24 Juun 1812 ayuu Napoleon Bonaparte kala gudbay xuduuda wabiga Neman, ciidankiisa Grande Armée, si’uu usoo qabsado Ruushka oo ballamo uga baxay, uguna soo dhigo cashar Czar Alexander 1, boqorkii Ruushka.
Qaar kamida wasiiradiisi ayaa udigay oo kuyiri Ruushku waa dal ballaaran mana wada qabsan karno, balse Napoleon oo ahaa nooca insaanka u sameysan inuu mar walba isla saxsan yahay, wuxuu yiri guushu waaba ii muuqataa, Ruushna waa dad aan laheyn disibiliin.
Wuxuu doortay wakhtiga xagaaga si’uu caws ugu helo 150 kun faras ee ciidanku wattay, wuxuuna diyaarsaday qorshe uu ku dagaal gelinayo 450 kun oo ciidan ah iyo 150 kun oo kashaqeysa sahayda, wadartu waxay aheyd 650 kun ciidankii ugu ballaarnaa ee uu Napoleon dagaal geliyo dagaaladiisi loo yaqaanay Napoleonic wars.
Dhanka Ruushku roobabkii xagaaga ayaa sii burburiyay wadooyinki liitay oo dhiiqo noqday, kadibna waxaa hoos udhacay jaanqaadkii ciidanka iyo fardihii oo cunay cows uu cayayaan kujiray. Taasi waxay sababtay in ay dhintaan 10 kun oo faras iyo cuduro ciidanka dilay.
Reer baadiyihii Ruushka waxay gubeen wixii ay cows iyo raashin haysteen. Fardooleydii baadiyaha Ruushka loo yaqaanay Cossacks waxay maalintii kudhufo-kadhaqaaq kudili jireen 900 askari.
Calaa kulli xaal Napolean wuxuu islahaa ciidanka rasmiga ee Ruushku, magaalada Smolensk ee Moskow u jirta 100km ayay kugula dagaalami doonaan, mise magaaladii waa gubeen, waana u baneeyeen.
Borodino oo ah duleedka Moskow, ayay dagaal adag kula galeen Ruushka, kadibna Moskow intii ay dab qabadsiiyeen, tuubooyinkii biyahana xireen, ayay uga baxeen. Halka Napoleon islahaa calan-cad iyo caleemo ayaa lagugu soo dhaweyn, magaalo gubaneysa oo hal nafar joogin ayuu qabsaday isaga iyo ciidankiisi oo ay kasoo hareen 100 kun askari.
Shan maalin markuu Moskow oo gubaneysa ku sugnaa, ayuu 19 October 1812 go’aansaday inuu dib isaga noqdo. Waxaa jidka u galay fardooleydii Cossacks, ciidankii Faransiiska ee bilowga ahaa 650 kun askari, waxaa la xusaa 25-kun ee kasoo badbaadday dagaalka Ruushka, in ay qaarna dhinteen, qaarna curyaanimo iyo cuduro la jiifeen muddo.
Napoleon jabkaas dib ugama soo kaban, Ruushkuna waxay noqotay qabriga xukunkiisa, kadibna waxaa loo tarxiilay jaziieradi Elba.
Hadda waxan la nool nahay dhacdadaas mid lamida oo waliba ka qaab iyo qorshe liidata. Dagaal u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh keligii iyo kooxda Alshabaab ee cadow ku ah Soomaali oo idil.
Wuxuu xukunka qabsaday bilaa qorshe iyo aragti la’aan uusan wakhti u helin una heyn, loona abuurinba inuu wax nidaamsan la yimaado, waayo Madaxweynaha waxay xiiqdii iyo dacaskii kaga soo dhamaadeen mucaaradnimadii Marinaayo, ee Madaxweynihii hore Farmaajo oo dalka qarka usaaray dagaal sokeeye.
