Taageerayaasha ayaa ku qancsan Manchester City in ay ku digatay xiddigeedii hore ee Cole Palmer ka dib markii Chelsea lagu garaacay waqtigii dheeriga ahaa ee finalka Carabao Cup oo ay la ciyaareen Liverpool.
Chelsea ayaa ahayd kooxda laga fiican yahay kulankii Wembley Laakiin waxa ay heleen fursado furan iyada oo Palmer khasaariyay fursad cajiib ah.
Labada kooxood ayaa helay fursado badan iyada oo Blues ku fashilantay in ay ku guulaysato koobka.
kadib dhamaadkii ciyaarta Man City ayaa Baraha bulshada gaar ahaan boggooda βXβ soo dhigtay arin muran badan dhalisay.
Palmer, oo ka ciyaari jiray Etihad, ayaa loo bixiyay Naanaysta βCold Palmerβ xilli ciyaareedkan iyada oo loogu bixiyay daganaanta uu muujiyo marka uu cadaadiska dareemo.
Man City ayaa soo dhigtay ciyaarta kadib sawiro Emoji ah oo muujinaya baraf halka ay raaciyeen sawir qof xidha koofiyad kuna jira meel qabaw.

