Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Safaaradii Mareykanka ee Sacuudiga oo gubaneysa.

    March 3, 2026

    Iiraan ayaa Goordhow Sheegtay in ay Beegsatay Goobta Shaqada ee Ntnyahu & Taliyaha Ciidanka Israa’11l.

    March 2, 2026

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Safaaradii Mareykanka ee Sacuudiga oo gubaneysa.

      March 3, 2026

      Iiraan ayaa Goordhow Sheegtay in ay Beegsatay Goobta Shaqada ee Ntnyahu & Taliyaha Ciidanka Israa’11l.

      March 2, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG DEG Safaaradii Mareykanka ee Sacuudiga oo gubaneysa.

      March 3, 2026

      Iiraan ayaa Goordhow Sheegtay in ay Beegsatay Goobta Shaqada ee Ntnyahu & Taliyaha Ciidanka Israa’11l.

      March 2, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Mareykanka oo Qunsuliyad ka furanaya Afganistan iyo Isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddii…

    Mareykanka oo Qunsuliyad ka furanaya Afganistan iyo Isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddii…

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maraykanka ayaa si taxader leh uga fekeraya, inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, isaga oo aan wax aqoonsi ah u fidinin xukuumadda Taliban ee dalkaas maamusha, sida ku cad warbixin istaraatejiyadeed oo ay baahisay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku.

    Tallaabadan uu qaadayo Maraykanku ayaa u muuqata, isbedel weyn oo ku yimi siyaasaddii Maraykanka ee ku wajahnayd ururka Taliban, iyada oo haatan uu Maraykanku ka fikirayo inuu maamulkaas kula macaamilo, siyaasad xadidan, oo looga danleeyahay lagu gaadho arrimo dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidha.

    Warbixintan oo loogu magacdaray, istareetejiyadda isku dhafan ee dalka Afghanistan, oo la meelmariyey bishii October ee sannadkii hore, ayaa dhigaysa, in Maraykanku uu doonayo inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, iyada oo lagu sheegay qoraalkaas, in taageero loo muujinayo shaqada ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan, dadka la afduubo ama kuwa la xidho, si uu fursad ugu helo in la soo daayo muwaadiniin Maraykan ah oo si caddaalad darro ah dalkaas ugu xidhan.

    Markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Afghanistan, bishii August ee sannadkii 2021, waxaa Maraykanku uugebi ahaanba xidhay, safaaraddii ay ku lahaayeen Kabul, taasoo calaamad u ahayd, dhammaadka labaatan sano oo dalkaas uu ka socday dagaal daba dheeraaday iyo weliba iskaashi dhinaca siyaasadda ah oo Maraykanku la ahaa xukuumaddii Afghanistan.

    Tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyey, waxaa Maraykanku adeegsanayey, inuu hawlaha dalka Afghanistan ka wado safaaraddiisa ku taalla dalka Qatar, halkaas oo Maraykanku uu kulamo googoos ah kula yeeshay ururka Taliban.

    Warbixintan la sii daayey ayaa lagu sheegay, inaanu Maraykanku illaa haatan aqoonsanayn xukuumadda Taliban, inay tahay, dawladda sharciga ah ee ka jirta Afghanistan, haddana waxaa Maraykanku doonayaa inuu xukuumaddaas la jeeyo xidhiidho xadidan, si loo gaadho ayaa la yidhi, danaha Maraykanka iyo sidii loo fahmi lahaa in xukuumadda Taliban ay u diyaarsan tahay ama ay awood u leedhay inay fulin karto ballamaha lala galo.

    Istareetejiyadda cusub ayaa laga leeyahay illaa afar ujeedo oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin, la dagaalanka argagixisada, taakulaynta dhaqaale, xidhiidhka bulshada Afghanistan iyo in adeegyo qunsuliyadeed loo fidiyo muwaadiniinta Maraykanka eek u nool gudaha Afghanistan ama in laga caawino muwaadiniinta dalkaas ee doonaya inay Maraykanka u soo haajiraan.

    Istaraatejiyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in weli Maraykanku sii wadi doono inuu u hadlo xuquuqda dadka Afghanistan, gaar ahaan haweenka iyo hablaha.

    Masuuliyiinta Maraykanka ayaa ku adkaysanaya in xidhiidh diblomaasiyadeed oo lala yeesho Taliban, isla markaana cunaqabatanada laga qaado madaxda Taliban, inay ku xidhnaan doonto inay dib uga laabtaan siyaasadaha cadaadiska ku dhisan iyo inay sameeyaan xukuumad wadaag ah oo ay iska dhex aragto bulshada dalkaasi.

    Souece Voa

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Safaaradii Mareykanka ee Sacuudiga oo gubaneysa.

    March 3, 2026

    Iiraan ayaa Goordhow Sheegtay in ay Beegsatay Goobta Shaqada ee Ntnyahu & Taliyaha Ciidanka Israa’11l.

    March 2, 2026

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Safaaradii Mareykanka ee Sacuudiga oo gubaneysa.

    March 3, 2026

    Iiraan ayaa Goordhow Sheegtay in ay Beegsatay Goobta Shaqada ee Ntnyahu & Taliyaha Ciidanka Israa’11l.

    March 2, 2026

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.