Waxaa uun safarkiisi 21 Juun 2022 laga warhelay kaambeyn dagaal, 10 cisho kadib caleemo saarkiisa isagoo Abu-Dabi la fadhiya Maxamed Bin Zayed iyo 2-3 July Ankara isagoo la jooga MW Erdogan oo haddana khudbo u akhrinaya ciidan-arday kujira xero Sparta kutaal, lacagna u qeybinaya!
Waagaas Madaxweynuhu, sidii Profosoor jaamacad cashar ka akhrinaya wuxuu usheegayay Soomaalida iyo dunida labo kalmadood oo aad moodday inuu markaa bartay; xakameyn-iyo-hoos-udhigid argagaxisada (containment iyo degrading). Wuxuuna afka kasheegay inuu watto siyaasad kudhisan tirtirid, feker kala dagaalamid iyo cunaqabateyn dhaqaale.
Uma qorneyn mana haysan Madaxweynuhu wax kabaxsan micneynta kalmadahaas af-ingiriisiga ah oo ula muuqday casharadii uu kadhigi jiray jaamacaddii Simad. Majirin qorshe mideyn siyaasadeed, mid istiraatiji dagaal-ciidan, mid juquraafi, mid mukhaabaraad, mid taaktiik, mid howl-galeed ama kaambayn guud oo dalka, dariska iyo dibadda u dajisnaa, waa uun iska hadaafayay sida uu Mall-ka BBS ee Nairobi udhex hadaafayay oo kale.
Iska hadaafidaas ayaa lagula jalbooday, ciddii si macquula u dhaliishana jigraar iyo tuhun argagaxisnimo ayaa lagu shaabadaynayay. Waa dhaqan lamid ah midkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo NN-tiisi dalka ku hayeen, cidii kaa feker duwan shaabadee, cayayaan kukici, dalgal ama safar udiid, dalka dhan kadhig dukaan-xaafadeed (corner shop) adigu leedahay oo dollarka carabta lagu sarifo.
Iyadoo qorshe-xumadu sidaa tahay, ayuu haddana Madaxweynuhu helay ciidamo 5000 si adag loogu soo tababaray Eriteria, Danab, Gorgor, Haramacad, Macawiisleey, dhowr kun oo loo kala diray Uganda, Masar iyo Eriteria.
Inkastoo sida magacyadu ay ugu egyihiin bahallo, aysan ciidamadaasi disibilin iyo kala danbeyn uga dhex jirin, loona sameyn, balse loo sameeyay in dadka lagu waabsado, baraha bulshadana lasoo dhigo iyagoo ku fiican sida loo dhaanteeyo ama heeso uun loo qaado.
Haddana, sidaas oo ay tahay, waxaa la qiyaasaa iskudhaf ciidan dhan 30-40 kun askari inuu Madaxweynuhu haystay, markaana Alshabab waxaa lagu qiyaasi jiray 7 kun. Alshabaab waxay go’aansadeen qorshe ah in aysan gelin dagaal fool-ka-fool ah, una dagaalamaan sidii Ruushku ula dagaalameen Napolean 1812, oo ah u firaaqee, gub meel walba, kadibna kudhufo-kana dhaqaaq.
Xusuus dhow waa xasuuqii ka dhacay Cowsweyne, Masagawaa, Budbud, Wabxo, Galcad, Galhareri oo illaa hadda dadka laga qariyo. Ciidankii Gorgor ee ugu hubka iyo tababarka fiicnaa intoodi badneyd waxay ku la’deen Cawsweyne, qaarna firxadkiisi Yurub ayay qaxootinimo isaga dhiibeen. Kuwii Ariteria-na waaba la xasuuqay.
Maanta sida ka muuqata video-yada dhoolatuska AS iyo warbixinada caalamiga ah iyo walwalka Pentagon, kooxda argagaxisada waa ka hub badan yihiin, waa ka tababar iyo tayo fiican yihiin, waana ka disibilin wacan yihiin sidii hore.
