Taageeradan ayaa laga sheegay, kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur iyo Sii-hayaha safiirka Mareykanka.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo kor u qaadista amniga qaranka.
Dhawaan ayay ahayd markii Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo ah dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo shaqeynaya, kuwaas oo awood u leh in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saxiixa heshiiskan is-afgaradka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo Geeska Afrika ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya 1-dii January ay wada galeen.
Heshiisku waxa uu Addis Ababa u ogolaanayaa in ay gasho badda cas si ay suurtogal u noqoto in la aqoonsado Somaliland.