Maraykanka ayaa qaaday tallaabooyin uu ciidamada ka jooga Dalka Niger kula baxayo kaddib markii askartii ka joogtay Saldhigga Ciidanka Cirka Dalkaas ee 101 una dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Niamey kala baxay.
Washington ayaa qorshaheedu yahay in ugu dambeyn bartamaha bisha Nofeembar sanadkaan 2024 kala baxdo askarta ka joogta Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ee Niger taasina ay muujineyso in Maraykanka uu aqbalay codsigii horay uga yimid dhiggiisa Niamey.
Goobaha ay Askarta Ameerikaanka ah isaga baxeen waxaa durba la wareegay Ciidamada Dowladda Niger ee loo diyaariyay in ay si dhammeystiran ula wareegto mas’uuliyadda sugidda amniga goobahaas sida hadalka loo dhigay.
Xukuumadda Niger ayaa Bishii Abriil sanadkaan waxa ay amar buuxa ku bixisay in askarta Ameerikaanka ah isaga baxaan Dalkooda lana soo hormariyo ilaa 1,000 Askari, soo jeedintaas ayaa dhaqan-gashay marka la eego tallaabada Maraykanka uu shalay qaaday.
Niger waxa uu kamid noqday Dalalka Afrika ee inta badan dhibaatadu ku noqdeen isku dayada afgambi ama xukun marooqsiga waxa uu Dalkaan go’aan ku gaaray in uu iska saaro ajaanibta ku sugan si uu u qaado tallaabooyin uu wax kaga qabanayo arrimahaan.