Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maraykanka oo diiradda saaraya xabbad-joojin ay ku heshiiyaan Xamaas & Israaiil

    Maraykanka oo diiradda saaraya xabbad-joojin ay ku heshiiyaan Xamaas & Israaiil

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 22, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa shalay isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee caasimadda Masar sheegay inuu aaminsan yahay in wada hadallada ay Mareykanka, Qadar iyo Masar garwadeenka ka yihiin ay weli suurtogelin karaan heshiis xabbad-joojin ah oo u dhaxeeya dagaa-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Israa’iil.

    Wadahadallada Qadar ayaa waxaa udub dhexaad u ah xabbad-joojin lix toddobaad socota taasoo oggolaan doonta sii deynta 40 Israa’iiliyiin ah oo la haysto iyadoo lagu beddelanayo boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil, tanoo sidoo kale waddada u xaareysa in gargaar badan la geeyo Qasa oo macluul qarka u saaran.

    Blinken ayaa sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha ay shaqada wadaan, isla markaana la isu soo dhowaanayo, welina ay xoogga saarayaan heshiis lagu gaaro Dooxa.

    Wuxuuse xusay in weli ay jiraan caqabado balse wax walba ay suurtogal yihiin. Arrinta ugu weyn ee la isku mari la’yahay ayaa ah in Xamaas ay sheegtay in dadka ay qafaalatay ay keliya sii deyn doonto haddii la gaaro heshiis soo afjaraya dagaalka, halka Israa’iilna ay sheegtay inay arrintan tahay mid ku meel gaar ah.

    Dhanka kale, warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in madaxa sirdoonka Israa’iil David Barnea uu maanta u duuli doono Qadar si uu ula kulmo dhexdhexaadiyeyaasha.

    Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay inay maalmo kale oo dheeraad ah sii waid doonto duqeymaha isbitaalka alshifa ee magaalada Qasa. Xaruntan waa tan keliya ee caafimaad ee qeyb ahaan weli ka shaqeyneysa waqooyiga Gaza, muddo afar maalmood ayayna haatna ku socdaan duqeymaha.

    Israa’iil ayaa sheegtay in xaruntan ay hoy u tahay dagaalyahannada Xamaas, taasoo Xamaasna ay beenisay.

    Hore ayay Israa’iil u sheegtay in dhowaan ay gudaha iyo agagaarka isbitaalkan ku dishay 150 dagaalyahanno ah ayna qabatay 358 kale.

    Isha: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.