Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa meel-mariyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya , kaaso qaadanaya magaca (AUSSOM).
Wuxuu beddelaya howlgalka kumeel-gaarka ahaa ee ATIMS oo hadda ka jira Somalia
Howlgalka AUSSOM ayaa billaabanaya Jannaayo 2025, kaddib markii la meelmariyay qaab-dhismeedka iyo Istiraatiljiyadda howlgalka cusub
Hawlgalkan cusub ayaa waxaa la sheegay inay taageero gaar ah siin doonaan dawladaha kala ah; Masar iyo Jabuuti, kuwaasoo muujiyay rabitaankooda ah inay taakuleeyaan ciidamada uu ka koobnaan doono AUSSOM.
Sida la sheegayo howlgallkan AUSSOM oo u baahan doona iney meel mariyaan xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa qeyb ka noqon 12 kun oo oo askari, kuwaasoo DF ka taageeri doona xasilinta iyo amniga dalka.