Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee maraykanka ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu hoos u dhigo kicinta “xiisadda gobolka”.
Wada xidhiidh dhanka taleefanka ah oo dhex maray Antony J. Blinken iyo Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa dhinacyadu kaga wada hadaleen hawlaha gobolka.
“Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony J. Blinken ayaa la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka wada hadleen danaha amni ee Geeska Afrika, oo ay ka mid tahay in la yareeyo xiisadaha gobolka.” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay afhayeenka Aqalka Cad, Mathew Miller.
Maraykanka ayaana Madaxweyne Xasan ugu baaqay in uu awoodda saaro “la dagaallanka argagaxisada” sida warsaxafaadeedkaas lagu sheegay.
“in diirada la saaro ujeedooyinka la dagaalanka argigixisada, lana soo afjaro qorshayaasha lagu doonayo in lagu bedelo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS). Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.” Ayuu sheegay Mathew Miller.
Farriinta Mareykanku maxay ka dhigan tahay?

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo xiisad diblomaasiyadeed ay u dhaxaysay Soomaaliya Itoobbiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is afagarad ee Somaliland Itoobbiya kala saxiixdeen sannadkan horraantiisii.
Xiisaddaas ayaana gaadhay heer Soomaaliya, sida uu baahiyey La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ee idaacadda maxaliga ah ee Goobjoog in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.
Farriinta Maraykanka ayaana loo arkaa in ay daba socoto warka ah ka bixitaanka ciidammada Itoobbiya ee Sooomaaliya sida uu qabo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed.
“Laba arrimood dartood ayaa ku keenay Maraykanka, midi waa heshiiskii Itoobbiya iyo Somaliland oo dawladda diidday in khilaafkas laga wada hadlo, maadaama khilaafyada lagu xilliyo in la wada hadlo oo sidaan u arko diblomaasiyad xumo ah iyo ta hadda dhalisay oo ah midda ay Soomaaliya tidhi waa in ittoobbya ciidamadeedu naga baxaan” ayuu qabaa Wasiir Axmed Ciise Cawed.
Wasiir Cawed ayaana ku dooday in “Maraykanku ay rabaaan in ay xiisadddaas la qaboojiyo.
Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, ayaa waxa socda qorshe kale oo ciidamadaasi ku sii joogayaan sanad dheeraada, inkastoo magacooda iyo waajibaadkooduba wax iska badalayaan.
Haseeyee ciidamada Itoobiya qayb kama sii ahaan doonaan hawlgalka cusub, sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin
Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xilliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya.
Halka uu ka bilowday khilaafka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland kowdii Jannaayo si ay u hesho xeeb dhererkeedu dhan yahay 20-KM, ayaa Soomaaliya si weyn uga caraysiiyay, isla markaana xiisad weyn ka abuurtay gobolka.
Marka laga soo tago eedeymaha iyo hadallada kulul ee soo noqnoqday ee ka soo yeeray Soomaaliya, waxay sidoo kale arrintan u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waqti sii horreeyay ayuu ahaa markii Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, waxayna ku amartay safiirka Itoobiya iyo dublamaasiyiinta kale inay ka baxaan Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa sidoo kale lagu amray inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.
Dhawaan sida oo kale dawladdu Federaalku waxa ay amartay in la xidho qunsuliyaddii Itoobbiya ay ku lahayd Hargeysa, taas oo aan hirgelin.
Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen waxaa la sheegay in loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo gaaban gudaheed.
Si kastaba ha ahaatee, shan bilood ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay Heshiiska Is-afgaradka, ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin halka uu marayo iyo dhaqan-gelintiisaba.