Maraakiibta badda ee Mareykanka ayaa soo riday 15 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Badda Cas ku ganeen Xuutiyiinta Yemen ee garabka ka helaya Iiraan.
Taliska Dhexe ee militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa maanta sheegay in isbahaysiga badda ee Mareykanku horkacayo ay mas’uul ka ahaayeen ka jawaabidda weerar culus oo ka yimid Xuutiyiinta, kaasoo lala eegtay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed intii u dhaxeysay aroortii 4am iyo 6:30am (01:00-03:30 GMT).
Diyaaradahan ayaa la sheegay inay khatar ku ahaayeen maraakiibta, ciidamada badda ee Mareykanka iyo maraakiibta isbahaysiga ee gobolka ayuu yiri taliska oo qoraal soo dhigay barta X.
“Ficilladan ayaa loo sameeyay si loo difaaco badda biyaha caalamiga ahna looga dhigo kuwo ammaan ah.”
Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka Twitter boggan
Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, oo lagu magacaabo Yahya Saree, ayaa sheegay in kooxda ay fuliyeen labo howlgal militari, kii koowaad oo lagu beegsaday markab xamuul oo Mareykanku leeyahay kaasoo marayay Gacanka Cadan.
Howlgalka labaad, ayuu Saree sheegay in dhowr kale oo militariga Mareykanku leeyihiin lagu beegsaday kuwaasoo ku sugnaa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Toddobaadkan dhexdiisa, ugu yaraan ilaa saddex shaqaale markab ayaa lagu dilay weerar ay Xuutiyiintu gantaallo u adeegsadeen oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, sida militariga Mareykanku sheegay, waana dhimashadii ugu horreysay ee lasoo sheegay tan iyo markii kooxdan Yemeniyiinta ay bilaabeen inay weeraraan maraakiibka maraya mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan iyagoo sheegay inay uga aargoosanayaan dagaalka Israa’iil ee Gaza.
Xuutiyiinta ayaa Arbacadii sheegtay weerarkan, oo lagu qaaday markab laga leeyahay dalka Liberia, uuna ka babbanayay calanka Barbados.
Isbahaysiga badda ee Mareykanku horkacayo ayaa biyaha baddan ka howlgalayay tan iyo December 2023 iyagoo isku dayayay inay ka hortagaan weerarrada Xuutiyiinta. Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale duqeeyay waxa ay ku sheegeen weerarrada Xuutiyiinta ee Yemen.
Maxay yihiin Xuutiyiinta?
Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.
Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .
Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.
Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray “Dhallinyarada Mu’miniinta ah”, taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go’doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.
Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.
Waxay la koreen nacaybka Israa’iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.
Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.
Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay “Al-Xaq”.
Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.
Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama “Imperialism-ka,” waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.
Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu’miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.
Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.