Xaafuun, waa magaaalo jasiirad u eke ah, oo leh ilbaxnimo gaarsiisan qarniyo iyo xadaarad ganacsi oo mar ahayd xudunta isku xirta ganacsiga Afrikada galbeed,Bari, Koofureed iyo dalalka Aasiya ilaa Yurub sida ay tariikhdu xusayso.
Magaaladan waa halka ugu danbaysa jihada bari ee adduunka, iyo halka iftiinka qorraxdu ugu soo hor baxo qaarada Afrika, ma jirto magaaalo ku taalla qaaradda oo dhul iyo bad-ba ka danbayeeya.
Sida ay xusayso taariikhdu magaaladan oo muddo la dagay an si rasmi ah loo ogayn, waxaa soo maamulay boqortooyooyin dunida maamulay sida tii Persia, tii Giriigga, Cismaaniyiintii,mid kasta oo ka mid ahaa waxay magaaladan u yaqaaneen magac gooni ah sida uu BBC-da u sheegay Dr Saadiq Eenow oo ah taariikhyahan.
Taariikhdeeda faca weyn ayaa Xaafuun ka dhigaysa mid ku xiriirsan in xitaa gumaystayaashii reer Yurub ay ku hardamen oo dagaal uu ku dhexmaray.
Laakiin nuxurka sheekadan maha taas, ee waxaan eegaynaa taariikhda Cusbada deegaankan oo ah mid qarni ku dhawaad taallay deegaanka.
Cirifka bari ee magaalada, marka aad masaafo dhanka dhulka ku socoto 28-KM waxaa indhahaagu qabanayaan bannaan siman oo tuurar cad cad leh, haddiise aad dul tagto oo wax yar ka mida aad dhadhimso waa wax aad u dhannaan.
Tani waa cusbo dad samee ah oo ka dhalatay markii biyaha badda loo leexiyey dhul bannaan ka dibna loo adeegsaday waxlo iyo kulaylka qoraxda ayaa biyihii uumi baxaan baaqigii harayna waa cusbo nadiifa.
Halkaas subax kasta waxaa yimaada xoogsato ka gurta cusbada si ay ugu iibgeeyeen deegaanno kale oo noloshooda ugu maareeyan balse iyagu samayskeeda waxba kuma darsan.
Wax soo saarkoodu waa mid le’eg tabartooda maadama aysan haysan qalab caawiya iyo imkaaniyaad u sahla inay cusbo xaddi badan dhoofiyaan.
Balse iyaga awoowayaashood ayaa helay fursad deegaankooda ay kaga dhigeen meesha kowaad ee adduunka ugu horeysa ee cusbo laga dhoofiyo sanadki 1930-kii ilaa 1932-dii, laakiin nasiib darro iyaga laftoodu waxay shaqaale u ahaayeen gumaystihii Talyaaniga oo gumaysanayey deegaanka qarnigii 15-aad.
Warshadii Cusbada ee Xaafuun
“Xaafuun xarunta milixda ugu weyn adduunka” wuxuu ahaa cinwaanka maqaal ku soo baxay wargayska L’Illustrazione Italiana, oo ahaa mid maalinle ahaa oo ka soo bixi jiray magaalada Milan ee Talyaaniga sandkii 1873 ilaa 1962kii.
Maqaalka wargaysa oo la daabacay 20-kii Luulyo sanadkii 1930-kii ayaa ahaa in xarunta cusbada ee “Dante” o “Martello”, ama Xaafuun, ay ahayd meesha ugu weyn ee caalamka cusbo laga soo saaro
Wax yar ka dib dagaalkii koowaad ee aduunka, Talyaanigu waxa ay xaqiiqsadeen in gacanka Xaafuun, oo leh xeeb dheer oo ku taal dhinaca barriga, ay tahay meel ku habboon in laga sameeyo milix badan. “Shaqooyinka cusbada iyo warshadaha laga dhisayey gaar ahaan gacanka Raas Xaafuun (Xaafuun iyo Hurdiyo) oo noqon lahaa shaqada ugu weyn ee cusbada adduunka.
Shirkadda, oo lagu aasaasay Milan 1922, waxaana la qorsheeyey in magaalada qadiimkaa ee Xaafuun oo ay degganaayeen ilaa shank un ruux laga dhiso warshada. Waxaa Talyaanigu ugu yeeri jireen “Dante”.
Dhismaha warshada cusbada ee Xaafuun waxa uu bilaabmay 1922kii. waxana la dhameeyey 1929kii.
Maalgalinta mashruucan waxaa iska kaashaday dowladdihii Fashistayaasha ee Talyaniga iyo Japan sida uu BBCda u sheegay Dr. Saadiq Eenow oo ah taariikhyahan.
Warshada cusbada ee Xaafuun, waxay xilligaas ahayd mid leh tijnoolajiyadii ugu saraysay ee warshadi adeegsato. Warashada waxaa sidoo kale ka howlgalayey xilligaas shaqaaihi ugu badnaa ee ka shaqeeya warshada ku taalla bariga Afrika.
