Dowladda Masar ayaa muwaadiniinteda jooga Soomaaliland ugu baaqday inay ka baxaan Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.
“Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan muwaadiniinta Masar inaysan u safrin gobolka Somaliland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la eegayo saamaynta amni-darrada ay ku leedahay ammaankooda,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay safaaradda Masar ee Soomaaliya.
Safaaradda ayaa dadka Masaarida ah ee ku sugan gobolka ku boorisay inay ka dhoofaan madaarka Hargeysa, waxaanay ku nuuxnuuxsatay in xaaladda amni ee hadda jirta ay xaddidayso inay gacan qunsuliyadeed siiso dadka Masaarida ah ee halkaas jooga.
Waxay sidoo kale ugu baaqday Masaarida qorsheynaya inay booqdaan gobol kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya “si ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka ay dejiyeen mas’uuliyiinta Soomaaliya ee ay khuseyso.
Talaabadan ayaa daba socotay go’aan ay dhawaan xukuumadda Somaliland ku xirtay Maktabadda Masar ku lahayd Hargaysa, iyada oo shaqaalaheeda ka dalbatay inay ka baxaan gobolka, sida ay baahiyeen warbaahinta Carabtu.
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa.
Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay bilowgii bishan ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland.
“Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah.
Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ay Somaliland kula saxeexdeen Jan. oo wajahaya mucaaradka Carabta.
Masar oo iyaduna xurguf u gaar ah kala dhexaysa Addis Ababa oo ku saabsan mashruuca biyo xidheenka webiga Niil, ayaa sidoo taageero u muujisay Soomaaliya
Bishii Agoosto, madaxtooyada Masar ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya la saxiixatay hab-maamuus iskaashi milateri, iyadoo ku nuux-nuuxsatay taageerada madax-bannaanideeda, isla markaana diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.
Maxaan ka ognahay tirada Masaarida ka shaqaysa Somaliland?
Inkasto aysan BBC-du helin tirada rasmiga ah ee muwaadiniinta u dhashay Masar ee ku sugan Somaliland haddana waxaa la rumaysan yahay in darafyo kala duwan ay ka howlgalaan deegaannadaasi kuwaas oo u badan dhaqaatiir iyo macallimiin wax ka dhiga iskoollada Somaliland.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Dr.Axmed Aadan Buuxane ayaa BBC-da u sheegay in tiro ku dhow siddeetan macallin ay gaarayan Masaarida wax ka dhiga qaybaha waxbarasha ee Somaliland.
“Waxay u kala qayb sanaayeen iskoolada caadiga ee luuqada carabiga ka dhigi jireen iyo iskoolada farsamada gacanta oo ay ahaayeen dad farsamayaaqa, dabadeedna markii uu soo baxay amarka ah in la joojiyey wadashaqayntooda si toosaan u amarnay dabadeedna dalka waa ka baxeen dhammaantoodba.” ayuu yiri Buuxane.
Kala bar macallimiintaas ayuu sheegay wasiirku inay ka shaqaynayeeyn iskoolada farsamada oo ay tababar siin jiray iskoolada farsamada gacanta ee magaalooyinka Burco, Hargeysa, Berbera iyo Gabiley.
Mar BBC-du waydiisay saamaynta waxbarashada ee ka dhalan karta macallimiinta ka baxday goobahaas ayuu sheegay “Koley waa aqoonyahay kaa tagay saamayn wuu yeellanayaa laakiin tan annaga noogu muhiimsan waxay ahayd tan ku saabsan maaddaama intaas tiro leh ma helaysaan markiina boosaskas waa buuxinnay”.
Maxay tahay Maktabaddan?
Maktabaddan oo la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan.
Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa oo BBC la hadlay ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah.
Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen,” ayuu yiri.
Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed.
Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah.
“Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay.
Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas.
Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore.” Ayuu yiri Maxamed.