Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa la geeyay goob caafimaad oo ku taalla Magaalada Merowe ee Waqooyiga Dalkaas si loo daweeyo sida ay sheegeen qareenkiisa iyo saraakiil kale oo katirsan Dowladda.
Al-Bashiir oo da’diisu tahay 80 sano waxaa la xiray 16kii Juun sanadkii 2019, waxa uu bilihii lasoo dhaafay la dhibaateysnaa xannuuno kala duwan oo intooda badan u baahan in si joogta ah looga warqabo loona hubiyo.
“Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir waxaa loo wareejiyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Merowe ee Waqooyiga ku taalla, xaaladdiisa ma darno balse si joogto ah ayuu u baahan yahay in la hubiyo oo loola socdo” Ayuu yiri Qareenkiisa.
Cumar Al-Bashiir oo raadineysa Maxkamadda Dambiyada dagaalka ee hoostagta Qaramada Midoobay ayaa dhowaan laga hor istaagay dabalkeeda la xiriira in lagu wareejiyo Ninkaan si loogu gudbiyo Maxkamad sida ay sheegtay.
Ciidanka Dowladda ee dagaalka kula jira Kooxda RSF ayaa Magaalada Khartuum ka fogeeyay waxyaabo badan sida xafiisyada Dowladdu ku shaqeyso, Dadka u xiran iyo xubno kale si aanay u saameyn dagaallada ka socda Magaaladaas.