Ian Wright ayaa sharaxay waxa dhici doona marka ay Manchester United la ciyaareyso Liverpool kulan ka tirsan Premier League.
Gelinka dambe ee Axadda, kooxda Jurgen Klopp ee u safri doonta Old Trafford iyagoo raadinaya inay sii wataan hanashada koobkii 20aad ee heerka sare.
United ayaa diyaar u ah inay wax walba saxdo ka dib markii ay Guuldaro kala kulantay Chelsea ee Stamford Bridge habeenkii Khamiista.
Kooxda Erik ten Hag ayaa ku hogaaminayay 3-2 laakiin waxa ay ku dhamaatay 4-3 kadib markii Cole Palmer uu dhaliyay labo gool dhamaadkii ciyaarta.
Isagoo hadlayay kahor kulanka United vs Liverpool, weeraryahankii hore ee Arsenal iyo England Wright ayaa saadaaliyay kulanka.
“Waxaan u baqayaa Man United. Waxaan dareemayaa in Liverpool ay aad diirada u saari doonto sidii ay ahayd ciyaartii FA Cup-ka oo ay xitaa ka sii naxariis la’aan doonto”
“Waan ognahay in United ay noqon karto arxanlaawayaal, [Alejandro] Garnacho kaligiis wuxuu noqon doonaa khatar. Laakiin Liverpool waxay doonaysaa inay halkaas tagto oo ay dhigto booskooda.”
Wright ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waan ka walwalsanahay United sababtoo ah waxaan arki karaa dhuumasho kale oo weyn, waxaan arki karayay inay si fiican u dhuuntaan si aan daacad u noqdo”.
“Ma ahan in Old Trafford uu yahay meel laga sabsado sidii hore, Haddii Liverpool ay timaado oo ay madaxooda kor u qaadaan waxa ay dhibaato ku noqon doontaa Man United”.