Close Menu
    What's Hot

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Man United Oo Hadiyad U Dirtay Arsenal, Liverpool Ayay Ka Qabatay

    Man United Oo Hadiyad U Dirtay Arsenal, Liverpool Ayay Ka Qabatay

    By radiohalgan.comApril 7, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbarro niyad-jab ah la gashay Manchester United oo ay ku booqatay Old Trafford, waxaanay hoggaanka horyaalka u hannaysay Arsenal oo si buuxda ugu fadhiisatay halka Jurgen Klopp ay kooxdiisu kaalinta labaad usoo dhacday.

    Ciyaar ay Liverpool iska lumisay fursadihii ugu badnaa ee la diiwaangeliyo ee aanay ka faa’iidaysanin ayaa waxa ay ogolaatay in ay laba dhibcood ku lumiso Old Trafford, taas oo ka dhigan in labadii ciyaarood ee Manchester United ee xilli-ciyaareedkan ay lumisay afar dhibcood oo mid walba ay barbarro la galeen, halka sidoo kalena ay United ka reebtay tartanka FA Cup.

    Manchester United ayaa waqti hore ka naxsatay Liverpool oo daqiiqaddii labaad oo aan dhammaanin uu gool u dhaliyey Alejandro Garnacho, hase yeeshee waa laga diiday goolkaas iyadoo lagu qaaday inuu offisde ku jiray.

    Nasiibka ayaa mar kale caawiyey Liverpool oo iyagoo guul-darro isku qoray waqti ay dhamaadka ciyaartu uu dhamaad kusii dhowaa la siiyey rikoodhe diciif ahaa oo ay dood ka taagan tahay oo sabab u noqday inay dhibco ahaan la sinnaadaan Arsenal.

    Daqiiqaddii 23aad ayaa Liverpool ay hoggaanka ciyaarta la wareegtay markaas oo uu gool qurux badan u dhaliyey Luis Diaz kaddib fursado dhawr ahaa oo ay isaga iyo xiddigaha kooxdiisu khasaariyeen.

    Mohamed Salah ayaa laba jeer goolka hortiisa ka helay kubbado uu ku toogtay goolka balse uu dallacay halka mid kalena uu ku beegay goolahayaha oo laga badbaadiyey.

    Dominik Szozboszlai iyo Darwin Nunez ayaa sidoo kale lumiyey kubbado goolal loo ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, waxaanay labada kooxood ku kala nasteen iyadoo Liverpool hoggaanka ku haysa 1-0.

    Laakiin markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa uu isbeddel badan ku yimid Manchester United oo ay la wareegeen khadka dhexe iyagoo go’doon ka dhigay weeraryahannada Liverpool ee Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz oo ay ku qasbeen inay dhinacyada isku badiyaan.

    Shan daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad ayaa Jarell Quansah uu sameeyey qalad dilaa ah oo uu kubbad badhtamaha garoonka ugu dhiibay Bruno Fernandes iyadoo goolhaye Kelleher uu kasoo baxsanaa goolka, waxaana uu xiddiga reer Portugal ku toogtay goolka oo madhan oo uu shabaqa ku hubsaday.

    Darwin Nunez ayaa goolka hortiisa loo dhigay kubbad dahabi ahayd oo uu si kasta u dhalin karayey, laakiin laacibka reer Uruguay ayaa halkii uu dhinaca goolka u laadi lahaa usoo celiyey xagga dambe isaga oo aan ku talo-gelin inuu baas bixiyo.

    Daqiiqaddii 67aad ayaa Kobbie Mainoo uu gool qurux badan oo uu kubadda soo wareejiyey ku aamusiiyey Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-1. Laacibkan reer England ee carruurta ah ayaa xerada ganaaxa ku helay baas uga yimid Aaron Wan-Bissaka, waxaana inta uu is-wareejiyey uu ku toogtay goolka oo uu cidhifka kale kubadda ka sudhay shabaqa.

    Dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa Harvey Elliot uu lasoo galay kubbad xerada ganaaxa Manchester United waxaana qalad ku galay Aaron Wan-Bissaka iyadoo garsoore Anthony Taylor uu markiiba tilmaamay in la dhigo, waxaana ku taageertay VAR oo laga soo hubiyey.

    Mohamed Salah ayaa kubadda sallaxday oo lugta bidix darbad xooggan ku toogtay isaga oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Andre Onana oo bandhig fiican ka sameeyey ciyaartan.

    Luis Diaz ayaa uu nasiibku diiday markii uu goolka hortiisa ka helay kubbad waqtigii dheeraadka ahaa oo ay afar daqiiqadood dhaceen, waxaana ka dallacantay kubadda oo uu ku leexiyey goolka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob

    February 9, 2026

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Thierry Henry Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

    April 11, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.