Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Akhriso:- Janan oo sheegay in ay ku soo biireen ciidan ka soo goostay Jubbaland

    July 26, 2025

    Ciidanka AUSSOM oo ku dhawaaqay in howlgallo ka dhan ah AS ka billaabayaan Shabeellaha Hoose

    July 26, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin

    July 26, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Akhriso:- Janan oo sheegay in ay ku soo biireen ciidan ka soo goostay Jubbaland

      July 26, 2025

      Ciidanka AUSSOM oo ku dhawaaqay in howlgallo ka dhan ah AS ka billaabayaan Shabeellaha Hoose

      July 26, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin

      July 26, 2025

      Faransiiska oo aqoonsanaya Falastiin iyo Mareykanka oo ka carrooday

      July 25, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Dowladaha Turkiga iyo UK oo kala saxiixanaya heshiis xasaasi ah

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Akhriso:- Janan oo sheegay in ay ku soo biireen ciidan ka soo goostay Jubbaland

      July 26, 2025

      Ciidanka AUSSOM oo ku dhawaaqay in howlgallo ka dhan ah AS ka billaabayaan Shabeellaha Hoose

      July 26, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Masar oo mar kale hadashay xilli aan wali xal laga gaarin khilaafkii Itoobiya iyo Soomaaliya

    Masar oo mar kale hadashay xilli aan wali xal laga gaarin khilaafkii Itoobiya iyo Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 27, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dawladda Masar ayaa waxay mar kale ku nuuxnuuxsatay, muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo amniga, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in Soomaaliya oo intaas hesha ay sidoo kale horseedi karto amni iyo xasilooni ka hirgasha gobolka oo dhan.

    Dawladda Masar ay mar kale waxay haatan xaqiijineysaa in ay garab buuxa u tahay dawladda Muqdisho.

    Bishii January ee horaantii sanadkaan, ayaa dawladda Masar waxay garab istaag u muujisay sidaan oo kale dawladda Soomaaliya, xilligaas oo khilaaf diblumaasiyadeed uu soo kala dhex galay Itoobiya iyo Soomaaliya, kadib markii Itoobiya ay heshiis badda la xiriira la sexeexatay Somaliland.

    Heshiiskaas ayaa waxa uu dhigayay in 20 km oo dhul badeed ah laga kirayn doona dawladda Itoobiya, si ay uga dhisato saldhig ciidamo badeed, taas badalkeedana ay aqoonsan doonaan Somaliland.

     

    XIGASHADA SAWIRKA,EGYPTIAN FOREIGN MINISTRY

    Xilligaas ayay Masar sheegtay, kuna adkeysatay, in ay muhiim tahay in la xushmeeyo midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo si buuxda u diiday talaabo kasta oo lagu xagal daacinayo madaxbanaanida Soomaaliya.

    Dawladdda Soomaaliya oo aad uga carootay heshiiskaas ayaa ka soo horjeesatay, iyada oo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida Soomaaliya.

    Shirar kala duwan oo ay qabteen IGAD iyo Midowga Afrika oo looga arrinsanayay khilaadka labada dhinac, ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay in la ixtiraamo madabanaanida iyo midnimada Soomaaliya.

    Maalinimadii shalay ayaa mar kale dawladda Masar ay u xaqiijisay Soomaaliya, in ay wali garab taagan tahay xasiloonada Soomaaliya, xilli ay kulan wada lahaayeen ra’iisul wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly iyo safiirka Soomaaliya ee Masar Ilyaas Sheekh Cumar.

    Ra’iisul wasaaraha Masar ayaa u xaqiijiyay safiirka iyo dawladda Soomaaliyaba sida ay dawladda Masar u garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, maadaama ay leeyihiin labada dal xiriir taariikhi ah oo soo jireen a

    Ra’iisul wasaare Madbouly ayaa sidoo kale u sheegay in safiirka in uu doonayo in uu xoojiyo iskaashiga labada waddan, isaga oo muujiyay sida uu u doonaya in uu xiriir wada shaqayn la yeesho dhiggiisa Soomaaliya.

    Soomaaliya oo wali khilaafkii heshiiskii is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland aan xal ka gaarin, ayaa waxay dhankeeda muujisay sida ay u dooneyso in wanaajiso xiriirka kala dhexeeye Masar. Safiirki Ilyaas ayaa waxay uu sheegay in dawladda uu matalo ay aad ugu baahan tahay taageerada Masar ee la xiriirta siyaasadda iyo amniga, oo ka mid ah caqabadaha uu wajahayo dalkiisu haatan.

    Heshiiska aan wali xalka kama dambeysta ah aan laga gaarin ee badda ayaa sidoo kale intii uu cusbaa waxaa ka soo horjeestay ururada qaar ee gobolka. Ururka Midowga Jaamacadda carabta ayaa waxa ay kulan ay yeesheen ku diideen heshiiskaas, iyaga oo sheegay in ay garab taagan yihiin Soomaaliya.

    Sidoo kale isla bishii January ee sanadkaan ayaa waxaa heshiiskaasi wajahay diidmooyin kale. Wadamada Maraykanka, Ingiriirska iyo Midowga Yurub ayaa waxay ku booriyeen dhinacyada in la xushmeeyo madaxbanaanida Soomaaliya.

    Dawladda Itoobiya ayaa marar kala duwan oo ay ka hadahsay heshiiskaas waxay sheegtay in ay hirgalin doonaan, oo ay wadhadalo la sii yeelan doonaan Somaliland. Dhanka kale ee Somaliland ayaa iyana sheegay in ay doonayaan in uu dhaqan galo heshiisku.

    Safiirka Soomaaliya ee ka qayb galay kulanka ayaa waxa uu aad u mahdiyay, hugaanka Masar ee garab istaagga u fidiyay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Akhriso:- Janan oo sheegay in ay ku soo biireen ciidan ka soo goostay Jubbaland

    July 26, 2025

    Ciidanka AUSSOM oo ku dhawaaqay in howlgallo ka dhan ah AS ka billaabayaan Shabeellaha Hoose

    July 26, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin

    July 26, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Akhriso:- Janan oo sheegay in ay ku soo biireen ciidan ka soo goostay Jubbaland

    July 26, 2025

    Ciidanka AUSSOM oo ku dhawaaqay in howlgallo ka dhan ah AS ka billaabayaan Shabeellaha Hoose

    July 26, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin

    July 26, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.