Maleeshiyaad hubaysan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa saakay magaalada Qardho ee maamulka Puntland, ka af-duubtay maamulihii shirkadda Amal Bank xafiiskeeda magaalasa Qardho Yuusuf Salaad Maxamuud (Yuusuf Dheere).
Sida aan wararka ku helnay maamulahan shirkadda Amal ee saakay la afduubtay ayaa ku heyb ah agaasimaha ciidanmada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, waxaana maamulaha loo afduubtay kaliya in uu ku heyb yahay taliyaha PSF.
Sida aan xogta ku helnay dableyda saakay afduubka geesatay ayaa ka careysan afduub iyana la sheegay in xalay magaalada Boosaaso ugu geesteen ciidamada PSF Eng Cabdirashiid Yaasiin Nuur oo isna ku heyb ah maleeshiyaadka saakay afduubka geestay.
Afduubyadan ayaa ka dhashay xarig ciidamada ammaanka maamulka Puntland ugu geesteen magaalada Garawe wariye lagu magacaabo Maxamuud Jamaal Dooxo, kaa oo katirsanaa xafiiska warfaafinta ee ciidamada PSF.
Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho waxaa ka socda dedaalo xal loogu raadinayo afduubyadan xalay iyo saakay ka kala dhacay magaalooyinkaasi, waxaana dedaalada wada masuuliyiin iyo sidoo kale waxgarad kasoo kala jeedaan dhinacyada afduubka isku geestay.