Sida uu BBCda u sheegay Dr. Eenow, ilaa shan kun oo shaqaale ayaa subaxkasta u shaqa tagi jirtay warshadaa kuwaas u qaybsan dadka deegaanka iyo kuwa laga keenay wadamada Afrika ee Talyanigu xilligaas gumaysanayey.
Maadama halkan xuddun u noqotay wax soo saar leh ahmiyad weyn, Talyaanigu wuxuu dhisay wado xiriirisa badda iyo xarunta warsahada oo qiyaastii dhowr kilomter u dhaxeeyaan si uu cusbada warshada ugu dhoofiyo caalamka si joogta ah.
Tiirar shub ah ayaa laga qotomiyey gudaha badda ka dibna waxaa lagu xiray xargo bir ah oo waaweyn kuwaas oo ay ku xirmayeen wiishash warshada ka soo qaada cusbada dabadeedna gaarsiinaya Markab taagan gunta badda.
Ilaa shan Markab oo nooca xamuulka qaada xilligoodiina ugu waaweynaa ayaa maalintii cusba ka qaadi jiray Xaafuun sida uu BBCda u sheegay taariikhyahan Dr. Eenow.
Sanadkii 1934kii, warshada cusbada ee Xaafuun, waxay soo saartay in ka badan 200,000 metrik ton oo milix ah, kuwaas oo intooda badan loo dhoofiyay Hindiya, Bariga Fog Aasiya iyo Yurub.
Sida Taarkiihdku xusayso 1942-dii. Dagaalkii labaad ee dunidda,Xaafuun, waxay wajahday loolankii Ingiriiska iyo Talyaaniga, markaas oo Ingriisku weeraray Talyaaniga oo dagaal dhanka cirka iyo badda ayaa ka dhacay magaalada kaas oo aakhirkii suura galiyey in gacanta Ingiriiska ku dhacdo.
Warshadii cusbada ee Xaafuun, ayaa ku burburtay dagaalka, iyadoo si
Sidoo kale Talyaaniga ayaa Xaafuun ka hirgaliyey warshadii biyaha macaan soo saari jirtay, xarun koronto, iskool, cisbitaal iyo kaniisad ay dad shaqaalaha ah ee ajabintaa ku cibaadaysan jireen.
Sida hadda ay tahay wax soo saarka cusbada ee Xaafuun iyo halka ay ku ku danabysay warshadii
Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Saadiq Eenow, markii uu dhacay dagaalkii labaad ee dunida ee loolanka xooggani dhexmaray Ingiriiska iyo Talyaaniga, dowladdii Rome, ee Fashistaha ahayd ayaa looga adkaaday inta badan dhulka Soomaalida oo galay gacanta Ingiriiska.
Ingiriiska oo u arkayey Xaafuun, isha dhaqaale ee Talyaaniga ayaa burburiyey warshada dabayqayadii dagaalki labaad ee dunida sida uu BBCa u sheegay Dr, Eenow.
Yuusuf Cabdilaahi Caraale, waa 65 sano jir ku nool Xaafuun, waa macallin iyo darse taariikhda deegaankaas oo ka guntay waayeel xilligaas joogay Xaafuun markii warshada cusbadu ahayd mid shaqaysa.
Wuxuu BBC-da u sheegay in Talyaanigu xilligaas magaalada ka dhisay warshada Cusbada, Iskool, Isbitaal, xarun koronto iyo warshad biyaha macaan soo saarta, kuwaas oo dhammaan ku burburay markii sida uu xusay Ingiriisku weeraray Talyaanigii joogay Xaafuun sanadkii 1942-dii.
Warshadii mar ahayd tan ugu wax soo saarka badan xagga cusbada caalamka hadda waxaa ka muuqda haraadiga dhismayaashii shubka ahaa ee badda iyo barigaba ka taagan laakiin qalabkii ay isticmaalaysay wax la intifaacsado kuma harin.
Sanyare, wuxuu intaa ku daray nasiib darrada jirtaa ay tahay in waxaas oo dhan laga hayo taariikh uun an waliba la qorin.
Hurdiya, halkii xuddunta u ahayd wax soo saarka cusbada waxaa Iyana ku haray buuro yar yar oo cusbaa.
“Cusbada hadda wax sidaas u weyn lagama soo saaro, xooggaa loo raro magaalooyinka iyo qaar la siiyo xoolaha maahee wax soo saar waagaas la mida ma jiro” ayuu yiri Sanyare.
Waxaa intaa dheer in xoogsatadda cusbadu ay mararka qaar la kulmaan khataro naftooda halis galiya sida inay ku soo dunto iyagoo qodaya sida uu BBC-da u sheegay Yuusuf Caraale.
Qiimaha jawaanka ayaana jooga wax ka yar tobbon dollar, heeka ka faa’iidaysiga khayraadkaas ceegagag deeegaanka waa mid hooseeya
Saddexd jiil oo is dhalay oo reer Xaafuuna, midna si dharag leh uma dhadhim natiijada khayraadkaas, mana jirin dowladihii Soomaaliya oo si la mida gumaystihii Talyaaniga ugu faa’iidaystay khayraadkaas.