad xumada ka jirta waxqabad la’aanta maamulka Gobolka Banadir waxaa sheeda kore ka fiirsanaya madaxtooyada Soomaaliya oo waajibkeedu yahay iney dhiirogeliyaan madaxda maamulka Gobolka Banadir oo culaab badan ay ka haysato dayaca ay ku sameeyeen nadaafada iyo bulaacad la’aanta magaalada, iyagoo ay tahay iney amaah lacageed u fidiyaan gobolka ama u madaxbanaaneeyaan dakhligooda iney u adeegsadaan horumarinta gobolka, meesha taas bedelkeeda lagu xasilinayo kacdoonada siyaasadeed iyo shaqaaleynta qabyaaladeysan.

Waxaa in badan la isweydiinayaa Muqdisho cida iska leh oo gebtey daryeelkeeda, su’aashaas oo dib ugu soo noqoneysa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya oo iyadu soo magacawda xilalka maamulka Gobolka Banadir oo weliba dhaqaalaha magaalada ka soo gala saamiga ugu weyn ka qaadata, isla markaasna isku koobtay iney cabashada dadweynaha jawaab uga dhigaan in loo dhabar adeygo inta laga gudbayo xiliga roobka.
Waxey su’aashaas sidoo kale ay ka bixineysaa dareen aan wanaagsaneyn madaxda maamulka Gobolka Banadir oo shaqaalo tiro beela oo hab beeleed ay ku soo xusheen oo haddana intooda badan aysan wax tayo ah aysan lahayn, kuwaas oo lagu qancinayo iney deegaanka iska leeyihiin oo ay waajib tahay iney manaafacaadkeeda ka helaan qeyb libaax leh, balse nasiibdarradu ay tahay mid dadaalkoodu ku wajahan yahay oo keliya ka falcelinta anaaniyada facebook-ga.
Waxaa intaas dheer in dhamaan qandaraasyada ay bixiso maamulka Gobolka Banadir ay naasnuujin ugu sameyso shirkado gaara oo heyb ahaan loo siiyo iney yihiin milkiileyaasha deegaanka, kuwaas oo shaqooyinka ay u qabtaan magaalada ay yihiin kuwo aad u liita oo aysan jirin cid kula xisaabtameysa tayoxumada ay ku fulinayaan hawlaha loo xilsaaray oo ah iney u qabtaan magaalada Muqdisho.
Su’aashu waxey dareen gelineysaa dadka ganacsatada ah oo canshuurta xoogeeda inta ugu badan bixiya, kuwaas oo aan wax xil ah aan iska saarin iney canshuurta ay bixiyaan ay kula xisaabtamaan madaxda maamulka gobolka, taas oo ah iney helaan adeegyada ay macaamiisha dadweynahooda ay ugu baahan yihiin, kuwaas oo hantida ay heystaan ku kasbaday iney deegaan ahaan ka soo jeedaan magaalada oo ay ehel dhow u yihiin sharafta magaaladooda iyo dadweynaha ku nool.
Muqdisho lahaanshaheeda waxaa iska leh dowladda Soomaaliya oo maamulideeda u ergeysey madaxda ay u soo magacaabaan maamulka Gobolka Banadir, iyagaana masuul ka ah dayaca iyo sumcadxumada ay ka cabanayaan dadweynaha degen magaalada, waxaana sharafdaro ku ah Muqdisho in dhaqaalaheeda loo adeegsado arrimo siyaasadeed oo kala dhantaalay horumarinteeda, dayacaadaas oo dadweynaha degen magaalada ka dhex dhalisay ismaandhaafyo dhaliyey inaan lagu qanacsaneyn sida dowladda dhexe aysan wax xil ah isaga saareyn dhawaqa xambaarsan dareenka ay ku muujinayaan dadweynuhu cabashooyinka ay ka qabaan madaxda maamulka Gobolka Banadir.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
[email protected]