Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Safirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Waxaan maanta kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya U.S. Embassy Mogadishu, ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed.
Waxaan dhinaca kale uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay dalkeenna ka siiso dhincyadda Ammaanka, la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadanimo.