Wararka ka imanaya dalka Qatar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Askarta milateriga Mareykanka ee ku sugan saldhigga weyn ee Al-cudeyd lagu amray inay halkaas isaga baxaan marka la gaaro caawa fiidkii.
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa saddex diblomaasi oo magacooda qariyey, ayaa sheegtay in tallaabadan deg deg ah ay ka soo baxday taliska sare ee ciidanka Mareykanka.
Al-cudeyd waa saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay gobolka Bariga Dhexe, waxaana ku sugan in ka badan 10,000 oo askar Mareykan ah.
Qorshaha bixitaanka ciidanka ku sugan saldhiga ayaa ku soo aadaya xilli suurgal tahay in Mareykanka weeraro dalka Iiraan, si uu u taageero dadka dhigaya bannaanbaxyada.
Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ayaa u sheegay Reuters in qorshaha Mareykanka yahay in qeyb qeyb loo raro askarta, balse uusan aheyn mid daad gureyn hal mar ah.
Ilaa hadda lama ogaan sababta rasmiga ah ee Mareykanka u qaadayo tillaabadan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar oo la xiriira qorshaha bixitaanka ciidanka.

