Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxaa ugu muhiimsan in aad ku suxuurato bisha barakeysan ee Ramadaan ee nagu soo aaddan?

    Maxaa ugu muhiimsan in aad ku suxuurato bisha barakeysan ee Ramadaan ee nagu soo aaddan?

    By radiohalgan.comMarch 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Malaayiin Muslimiin ah oo ku nool daafaha caalamka ayaa ku dhow inay billaabaan bisha Ramadaan oo si weyn loo sugayo, Ramadaan waxa ay tahay bilaha ugu barakeysan taariikhda Islaamka.

    Waxay astaan u tahay markii Quraanka, maadaama ay tahay bishii uu soo degay Qur’aanka kariimka ah.

    Muddada soonka oo ah bisha oo dhan ayaa waxa ay tahay mid kamid ah shanta tiir ee Islaamka, waxa ay waajib ku gatan dhamaan muslimiinta kuwooda qaangaarka ah in ay gutaan acmaasha Bishan barakeysan.

    Inta lagu jiro Ramadaanka, sida caadiga ah waxaa Meesha ka baxaya jadwalka maalinlaha ah iyo cunnooyinka la cuno ee quraacda, qadada iyo cashada, taas oo beddelka la cuno cunnada afurka iyo suxuurta oo dad badan aysan xilliga suxuurta wax cunin.

    Kaliya dadka caafimaadkoodu wanaagsan yahay ayaa sooma si aysan ulasii kulmin khatar caafimaad, kuwa xanuunsan, carruurta aan qaan gaarin, haweenka uur leh, kuwa naaska nuujinaya ama dumarka caadada qaba iyo dadka safarka ah ayaa dhamaantood loo fudeydiyay iyaga oo afuri kara dibna kasoo celinaya.

    Haddaba cunto noocee ah ayaad u baahan tahay maadaama uu jadwalkaagu si guud is bedel ku imaanayo, si aad isaga ilaaliso tabar yarida adigoo gudanaya waajibaadka Ramadaanka iyo howlmaalmeedkaaga nolosha ee caadiga ah?

    Maxaa ugu habboon xilliga suxuurta?

    Ramadaan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Ramadaan

    Suxuurta waa cunnada ugu muhiimsan ee bisha Ramadaan, waana sunno in qofka muslimka ah uu soo tooso xilliga suxuurta si uu ugu yaraan xitaa wax u kabbado.

    Suxuurtu waxay ku saabsan tahay u diyaar garowga maalintaada soonqaad, cunista cunnada saxda ah waa muhiim si loo ilaaliyo nafaqada jirka iyo firfircoonida shaqsi ahaaneed.

    β€œNabigu NNKH waxa uu na faray suxuurta waxa uuna ku tilmaamay in ay barako ku jirto, waxaa kujirta barako cunno, sidoo kale Nabigu, waxa uu ku cel celiyay β€œku dadaala suxuurta”, ayuu yiri Shekh Suldaan Maxamed Muuse oo kamid ah culimada Soomaaliyeed.

    Waxa uu sii raaciyay in suxuurtu ay kamid tahay waxyaabaha khayriga ah ee ilaahay uu ummadda ku baaqi yeelay, iyo sidoo kale in la khilaafo ahlu kitaabka kale si soonkoodu uu keenna uga duwanaado.

    Soor

    XIGASHADA SAWIRKA,X

    Qoraalka sawirka,Soor

    Marka laga eego xagga dhakhaatiirta iyo dadka ku takhasusay culuumta nafaqeynta waxa ay faraan in cunnooyinka qaar ay muhiim u yihiin muslimiinta gudanaya waajibaadka bisha Ramadaan ee sooman.

    “Inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, si aad u dheelli tirto tamarta iyo nafaqooyinka uu jirku u baahan yahay maalintii, waa inaad cuntaa cuntooyinka qani ku ah borotiinka,, fiitamiinnada, iyo macdanta, waana inaad hubisaa inaad cabto biyo kugu filan,” ayuu yiri Ismet Tamer oo ka faallooda arrimaha nafaqeynta.

    Waxa uu ku talinayaa in la qaato suxuur fudud, caafimaad ah.

    “Kahor qorrax soo baxa, waxaad cuni kartaa waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo khudaarta, ukunta, yaanyada, iyo qajaarka. Intaa waxaa dheer, waxaad mar walba ku raaxaysan kartaa maraq, khudaar lagu sameeyay laguna kariyay saliid saytuun,” ayuu yiri.

    Daraasadaha qaarkood waxay muujinayaan in raashinka qar laga helo ilaha sida digirta, iyo galleyda ay kordhin kataan daganaan maskaxeed buuxda in ka badan 30%.

    “Sidoo kale waa inaad cabtaa cabitaan si aad u hesho qoyaan badan oo jirkaaga gala,” ayey ku taliyeen dhakhaatiirta iyaga oo ka digaya in la cunno ay cusbadu ku badantahay.

    Saxur

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Cunnooyinka cusbada badan ayaa kaa dhigi kara kuwo oon badan ku dareensiiya ama harraadsan, taasina waa waxa ugu muhiimsan ee ee aad mudnaanta siin karto si maalintaada soonqaad aadan u harraadin.

    Kafeeyada noocyadooda kal duwan waxa lagu taliyaa in laga fogaado waliba xilliga suxuurta si looga hortago harraadka waxaana habboon in la cabbo ku dhawaad laba ilaa saddex litir oo biyo ah inta u dhaxaysa afurka iyo suxuurta.

    Maalmo kooban ayaa ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ay Muslimiintu si weyn u sugayaan.

    Dunida Islaamka ayaa looga diyaar garoobaa Bishan iyadoo lagusoo dhaweeyo marxabbo iyo farxad maadaama ay ku asteysan bil cibaado oo muslimiinta kuweyn.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.