Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Taariikhda”Madaxweynihii Afrikaanka ahaa ee Addis Ababa uga badbaaday iskudayga dil xilli uu ku sii jeeday xarunta shirka Midowga Afrika

    Taariikhda”Madaxweynihii Afrikaanka ahaa ee Addis Ababa uga badbaaday iskudayga dil xilli uu ku sii jeeday xarunta shirka Midowga Afrika

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 18, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay qortay warbaahinta Masar iyo qaar kamid ah wakaaladaha warar ee dunida, sanadkii 1995 tii, madaxweynihii hoe ee Masar Xusni Mubarak ayaa ka badbaaday iskuday dil isaga ku sugna gudaha caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

    Koox hubaysan ayaa wadada u galay waxayna rasaas ku fureen kolonyadii galbineysay, xilli uu u sii socday xarunta uu ka dhacayay shirka madaxda Afrika ee ka qayb galayay kulan ay Midowga Afrika lahaayeen.

    Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah falka ayaa ka dhacay meel u dhaw safaaradda Falastiin, oo aan sidaasna uga fogayn garoonka diyaaradaha. Wuxuu ku bilowday laba gaari oo wada halmar ku soo baday, kadib rasaas aan kala joogsi lahayn ooda ka qaaday. Ilaaladii Mubarak hal gaari ayay isku aruursadeen, halka ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay rasaas jawaab celin ah fureen.

    In kasta oo gaariga uu saarnaa ay xabado ku dhaceen, hadana isaga oo wax dhib ah ama dhaawac ah ma gaarin. Isla markiiba hoygii magaalada uu ka daganaa ayu uku noqday, isaga oo shir uu ku qabtay garoonka diyaaradaha uga warrmaya sida ay wax u dhaceen, iyo sida ay rasaas ugu dul hoobatay gaariga aan xabadu Karin ee uu saarnaa.

    “Waxaan ka war helay gaariga buluug ah oo nalugu hor jaray iyo qof ka soo booday. Kadibna rasaas ayaa ooda nalooga qaaday…waxaan xaqiiqsaday in rasaastu ay gaadiidka aan saarnahay ku dhacayso,” ayuu yiri Xusni, isaga oo sheegay in uu indhihiisa ku arkay ragii soo weeraray.

    Maalinkaas habeenkeedii ayay dawladda Itoobiya a hadashay dhacdada, iyada oo sheegtay in ilaa sagaal nin oo Carab ka soo jeeday ay weerarka fuliyee, laba ka mid ahna la dilay. Sidoo kale waxay xogta ku dareen in laba askari oo Itoobiyaan ah meesha lagu dilay.

    Xusni wuxuu dhankiisa sheegay in shan ilaa lix nin ay weerarka fuliyeen, saddex ka mid ah ilaaladiisana meesha lagu dilay.

    Markiiba waxaa tuhan wayn laga qaaday in ay falkaas ku lug lahaayeen kooxdii islaaiyiinta ahayd ee dooneysay in xukunka kala wareegto, horayn dagaallo ula galay xukuumadiisa. Sidoo kale waxaa la tuhmay in Sudaaniyiintu ay ku lug lahaayeen, xilligaas oo Maraykanka iyo Masarba ay eedeymo u soo jeediyeen.

    Mursi ayaa markii uu qabanayay shirka jaraa’id waxa uu muujiyay in Sudan ay ku lug yeelan karto dhacdada. Mar uu wariye waydiiyay “in waddan dariska ah” uu ku lug yeelan karo dhacadada ayaa yiri: “ma suudaan ayaan ula jeedaa? Waa suragal, aad ayay suuragall u tahay.

    Balse wasiirkii arimaha dibadda ee Sudan ee xilligaas ayaa diiday in ay wax lug ah ku lahaayeen dhacdada, waxa uuna sheegay “sida ay uga xun yihiin wixii dhacay”.

    Qof sheegtay in uu ka tirsan yahay Kooxda hubaysan ee Kacaan Islaamiga ah ee Curtay ayaa soo wacay wakaalada ah caalamiga ah xafiisyada ay ku leeyihiin Qaahira, waxa uuna amaan kala dul dhacay kooxdii weerarka gaysatay.

    Markii uu hadalka dhamaystay ayuu jaray taleefankii isaga oo aan wax su’aal ah uga jawaabin wariyaashii uu soo wacay.

    Addis Ababa

    Mubaarak ayaa dalka masar dib isaga laabtay, waxaana ka galbiyay garoonka diyaaradaha ee dalkiisa waardiye aad u badan. Sidoo kale xilligaas waxaa dalka ka maqnaa labadii wiil ee u dhalay iyo xaaskiisii.

    Wariyayaasha ayaa sidoo kale su’aalo ku harqiyay isaga oo ku sugaan garoonka diyaaradaha.

    “Wax walba oo dhaca masar ma gilgili karaan mana ka niyad jabeyno inaan la dagaalano argagixisada,” ayuu yiri. “Sida aad arki kartaan waan fiicanahay amnigaynu waa fiican yahay. Waligeyba Alle ayaan aaminsanaa, in uu I ilaalinayana waan aaminsanaa.”

    Dhanka kale Israa’iil ayaa ka hadashay shirqoolka uu ka badbaaday Mubarak, iyada oo wasiirkoodii arimaha dibadda ee xilligaas, Shimon Peres uu sheegay in uu ku farxay in uu isku day dil ka badbaaday Mubarak.

    “Waan ku farxay Mubaarak waxaba ma gaarin waxa uuna sii ambaqaadi doonaa hugaamintiisii muhiimka ahayd,” ayuu yiri. Sidoo kale ra’iisul wasaarihii Israa’iil ee xilligaas Yitzhak Rabin, ayaa cambaareeyay dhacdada, isaga oo ku eedeeyay “kooxaha xagjirka ah”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.