Trum oo hanjabaad hawada u mariyay Iiraan iskuguna yeeray kooxda Amniga Qaran ayaa weli qaadin tallaabo kaga dari karto dagaalka. Laakiin arrinta xusidda mudan ayaa ah in hanjabaaddiisii ay Iiraan xalay kaga jawaabtay gantaallo casri ah oo ay ku gubaysa Talaabiib, taasoo muujinaysa awoodda dheeriga ah ee Iiraan iyo sida ay u liitaan nidaamyada difaaca cirka ee gumaystaha Israa’iil.
Trump kama hadlin gantaalladii xalay ee Iiraan, taas badelkeedana saakay waxa uu ku kallahay inuu dadka la wadaago inuu calansaar ka sameynaayo labo goob oo muhiim ah.