Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Taariikhda”Madaxweynihii Afrikaanka ahaa ee Addis Ababa uga badbaaday iskudayga dil xilli uu ku sii jeeday xarunta shirka Midowga Afrika

    Taariikhda”Madaxweynihii Afrikaanka ahaa ee Addis Ababa uga badbaaday iskudayga dil xilli uu ku sii jeeday xarunta shirka Midowga Afrika

    By radiohalgan.comFebruary 18, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay qortay warbaahinta Masar iyo qaar kamid ah wakaaladaha warar ee dunida, sanadkii 1995 tii, madaxweynihii hoe ee Masar Xusni Mubarak ayaa ka badbaaday iskuday dil isaga ku sugna gudaha caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

    Koox hubaysan ayaa wadada u galay waxayna rasaas ku fureen kolonyadii galbineysay, xilli uu u sii socday xarunta uu ka dhacayay shirka madaxda Afrika ee ka qayb galayay kulan ay Midowga Afrika lahaayeen.

    Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah falka ayaa ka dhacay meel u dhaw safaaradda Falastiin, oo aan sidaasna uga fogayn garoonka diyaaradaha. Wuxuu ku bilowday laba gaari oo wada halmar ku soo baday, kadib rasaas aan kala joogsi lahayn ooda ka qaaday. Ilaaladii Mubarak hal gaari ayay isku aruursadeen, halka ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay rasaas jawaab celin ah fureen.

    In kasta oo gaariga uu saarnaa ay xabado ku dhaceen, hadana isaga oo wax dhib ah ama dhaawac ah ma gaarin. Isla markiiba hoygii magaalada uu ka daganaa ayu uku noqday, isaga oo shir uu ku qabtay garoonka diyaaradaha uga warrmaya sida ay wax u dhaceen, iyo sida ay rasaas ugu dul hoobatay gaariga aan xabadu Karin ee uu saarnaa.

    β€œWaxaan ka war helay gaariga buluug ah oo nalugu hor jaray iyo qof ka soo booday. Kadibna rasaas ayaa ooda nalooga qaaday…waxaan xaqiiqsaday in rasaastu ay gaadiidka aan saarnahay ku dhacayso,” ayuu yiri Xusni, isaga oo sheegay in uu indhihiisa ku arkay ragii soo weeraray.

    Maalinkaas habeenkeedii ayay dawladda Itoobiya a hadashay dhacdada, iyada oo sheegtay in ilaa sagaal nin oo Carab ka soo jeeday ay weerarka fuliyee, laba ka mid ahna la dilay. Sidoo kale waxay xogta ku dareen in laba askari oo Itoobiyaan ah meesha lagu dilay.

    Xusni wuxuu dhankiisa sheegay in shan ilaa lix nin ay weerarka fuliyeen, saddex ka mid ah ilaaladiisana meesha lagu dilay.

    Markiiba waxaa tuhan wayn laga qaaday in ay falkaas ku lug lahaayeen kooxdii islaaiyiinta ahayd ee dooneysay in xukunka kala wareegto, horayn dagaallo ula galay xukuumadiisa. Sidoo kale waxaa la tuhmay in Sudaaniyiintu ay ku lug lahaayeen, xilligaas oo Maraykanka iyo Masarba ay eedeymo u soo jeediyeen.

    Mursi ayaa markii uu qabanayay shirka jaraa’id waxa uu muujiyay in Sudan ay ku lug yeelan karto dhacdada. Mar uu wariye waydiiyay β€œin waddan dariska ah” uu ku lug yeelan karo dhacadada ayaa yiri: β€œma suudaan ayaan ula jeedaa? Waa suragal, aad ayay suuragall u tahay.

    Balse wasiirkii arimaha dibadda ee Sudan ee xilligaas ayaa diiday in ay wax lug ah ku lahaayeen dhacdada, waxa uuna sheegay β€œsida ay uga xun yihiin wixii dhacay”.

    Qof sheegtay in uu ka tirsan yahay Kooxda hubaysan ee Kacaan Islaamiga ah ee Curtay ayaa soo wacay wakaalada ah caalamiga ah xafiisyada ay ku leeyihiin Qaahira, waxa uuna amaan kala dul dhacay kooxdii weerarka gaysatay.

    Markii uu hadalka dhamaystay ayuu jaray taleefankii isaga oo aan wax su’aal ah uga jawaabin wariyaashii uu soo wacay.

    Addis Ababa

    Mubaarak ayaa dalka masar dib isaga laabtay, waxaana ka galbiyay garoonka diyaaradaha ee dalkiisa waardiye aad u badan. Sidoo kale xilligaas waxaa dalka ka maqnaa labadii wiil ee u dhalay iyo xaaskiisii.

    Wariyayaasha ayaa sidoo kale su’aalo ku harqiyay isaga oo ku sugaan garoonka diyaaradaha.

    β€œWax walba oo dhaca masar ma gilgili karaan mana ka niyad jabeyno inaan la dagaalano argagixisada,” ayuu yiri. β€œSida aad arki kartaan waan fiicanahay amnigaynu waa fiican yahay. Waligeyba Alle ayaan aaminsanaa, in uu I ilaalinayana waan aaminsanaa.”

    Dhanka kale Israa’iil ayaa ka hadashay shirqoolka uu ka badbaaday Mubarak, iyada oo wasiirkoodii arimaha dibadda ee xilligaas, Shimon Peres uu sheegay in uu ku farxay in uu isku day dil ka badbaaday Mubarak.

    β€œWaan ku farxay Mubaarak waxaba ma gaarin waxa uuna sii ambaqaadi doonaa hugaamintiisii muhiimka ahayd,” ayuu yiri. Sidoo kale ra’iisul wasaarihii Israa’iil ee xilligaas Yitzhak Rabin, ayaa cambaareeyay dhacdada, isaga oo ku eedeeyay β€œkooxaha xagjirka ah”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.