Wareegto ka soo baxday xafiisla Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay, Maxamed Axmed Amiir oo horay uga soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.
Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha cusub faray in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne.
Sidoo kale, waxaa la faray arrimaha la xiriira sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga u ah bulshada iyo adkeynta amniga.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.
Magacaabistaan lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhdu tahay Talaado, 10-ka Dec, 2024.