Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Man United Oo Hadiyad U Dirtay Arsenal, Liverpool Ayay Ka Qabatay

    Man United Oo Hadiyad U Dirtay Arsenal, Liverpool Ayay Ka Qabatay

    By radiohalgan.comApril 7, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbarro niyad-jab ah la gashay Manchester United oo ay ku booqatay Old Trafford, waxaanay hoggaanka horyaalka u hannaysay Arsenal oo si buuxda ugu fadhiisatay halka Jurgen Klopp ay kooxdiisu kaalinta labaad usoo dhacday.

    Ciyaar ay Liverpool iska lumisay fursadihii ugu badnaa ee la diiwaangeliyo ee aanay ka faa’iidaysanin ayaa waxa ay ogolaatay in ay laba dhibcood ku lumiso Old Trafford, taas oo ka dhigan in labadii ciyaarood ee Manchester United ee xilli-ciyaareedkan ay lumisay afar dhibcood oo mid walba ay barbarro la galeen, halka sidoo kalena ay United ka reebtay tartanka FA Cup.

    Manchester United ayaa waqti hore ka naxsatay Liverpool oo daqiiqaddii labaad oo aan dhammaanin uu gool u dhaliyey Alejandro Garnacho, hase yeeshee waa laga diiday goolkaas iyadoo lagu qaaday inuu offisde ku jiray.

    Nasiibka ayaa mar kale caawiyey Liverpool oo iyagoo guul-darro isku qoray waqti ay dhamaadka ciyaartu uu dhamaad kusii dhowaa la siiyey rikoodhe diciif ahaa oo ay dood ka taagan tahay oo sabab u noqday inay dhibco ahaan la sinnaadaan Arsenal.

    Daqiiqaddii 23aad ayaa Liverpool ay hoggaanka ciyaarta la wareegtay markaas oo uu gool qurux badan u dhaliyey Luis Diaz kaddib fursado dhawr ahaa oo ay isaga iyo xiddigaha kooxdiisu khasaariyeen.

    Mohamed Salah ayaa laba jeer goolka hortiisa ka helay kubbado uu ku toogtay goolka balse uu dallacay halka mid kalena uu ku beegay goolahayaha oo laga badbaadiyey.

    Dominik Szozboszlai iyo Darwin Nunez ayaa sidoo kale lumiyey kubbado goolal loo ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, waxaanay labada kooxood ku kala nasteen iyadoo Liverpool hoggaanka ku haysa 1-0.

    Laakiin markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa uu isbeddel badan ku yimid Manchester United oo ay la wareegeen khadka dhexe iyagoo go’doon ka dhigay weeraryahannada Liverpool ee Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz oo ay ku qasbeen inay dhinacyada isku badiyaan.

    Shan daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad ayaa Jarell Quansah uu sameeyey qalad dilaa ah oo uu kubbad badhtamaha garoonka ugu dhiibay Bruno Fernandes iyadoo goolhaye Kelleher uu kasoo baxsanaa goolka, waxaana uu xiddiga reer Portugal ku toogtay goolka oo madhan oo uu shabaqa ku hubsaday.

    Darwin Nunez ayaa goolka hortiisa loo dhigay kubbad dahabi ahayd oo uu si kasta u dhalin karayey, laakiin laacibka reer Uruguay ayaa halkii uu dhinaca goolka u laadi lahaa usoo celiyey xagga dambe isaga oo aan ku talo-gelin inuu baas bixiyo.

    Daqiiqaddii 67aad ayaa Kobbie Mainoo uu gool qurux badan oo uu kubadda soo wareejiyey ku aamusiiyey Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-1. Laacibkan reer England ee carruurta ah ayaa xerada ganaaxa ku helay baas uga yimid Aaron Wan-Bissaka, waxaana inta uu is-wareejiyey uu ku toogtay goolka oo uu cidhifka kale kubadda ka sudhay shabaqa.

    Dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa Harvey Elliot uu lasoo galay kubbad xerada ganaaxa Manchester United waxaana qalad ku galay Aaron Wan-Bissaka iyadoo garsoore Anthony Taylor uu markiiba tilmaamay in la dhigo, waxaana ku taageertay VAR oo laga soo hubiyey.

    Mohamed Salah ayaa kubadda sallaxday oo lugta bidix darbad xooggan ku toogtay isaga oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Andre Onana oo bandhig fiican ka sameeyey ciyaartan.

    Luis Diaz ayaa uu nasiibku diiday markii uu goolka hortiisa ka helay kubbad waqtigii dheeraadka ahaa oo ay afar daqiiqadood dhaceen, waxaana ka dallacantay kubadda oo uu ku leexiyey goolka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Thierry Henry Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

    April 11, 2024

    Luis Enrique: Dagaal Ayaa Ka Dhici Doona Barcelona.

    April 11, 2024

    Man United Oo Dhaawac Ku Waayi Karta 9 Xiddig Kulanka Bournemouth

    April 11, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.