Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Mareykanka oo Qunsuliyad ka furanaya Afganistan iyo Isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddii…

    Mareykanka oo Qunsuliyad ka furanaya Afganistan iyo Isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddii…

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maraykanka ayaa si taxader leh uga fekeraya, inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, isaga oo aan wax aqoonsi ah u fidinin xukuumadda Taliban ee dalkaas maamusha, sida ku cad warbixin istaraatejiyadeed oo ay baahisay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku.

    Tallaabadan uu qaadayo Maraykanku ayaa u muuqata, isbedel weyn oo ku yimi siyaasaddii Maraykanka ee ku wajahnayd ururka Taliban, iyada oo haatan uu Maraykanku ka fikirayo inuu maamulkaas kula macaamilo, siyaasad xadidan, oo looga danleeyahay lagu gaadho arrimo dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidha.

    Warbixintan oo loogu magacdaray, istareetejiyadda isku dhafan ee dalka Afghanistan, oo la meelmariyey bishii October ee sannadkii hore, ayaa dhigaysa, in Maraykanku uu doonayo inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, iyada oo lagu sheegay qoraalkaas, in taageero loo muujinayo shaqada ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan, dadka la afduubo ama kuwa la xidho, si uu fursad ugu helo in la soo daayo muwaadiniin Maraykan ah oo si caddaalad darro ah dalkaas ugu xidhan.

    Markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Afghanistan, bishii August ee sannadkii 2021, waxaa Maraykanku uugebi ahaanba xidhay, safaaraddii ay ku lahaayeen Kabul, taasoo calaamad u ahayd, dhammaadka labaatan sano oo dalkaas uu ka socday dagaal daba dheeraaday iyo weliba iskaashi dhinaca siyaasadda ah oo Maraykanku la ahaa xukuumaddii Afghanistan.

    Tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyey, waxaa Maraykanku adeegsanayey, inuu hawlaha dalka Afghanistan ka wado safaaraddiisa ku taalla dalka Qatar, halkaas oo Maraykanku uu kulamo googoos ah kula yeeshay ururka Taliban.

    Warbixintan la sii daayey ayaa lagu sheegay, inaanu Maraykanku illaa haatan aqoonsanayn xukuumadda Taliban, inay tahay, dawladda sharciga ah ee ka jirta Afghanistan, haddana waxaa Maraykanku doonayaa inuu xukuumaddaas la jeeyo xidhiidho xadidan, si loo gaadho ayaa la yidhi, danaha Maraykanka iyo sidii loo fahmi lahaa in xukuumadda Taliban ay u diyaarsan tahay ama ay awood u leedhay inay fulin karto ballamaha lala galo.

    Istareetejiyadda cusub ayaa laga leeyahay illaa afar ujeedo oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin, la dagaalanka argagixisada, taakulaynta dhaqaale, xidhiidhka bulshada Afghanistan iyo in adeegyo qunsuliyadeed loo fidiyo muwaadiniinta Maraykanka eek u nool gudaha Afghanistan ama in laga caawino muwaadiniinta dalkaas ee doonaya inay Maraykanka u soo haajiraan.

    Istaraatejiyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in weli Maraykanku sii wadi doono inuu u hadlo xuquuqda dadka Afghanistan, gaar ahaan haweenka iyo hablaha.

    Masuuliyiinta Maraykanka ayaa ku adkaysanaya in xidhiidh diblomaasiyadeed oo lala yeesho Taliban, isla markaana cunaqabatanada laga qaado madaxda Taliban, inay ku xidhnaan doonto inay dib uga laabtaan siyaasadaha cadaadiska ku dhisan iyo inay sameeyaan xukuumad wadaag ah oo ay iska dhex aragto bulshada dalkaasi.

    Souece Voa

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.