Madaxweynahii Koowaad ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble ayaa Barta Facebook iyo X. Twitter ku qoray ayaa yiri Puntland ayadoo ka fa’iideysaneysa go’aankii ay Reer Somaliland qaateen 1991 ee ahaa gooni isu taaga ayey xilligii uu socday shirweynihii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Kenya shuruud ka dhigtay iney dowlad dhiska Soomaaliya ka qeyb qaadaneyso oo keliya haddii dalka lagu maamulayo nidaam federaal.
Dowladda Itobiya ayaa weliba qasab kaga dhigtay hogaamiye kooxeedyadii iyo beelihii shirka ka qeyb galayay in la aqbalo nidaamka federaalka.
Su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa wexey tahay xagee ayey salka ku heysay maxeyse aheyd ujeedka loo dhisay Puntland markeedi hore?
Si su’aashaa loogu helo jawaab aan dib u xasuusanno fikirkii ay Majeerteenku gadeen xilligii uu dalka qaatay xornimada, taasoo aheyd in awood qeybsigu ku dhisnaado Irir iyo Daarood.
Irirna loola jeeday Hawiye iyo Isaaq aanba wax aqoon ah isu laheyn.
Fikraddas ayaa saldhig u noqotay awood qeybsigii siyaasadda sannadihii lixdameeyadii ama ka hor curashadii dowladdii Kacaanka.
Awood qeybsigii Irir iyo Daarood wuxuu suurta geliyay iney Majeerteen helaan laba ra’iisulwasaare oo isku xiga, halka ay Reer Waqooyi oo uu hor kacayay M I Cigaal ay bannaan cidla ah ku soo dheceen.
Tixgelin la’aantii ku dhacday gobolladii waqooyi ee xornimada ka hor qaatay koofur waxaa u sabab ahaa ayadoo la yiri Hawiye iyo Isaaq waa isku qoonde oo islama noqon karaan madaweyne iyo ra’iisulwasaare, taasoo micnaheeda uu ahaa hadduu madaxweynaha yahay Hawiye waa inuu ra’iisulwasaaraha noqdaa Daarood oo loola jeeday Majeerteen. Waana sida ay xilligii madaxweyne Adan Cabdulle Cismaan reer Majeerteen laba jeer ku heleen ra’iisulwasaare. Marna Rashid marna Rasaq!
Waxaa isla fikraddaa oo gedisan ku shaqeeyay madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmaarke oo markii la doortay durbaba ka dhigtay ra’iisul wasaare hogaamihii waqooyi mudane M I Cigal, taasoo dhanka kalena cashar practical ah u aheyd reerka Isaaq oo lagu dareensiinayay hadduu Hawiye dalka madaxweyne ka noqdo ineysan arkeyn raiisulwasaare dantooduna ku jirto iney Daarood (Majeerteen) ku siyaasad noqdaan.
Haddey dowladdii dalka burburtay oo ay reer waqooyi gocashadii hore u wehelisay siduu Siyad Barre ula dhaqmay wexey go’aansadeen iney gooni isu taagaan, ayadoo uu caqliga ku tusayo haddii la isu soo laabanaayo waxa keliya ee ay aqbali doonaan iney tahay in wax lagu qeybsado labadii gobol ee waqooyi iyo koofur.
Reerkii markii horeba ku aflaxay fikraddii Irir iyo Daarood ayagoo ka cararaya in awood qeybsiga uu noqdo Koofur iyo Waqooyi wexey sameeysteen maamulka la magac baxay Puntland. Shirkii ugu horreeyay ee Soomali lagu heshiisiinayayna wexey ayagoo kaashanaaya Itoobiya sandulle ka dhigeen in la qaato nidaam federaal.
Ku talagalka ah ineysan dunida aqbali doonin iney Soomaaliya kala go’do iyo in ugu dambeyntii Somaliland la soo fariisin doono miiska wada hadalka ayaa saldhig u ahaa in la qaato nidaamka federaalka ay reerkaasi sanka ka geliyeen Soomaali inteedii kale, ayadoo weliba uu ku tala galka yahay haddii ay dhacdo in Somaliland la keeno in miiska la soo fariisiyo ayadoo loo aqoonsan yahay oo keliya iney la miisaan tahay Puntland balse si aansn miiska loo keenin awood qeybsi ku dhisan waqooyi iyo koofur.
Markey reer Somaliland sii fogaadeen, dalka intiisii kalana laga hirgeliyay nidaam federaal, Puntland wexey xeer ka dhigatay saddex dhaqan oo kala ah (a) iney u dhaqanto sida dowlad ka madax bannaan dowladda dhexe (b) iney ku qasabto dowladda dhexe wexey dooneyso sida Garowe 1 iyo 2 iyo (3) iney haddii labadaa hore laga diido ay tiraahdo xiriirkii ayaan u jarnay dowlaada federaalka.
Dowladda federaalka ayaa dhankeeda aqbashay iney Puntland ula dhaqanto sida dowlad la mid ah ayadoo ka carareysa buuq siyaasadeed oo keena (1) iney Somaliland hesho fursad lagu aqoonsado iyo (2) iney adkaato iney TFG ka baxdo ku meel gaarka.
Dowladdii federaalka ee ay Soomaali u han weyneyd ayaa sidaa ku noqotay mid u afduuban (hostage) Puntland.
Puntland wexey ceel dheer ku ridday isu soo dhawaansho iyo is faham siyaasadeed inuu dhex maro Somaliland iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo suurta gelin kara in midnimadii la soo celiyo wexeyna mar walba ku andacoota ineysan aqbali doonin heshiis kasta ee lala galo Somaliland haddeysan Puntland goobjoog aheyn.
Haddaba Puntland maxey dooneysaa?
Puntland waxaa sii la’anaya sida Soomaali badankeedba odayashii rug cadaaga ahaa waxaana u soo baxay waqtiga la joogo dhallinyaro sidey gym iyo jirdhis ugu jireen yeeshay murwo waaweyn oo muraayadda hadba dhinac isaga eega, wexeyna taagan tahay ama Somaliyaa burbureysa ama teydaa lagu dhaqmayaa.
Wexey si bilaa xishood ah dacaayad ula taagan tagay Xamar caasimad ma noqon karto oo micnaheedu yahay aan dacaayadda joojiyee saan rabo yeela.
Taladeyda
Ama Puntland yac ha la iska yiraahdo ama waddanka ha laga beddelo magaca Soomaaliya oo ha loo bixiyo Puntland.
Aan isu kaa sheego. Ma caqli badni laakin munaafaq maahi.
Ama aan Puntland ku wada dayano ama aan qaran dhab ah noqonno. Labeeb tilmaan rag maaha oo dumarkaa neceb.
Waan hubaa dhallinyaro badan oo reer Puntland ah isma weydion doonaan waxa qoraalkaan ka jira ee wexey uga fal celin doonaan aflagaado iyo jawaabo raqiis ah.
Qof walba garaadkii ha hadlo, midna ogow naceb reer ma qabo balse waxaan qabaa in run la isu sheego.