Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Masar iyo Qatar oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool

    Masar iyo Qatar oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 8, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wargeyska Wall Street Journal, ayaa baahiyay warbixin uu ku sheegay in dalalka Qatar iyo Masar ay dhawaan ku wargeliyeen hoggaamiyeyaasha Xamaas in laga yaabo inay la kulmaan suurtagalnimada ah xarig, xannibaad hanti, cunaqabatayn iyo xitaa in laga saaro Doha, haddii ay aqbali wayaaan soo jeedinta heshiis xabad joojin oo laga dhex sameeyo iyaga iyo Israa’iil.

    Sida warbixinta lagu sheegay, iyadoo laga duulayo aragtiyo ay qabaan mas’uuliyiin lagu tilmaamay inay aad ugu dhuun daloolaan wadahadalladan,ayaa waxaa ay sheegayaan in hanjabaadadan oo ku wajahan madaxda Xamaas ay tahay codsi ka yimid maamulka Biden.

    Madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo ku sugan dalka Qatar ayaa sheegay in aysan aqbali doonin heshiis aan buuxin shuruudaha ururka, isla markaana aan dammaanad qaadeynin in dagaalka la joojiyo.

    Maqaal uu qoray wariyaha Bariga Dhexe ee Wall Street Journal, Samar Saciid, ayaa intaa ku daray in Xamaas ay toddobaadkan si adag uga soo horjeesatay nuqul qoran oo ah soo jeedintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.

    Wariye Samar Saciid waxa uu sheegay in kala duwanaanshiyaha yar ee ereyada uu noqday qodob ku dheggan wada xaajoodka, gaar ahaan ka dib markii Netanyahu uu ka jawaabay khudbadii Biden iyo in uu xoogga saaray in aan la soo afjarin dagaalka ka hor inta aan la burburin awoodda milatari ee Xamaas.

    Agaasimaha CIA-da William Burns ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda Qatar iyo Masar inay ku wargeliyaan hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh in dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan bilaabashada wada xaajoodka xabbad-joojinta oo dhammaystiran toddobaadka saddexaad ee wejiga koowaad ee heshiiska, iyo in la isku afgaran doono qodobbada xabbad-joojinta joogtada ah. toddobaadka shanaad, sida uu sheegayo wargeysku.

    Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in Haniyeh hanjabaadaha ka dib uu diiday inuu aqbalo soo jeedinta, wuxuuna qeexay in Israa’iil ay bixiso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan xabbad-joojin joogto ah, gaar ahaan ka dib hadalkii Netanyahu ee ahaa inuusan aqbali doonin joojinta dagaalka.

    “Sarkaal wadahadallada si dhow ula socda ayaa laga soo xigtay “Waxay og yihiin in Qatar aysan haysan waddo kale oo aan ka ahayn inay eryaan( Hoggamaiyaasha Xamaas) haddii Maraykanku ka codsado,”

    Daniel Levy oo ah falanqeeya arrimaha siyaasadda ah ayaa yiri ” kaliya diidmada Netanyahu waxay horudhac u tahay marxaladda koowaad ee soo afjarida dagaalka, Washington way ku fashilantay imtixaankii,”

     

    Maxaa dhacaya haddii Benny Gantz uu iska casilo golaha dagaalka?”

    Benny Gantz

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Websi-tka laga leeyahay Mareykanka ee Axios, ayaa sheegay in Benny Gantz la filayo inuu ku dhawaaqo inuu isaga baxayo golaha wasiirada dagaalka ee la dhisay ka dib weerarkii 7-dii bishii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

    Waxaa la filayaa in tallaabadaan ay samaeyn yeellan karto “Tallaabadan uma horseedi doonto inay burburiso isbahaysiga Netanyahu, oo weli haysta aqlabiyadda baarlamaanka oo ah 64 xubnood, laakiin waxay u badan tahay inay khalkhal geliso dawladda oo ay uga sii dari doonto qalalaasaha siyaasadeed, iyadoo dagaalka Qasa uu sii socdo, wada-xaajoodkuna uu socdo.” .

    Weriyaha arrimaha siyaasadda ee Axios iyo khabiirkooda arrimaha Bariga Dhexe, Barak Ravid, ayaa qaba, in maamulka Biden iyo dawlado kale oo badan oo reer galbeed ah iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ay Gantz u arkaan nin qunyar socod ah oo ka tirsan golaha dagaalka Israa’iil, sidaas darteed bixitaankiisu waxay u badan tahay inay kordhiso cadaadiska caalamiga ah ee Netanyahu saaran.

    Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa sida illo xog ogaal ah ay sheegayaan wuxuu la hadlay horraantii toddobaadkan saraakiil sarsare oo maamulka Biden ka tirsan, wuxuuna ku wargeliyay go’aankiisa dhow wuxuuna waydiistay aragtidooda ku aaddan is casillaadda uu doonayo, laakiin saraakiisha Maraykanku waxay u sheegeen Gantz in tani ay tahay go’aankiisa oo aysan faragelin doonin. arrin siyaasadeed oo gudaha Israa’iil ah.

    Ravid wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka Gants ee golaha dagaalka Netanyahu, ay meesha ka saari doonto awoodda golaha maadama inta badan uu go’aannada gaaro Wasiirkiisa difaaca Yoav Gallant, iyo Wasiirka Istaraatijiyadda ee isaga ay isku dhow yihiin laguna agacaabo, Ron Dermer.

    Mareykanku wuxuu ku lug yeelan doonaa khilaafka gobolka, haddii ay weerarro dhacaan

    Xaaladda gobolka ayaa ah mid kacsan muddaba

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil, iyo maqaal cinwaankiisu yahay “Haddii Israa’iil ay weerarto Xesbullah, Iran ayaa soo faragelin doonta, sidaas darteed Mareykanku wuxuu ku lug yeelan doonaa khilaafka.”

    Qoraa lagu magacaabo Alon Pinkas ayaa sheegay in tan iyo 7-dii Oktoobar, danta ugu weyn ee Mareykanka ay ahayd in laga hortago faafidda dagaalka Qasa ee gobolka.

    Qoraagu waxa uu sheegay in inkasta oo uu si tartiib tartiib ah u sii kordhayay dagaalka xooggan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, haddana aanu weli ahayn dagaal meel sare gaaray.

    Washington ayaa aaminsan sida uu qoraagu qabo in xaaladda gobolka Braiga Dhexe ay tahay wax isku xiran .

     

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.