Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Bagdaad Mudane Camaar Muuse Kaadim.
Labada duq magaalo ayaa ka wada hadlay horumarada iyo caqabadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo labadaba kasoo kabanaya colaado sokeeyay, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya labada shacab.
Yuusuf Madaale iyo Camaar Muuse la isla qaatay in lakala saxiixdo heshiis is-afgarad ku qotoma sidii dib loo bilaabi lahaa iskaashi iyo wada-shaqeyn dhw oo dhex mara labada Magaalo ee Muqdisho iyo Bagdaad.
Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hadiyado iyo shahaado sharaf kala duwan guddoonsiiyay duqa Magaalada Bagdaad Mudane Camaar Muuse Kaadim.