Su’aashu waxay tahay Madaxweyne XSM ma isagaa AS ku sameeyay (containment iyo degrading) mise isaga iyo Ciidankii Xoogga Dalka ayaa sidaas lagu sameeyay? Mise qorshuhuba sidaas ayuu ahaa oo uu rabay?
Madaxweynaha iyo kooxdiisa DJ (Dam-Jadiid) waxaas oo dhan dan kama laha, waxaana siyaasad, qorshe, diblomaasiyad oo dhan loo fahmay “loo joojin maayo”. Sidii qolodii hore NN, kalmadaas siday ugu hayeen ugu danbeyntii bohol kadhacay.
Wuxuuse qolodan danbe, uga sii liitaa markii uu ka adkaan waayay kuwii joogay dhulka dushiisa ee shiddada ku hayay dadka iyo duunyada, wuxuu udhacay lafihii marxuumiinta dhulka hoostiisa kujiray!. Waxaana walwal ba’an laga qabaa Soomaaliya in ay ka dilaacdo wixii Edinburgh-UK ka dilaacay sanadkii 1832 ee ay bilaabeen William Burke and William Hare, loona yaqaanay Burking, oo ah in lafaha dadka geeriyooda laga beecmushataro, xubnahoodana la iibsado, ganacsi-cusub
Intaa waxaa dheer, in Madaxweynihii 2022 lahaa waxan AS kusoo afjareynaa 2 usbuuc, uu Oslo Forum 11 Juun 2024 kacadeeyay inuu isdhiibay, kana adkaan waayay AS oo uu diyaar uyahay maanta iyo barriba laxaajood AS, waliba sedexda dal (Qatar, Norway iyo Finland oo mashruucan watta) ka dalbaday in ay kasoo dhaadhiciyaan AS wada-hadlid!.
Arrintan oo jugweyn ku ah qof walba oo suud-siyaasadeed usoo toshay ka ceyshidda Soomaaliya, gaar ahaan labada koox DJ iyo NN iyo inta la halmaasha ee iyagu ka beecmushtarayay 15-kii sano lasoo dhaafay siyaasadda Soomaaliya ee kudhisan Petrodollar-ka Carabta. Waa yaabe, haddan Soomaali nahay manoo bidhaami weyday caqliyad aan labadan qolo aheyn?
Yurubiyaanku markii ay u taag-waayeen waalidii Napoleon oo ciidamadii Faransiiska ugu badnaa xasuuqay, waxay waalidiisa isaga soo xireen, kuna soo afjareen Jazeeradii uu 1821 kudhintay. Laakin dadka dunida jooga waxay u akhriyaan inuu ahaa halyeey taarikhda Dunida galay, xaqiiqduna waa inuu faashil ahaa, dunida dad badan xasuuqay sidii Hitler.
Inaga hadda yaan u duceynaa oo inaga qaban kara Dr. Madaxweyne Xasan Shiikh inta uusan isku ceejin xariga qoorta u suran ama aysan isaga kuceejin Soomaalida dhulka dushiisa saaran iyo kuwa dhulka hoostiisa kujira? Kadibna, markaan dowlad noqono oo yara weynaano waxan dunida u akhrineynaa inuu Dr. Madaxweyne Xasan Sheekh halyeey ahaa!.
Laakiin nasiib darro Soomaaliduna ilbax uma aha sida Yurubiyaanka, Dr. Xasan Sheekh istiraatijiiste uma aha sidii Napoleon, laakin waxaa hubaala inuu XSM u halaagay ciidamadii Soomaalida sidii Napoleon u halaagay ciidamadii Faransiiska. Madaxweynow, askari aabihii ka horreeyay ciidan ahaa oo aad qabrigii aabihii qodaneyso, sidee qori kuugu qaadayaa?
Ilaahay ha xifdiyo Soomaali, danahooda ha u tuso meel walba oo ay dunida ka joogaan.
W/Q: Luqmaan-Xakiim Xuseen
[email protected]
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan RADIO HALGAN